Wehel Jacayl| Q-30aad Adegto

Aabbaheed oo isna meel adag iska taagay arrinkeedu wuu soo yara debcay. Waxba yaanu garab sinnin ee gujadii
uu ku waday iyo dadkii chelka ahaa ee uu bahalogelin jiray ayuu ka daystay. Inta ay la daaladhacaysay leebka ku taagan isaguna iyada ayuu cedda dusha ka saari jiray.
Marar badan buu soo wacay una sheegay in ay iskaga
hadho inankaas yar ee reerkoodu is xarrifinayo. Waxa uu
mar walba ku andacoonayey in gobannimodoonka ay u
tafaxadaydatay ay ku hungoobi doonto, maxsuul ka soo baxana aan la mahadin doonin.
Ololihii xorriyaddu meel xaasaasi ah ayuu afka saaray.
Labadii islaamood ee arrinkooda taabacsanayaa ayey
damceen in ay kulansiiyaan. Waa laba qof oo qurbaha ka yimi. Mid kastaa halkeeda ayey kula safatay ilmihii ay
waalidka u ahayd. Qalbiyadooda saafiga ah ee ka madhan
xumaanta ayey ka midaysan yihiin.
Kulankii loo qoondeeyay ayey si foolkafool ah
isugu hor fadhiisteen. Waa la sheekaystay 0o la isu
xaalwarramay; waayo hore iyo waxyeellooyin dhacay baa
la iska waraystay. Nasra eeddadeed waxa ay soo faqday
ficillo gurracan 0o ay goobjoog u ahayd. Jariimooyin iyada lagula kacay balse ay hadda ka fayowdahay ayey ka qisootay. Iyada oo da’ yar ayaa wiil ay arkootay laga hor
istaagay. Waa ay u dhibtootay oo u dhakafaartay, xataa waxa la isku dayey in la dhagro, dabinno badan ayaa loo qoolay, si dunida loo dhaafiyona wax walba waa la isku
dayey. dedaalkeedii se ma guulaysan. Soddon sanno ka

dib wax ay goobjoog u tahay dhacdo teedii la mid ah oo ay maryso inanta uu walaalkeed dhalay.
Hogaggi ay ku dhacday ayey kala dagaallamaysaa in ay
inanteedu dalaq tidhaahdo. Halgankeedii guuldarraystay
ayaa ay rabtaa in ay fursaddan uga faa’idaysato, guulna u soo hoyso. Maamadi ka socotay xagga wilku waxa ay garowsatay yeedhmadii xaqudirirka. In la is kaashado si
wadajir ahna weerarka loo galo ayaa la isku waafaqay.
Kulankasi is’afgarasho ayaa uu ku soo gabagaboobay,
lammaanihii la dulmiyey iyaga oo faraxsan ayey goobtii
ka huledleen.
Nasir ed dadii iyada oo cadhaysan ayey u soo jihaysatay
halkii i joogay aabbihi. Qun yar wax uguma ay sheegin ee qaylo ayey ku bilowday: “Waar miyaanad laahay ka baganayn, maxaad wilka iyo gabadha is calmaday cuqubada uga galaysaa?” Inta aanu jawaabin waxa
qayladi ku soo baday afadiisii–islaantu ma taabacsana
odayga haddana arrinka uu gooyo kuma dhacdo in ay ay mucaariddo.
Ixtimamka ay xaajigeeda u hayso ayaa ganjaha jooga,
baqashana way u wehelisaa.
Inta ay odaygi ka soo jeedsatay ayay haddana cadhadii
kula dul dhacday dumaashideed. “Odaygaaga ma waxa aad ku raacsan tahay godobta uu ka galayo carruurtan yaryar ee uu cidlada u saaray?” Markii ay labadoodiba isu
martay ayaa odaygii oo hadalkeeda u adkaysan waayay ku
yidhi. “Gurigan anigaa iska leh, taladayda mooyee mid

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda