- Waa waxa ay tahay inaad si dhab ah oo togan u taabba galisid si aad u gudato waajibkaaga una
mutaysato xaqaaga. - Waa wax aad adigu masuulka ka tahay 100 kiiba 100 oo hadii aadan samayn aanay jirin cid kale oo kuu samayn karta.
- Waa waxa aad adigu maamusho oo aanay jirin cid kaa caawisa si aad u fuliso.
Hadii aanad garanayn masuuliyadaada u tag
maamulahaaga waydiina maxay tahay sababta aan u qaato
mushaarka waxa la yaabka leh waa in inta badan maamulayaasha aanay aqoon si ay ugu jawaabaan su’aashaan labo arimood darteed inaanay iyagu xitaa aqoon sababta aad halkaan u joogto iyo inaanay aqoon
sababta ay iyaguba mushaarka u qaataan si dhab ah.
Almaz Books
Balse marka aad ku khasabto inuu barto sababta aad mushaarka u qaadataan waxaad sare u qaadaysaa
waxsoosaarka labadiinaba.
Muuji hibadaada
Kolka aad garato masuuliyadaada waxa xiga ee ay tahay inaad is waydiiso waa maxay wax aan qaban karo aniga kaliya ee wax ku soo kordhinaya shirkadda?
Isku day mar kasta inaad qabato waxyaalo wanaagsan 0o loo riyaaqo kuwaas oo aad ku xoojinayso horumarka - goobta aad ka shaqayso iyo rabitaanka ay kuu qabaan
- madadaadu. Waxaa jira mar kasta waxyaalo yaryar 0o aad qaban karto kaligaa kuwaas aad ku soo banbixi karto luguguna qadari doono shirkadaadana wax tar u leh.
- Warka wanaagsan waxa uu yahay marka aad wax wanaagsan samayso waxaa sare u kacaya waxa aad
- dareemayso iyo sida aad isu aragto ila markaasna waxaa kordhaaya waxa wanaagsan ee aad qabaynayso.
- Qeex masuuliyadaada
- Shago kasta waxay leedahay tiro maamuliyad ah 5 ilaa 7.
- Tusaale ahaan marka aad tahay qof wax iibiya masuuliyadaada waxaa ka mid ah:
- Inaad raadiso macaamiil cusub.
- Inaadan soo dhawayn iyo qancin u samayso macaamiisha.
- Inaad ugu adeegto macaamisha sida ugu daacadsan
uguna dhaqsi badan. - Inaad ka gado macaamiisha magaca iyo sumcadda shirkadda.
- Inaad ka jawaabto cabashada macaamiisha.
- Inaad xiriir wanaagsan la samayso macaamiisha joogtada ah oo.
Marka aad tahay maamule masuuliyadaada waxaa ka mid ah: - Qorshayn: inaad sii qorshayso hawlaha, sida loo qabanayo, goorta, goobta iyo cidda qabanaysa.
- Isku dubba rid: inaad diyaarso dhamaan dadka, agabka iyo iyo kharashka loo baahanyahay si loo
qabto hawsha. - Agaasin: inaad la socota oo kor meerto inay u socdaan dhamaan hawlahu sidii loo qorsheeyay.
- Daba gal iyo qiimayn inaad hubiso inay soo baxday natiijadii laga filaayay hawlaha.
Buugga XAKAMEYNTA WAQTIGA
Qoore: Nuurdeeq
Cabdullaahi Xaashe (leyte).
