Wehel Jacayl| Q-31aad Adegto

kale kama soconayso ce ha daalin, gabadh yahay”. Waa la murmay oo la isla tirsaday, markii uu hadalkii xidhmi waayey ayaa dib loo kala gurtay oo la kala dhaqaajiyay.
Waxa ay war ku celisay lammaanihii ka dhursugayey.
Xalkii ay wadday in ay ku soo hungowday ayey u sheegtay.
Guriga Naasir waxa uu noqday meel laga soo unko hagardaamadisa, haddii uu walaalladii u cirsan lahaa
garabkiisa ma joogaan, waxa ay la safan vihin aabbihii.
Caado nabsi weheshanaysa ayey gaadh ka hayaan. Ehelkii
iyo xigaalkii kale ayaa iyaguna looga warsheekooday. In uu waalli ku dhow yahay, dhawaanna uu maryaha dhigan doono, ayaa ay qof kasta ka dhaadhiciyeen. Meel kasta oo la awoodi karayey in laga damqo waa la isku dayey; waxba
ayaa la isla xidhidhiyay. In uu yahay mid inkaari ku dhacday oo habaar waalid qaba ayaa laga soo qaaday.
Meesha uu cagta saaraba erayo inkiraad iyo karaahiyo
huwan ayaa lagu farraqaa. Jacaylkiisa cidi kalgacal iyo xiiso uma hayso. Gabdho ay walaalo yihiin iyagu waaba ay
ka si dareen oo inta ay weerarka isaga dhaafiyeen ayey u tallaabeen Nasra. Wax kasta oo ay walaalkood kaga reebi karaan ayey ku kaceen. Inta ay tilifoonkeeda soo heleen ayaa ay cay u miiseen, xataa waxa ay ugu hanjabeen in ay rifi doonaan, ifkana ku rafaadin doonaan. Narsi wixii ay dhurayeen waa ay ka gubatay. Inta ay wiirsi u qaadatay ayey dheda gijisatay. “Waxa aad jeceshihiin sameeya, bal
waa cidda aad wax kaga qaddaan!” ayey ku tidhi. Waa la

is cariyey oo hawada la iska cunay. Carcarta horeba haddii ay wada joogi lahaayeen waa ay is cijin lahaayeen.
Buuqi aloosmay waxa uu ku baahay labadi dhinac.
Nasti hanjaabaaddii loo soo diray cid kale uma sheegin ee eddadeed ayey ku taabatay. “Ha u jawaabin, juuqna ha u odhan”, ayaa lagu yidhi. Dadka farrimaha handadaada ah u soo dirayaa in ay dumaashiyaheed nogon doonaan ayey eddadeed ugu caqlicelisay. “Eeddo, inaku wax qaylo
iyo isqabqabsi ka wayn ayeynu gabanqaabadisa wadnaa,
markaa dheg jalaq ha u sin dhawaaq kasta oo raba in uu kaa leexiyo jidka aad ku socoto. Guushu way dhawdahay ee garabkaaga yaanay ka bixin”. Islaantu casharradi qadhaadha ee loo soo dhigay oo dhan bay inanteeda u marisay. Sida keliya lagaga gudbi karaa in ay samir iyo horusocod tahay ayey niyadda ugu dejisay. Dhinicusa
waxa isaguna aan yaraysan Naasir, hadallo debacsan 0o dardaaran iyo waxsheegmo isugu jira ayaa uu ku dul
akhriyay. Jidkii hore in aan laga leexan ayey talo ku soo uruniyeen.
Kooxda gobannimodoonka 0o ka kooban labada
dumar ah ee eddadda u kala ah lammaanaha, iyo Naasir saaxibkii, dib bay isugu noqdeen. Talo iyo tabaabusho
ayey isugu yimaaddeen. Maadaama geeddigii la rabay in
meel barwaaqo ah lagu furaa uu u jihaysaty garfo iyo meel
abbaar ah, wixii laga yeeli lahaa iyo sidii looga dabbaalan lahaa ayaa la gorfeeyay. Qofba halkii la qummanayd ayuu
ku dhuftay. Guriga eddadii ayaa la fadhiyaa oo lagu shiraya.

Shaxda la damacsan yahay in la dhigaa ma aha mid sahlan.
Naasir saaxiibkii talo uu soo jeediyay ayaa aakhirkii la isku
raacay. In labada lammaane guurkooda loo hawigalo ayaa la isla gartay. Aabbihii iyo adeerradii in lagala dhuunto
ayuu xaal isugu biyoshubtay. Iyaga la’aantood in gaadhiga
la dhaqaajiyo ayaa lagu qalqaalo jiraa. Cagabad kale oo ay
la dhutin karaan ayaa se soo foodsaartay. Odayga Nasra dhalay oo intii inantiisu dhibaatoonaysay aamusnaa ayaa
hangalka la soo kacay, didmo qayaxan ayaa uu kala hor yimi: “Will reerkoodu aanay la socon anigu inantayda siin maayo”
*, ayuu shardi uga dhigay. Sida aanay baaabbacada timo uga soo baxayn ayey u adag tahay in la helo Naasir oo odayadisu la socdaan. Odaygu waxa uu ka digayaa
masibo soo socata. In gabadhiisu dhib la kulanto mustaqbalka ayuu ka cabsoonayaa. Balse damacisii dudmada ku gotomay waxa biyo kaga shubtay walaashii.
Canaasir aanu filayn ayay ku kicisay. Hal mar ayaa dhinac laga wada maray. Islaantiisii, walaalladi iyo caruurtiisii
ayaa isu bahaystay. Markii uu arkay sida ay wax u socdaan, halkii uu saarnaa ayuu ka soo degay. Baaqii xigtadisa uga
ianaayey ayaa uu aqbalay.
Hakadkii ku yimi in la fuliyo go’aankii la isla qaatay ayaa hore looga socday, yeedhmo kasta oo caksi ku ahaydna dhegaha ayaa laga furaystay. Maal iyo maskaxba inta la isu geeyay ayaa odaygii inanta laga doonay, isna
‘maya’ ma gelin ee hore ayaa uu ka bixiyey. Farxadi iyo myrayntil ayaa la isu hambalyeeyay.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda