Beddel Sida Aad u Fekerayso HaddiiAadan Jeclaysan Natiijada

Fiiri xaaladda nolosha ee aad hadda ku
sugantahay – “waxaa ku gayaysiiyay waa sida aad u fekerayso.”
Inkasta oo weedhaasu adag tahay,
haddana, waa xaqiiq in qof kasta uu nool yahay nolosha ku habboon, waayo waxa ay ka timi sida uu u fekerayo.
Haddaba, haddii aadan jeclaysan
xaaladda aad hadda ku sugantahay xalka kaliya oo ku hor yaalllaa waa in aad wax ka beddesho fekerkaaga.
Bal day! Ilaa aad beddesho sida aad u fekerayso sida aad wax u samayso isma beddeli karto. Marka aan si kale u niraahno, haddii aadan beddelin fekerkaaga ficilkaagu isma beddelo, haddii aan
ficilkaagu isbeddelinna natijadu isma beddesho.
Bartiyaqaan bari uma korodho. Dadka u haysta in xaaladdooda gaar ahaaneed ay isbeddelayso iyaga
oo aan go’aansan in ay wax ka beddelaan, feker iyo ficilba, waxay ka hor imanayaan Aayadda Quraanka ah ee ku jirta Suuradda Racad, “
…. Alle ma beddelo
dad ilaa ay iyagu naftooda beddelaan ….” (13:11).
Beddelka
aayaddu ka hadlaysaana
ma aha
muuqaalka ee waa dunta aad ka samaysan tahay, waana fekerkaaga.
Waxaa jira wax la yiraahdo “tartanka jiirka”.
“Tartanka jiirku”
waa sheeko ka turjumaysa
cawaaqibka ka imanaaya haddaan qofku beddelin
wixii aan siinayn natiijaduu rabay. Sida aad ku aragto Sawirka 2.1. ee hoos ku yaal, jiirku markuu damco in uu horay u socdoba waxaa la wareegaysa
garaangarta. Markay garaangartu la wareegtona waxaa uu ku soo nogonayaa meeshii uu markii hore
taagnaa. In allaale iyo inta xaaladda uu ku jiro ay
tahay in uu garaangartaa dul saaran yahay meel uu u socdo ma leh, xitaa haddii uu xawaaraha oradkiisa
kordhiyo.
Waayo hadduu horay u dhaqaaqo iyo
hadduu dib u socdoba wuxuu ku soo nogonayaa
meeshii uu ka bilaabay. Bal is weydii, haddii uu jirkani rabo in uu qaraab tago muxuu huran yahay?
In uu garaangarta ka dego. Haddii uusan intaa samayn, tabarta ayaa ka dhammaanaysa halkaas ayuuna ku bakhtiyayaa.
Beddel fekerkaaga si ficilkaagu isu
beddelo natiijaduna isu beddesho”
Waxaa badan dadka aan waxba ka ood sukayn jiirkaas oo ku jira “tartanka jirka” iyaga 00 aan ogayn. Waana dadka maalin walba u kallaha shago ama hawl
ay ogihiin
in
natijjadedu aysan
Balleco! Macne ma

samaynayso in aad joogtayso kuna negato hawl natijada ka soo baxaysaa aysan ahayn middii aad
rabtay.
Waxaaba la yiraahdaa: “Waallida
macnaheedu waa qof samaynaya wixii
samayn jiray una samaynaya sidii uu u samayn jiray isaga oo rajaynaya in natijo tii hore ka duwani ka soo baxdo”.

Inkasta oo xaaladaha iyo fekeradaha dadku ay
qabaan ay is bedbeddelaan, haddana waxa dhaqankii hore ee Soomaalidu inooka tegay

murtiyo muujinaaya in qofku mas’uul ka yahay
helidda natiijaduu rabo. Waxaa murtiyahaasu
muujinaayan in ay lagama maarmaan tahay in qofku uu isagu noloshiisa wax ka beddelo ee uusan
cidna ka sugin. Tusaale: “Ilaahow xoogsan maayo ee xoolo i si, llaahay waa awoodaa mase yeelo”;
“Ilaahow guursan maayo ee hay gablamin, llaahay waa awoodaa mase yeelo.” Murtiyahani waxay muujinayaan inkasta 0o Eebbe awood buuxda u
leeyahay in uu xoolo ama dad ku silyo, haddana dhici mayso ilaa aad u tabcabto.
Albert Einstein ayaa mar wax laga waydiiyay dhaqaale xumo adduunka ka jirtay garnigi 20aad
qaybtiisii hore iyo sida looga bixi lahaa, wuxuuna
ku jawaabay, “Kuma xallin karno dhibaatooyinka
ina haysta innagoo adeegsanayna isla fekerkii aynu
qabnay markii aynu dhibaatooyinka abuurnay.”
Hadalkaasi
wuxuu muujinayaa in dhibta qofka
haysata aan lagu xallin karin caqligii iyo cilmigii uu
qofku horay u lahaa, balse loo baahan yahay cagli iyo cilmi hor leh. Cagli iyo cilmi hor leh suurtagal
ma aha ilaa aad maskadaada u furto xog ama
warbixin hor leh.
Ha ka yaabin! In ay noloshaadu is beddesho adiga oo maskadaada aan u furin xog ama
warbixin hor leh oo aad ku alliso arrimaha taagan; iyo adiga oo aan maskadaada ka xirin kana ilaalin
wixii aan waxba ku tarayn oo aad ogtahay sheeko ama shaahid in aadan meel ku gaarayn.

Buuga: HIMILADAADA HANO

Qoraa: Mohamed Ismail Mohamed (Siibed)