Guri magaalada koone kaga yaal ayaa inta loo kireeyay agab kasta loo dhigay. Arooskooda oo hore loo sii gorsheeyay ayaa la gudogalay. Iyaga ayaa isu cammiray mana rabaan in ay siraataan buuq loo soo raaco. Intii dhismahooda ka hawlgashay ayuun baa iminkana u
mushxaradaysa.
Ehelka Naasir warkisa wax waa uga baxeen balse meel ay kaga hagagaan ma jirto. Waa hore ayey xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, lammaanihii ay dayriyeen imika waa nin iyo xaaskii.
Markii gurigood dhisnaa laba bilood ayey Nasri u soo jeedisay gacaliyaheeda in ay magaaladan iskaga huleelaan.
Carriga Ingiriska inta ay tagto in ay u soo dacwooto sidaana ku dhoofiso ayay rabtaa. Markii ay sidaa isula afgarteenba hore ayey ka dhaqaajisay. Durba dacwaddii
ayey bilowday. In uu Addis Ababa u soo wareego oo uu halkaa khadku uga socdo ayaa lamahuraan noqotay.
Markii dacwaddii lagu guulaystay inta London la wada degay ayaa la isku badhaadhay.
Cilmigi injineernimada ayey shago ugu raadisay. Waa xirfad baahi loo qabaye, dhulkaba lama dhigin; markuba lacag badan buu ku shaqogalay. Waalidkii iyo walaalladii
ayaa judhiiba qalbigisa ku soo dhacay. Qof kasta halkiisa
ayaa uu masruuf ugu goray. Faaliggii odaygu la dhibbanaa
safar dibadeed buu dabib ugu diray. Markii ay atkeen sida aanu uga aargoosan ee uu ugu naxariisanayo, ayey u
soo debceen. Ducadi ka baaqsatay oo dhan bay dib ugu
Naasir iyo Nasta hadda uun bay ‘haakah!’ yidhaahdeen.
Guushi ay dhibta iyo dhalandhoolka u soo mareen ayey
midhaheedii guranayaan. Waalid iyo walaalba goonyaha
ayey ka joogaan oo waa loo dhan yahay.
WAR LA’AANTA INDHOOLKA IYO
WALBAHAARKA JACAYLKA
1970-kii ayaa uu Maxamed ku dhashay Hargeysa.
Isaga oo markaas un socodbartay oo laba sanno jir ah ayaa loo qaaday magaalo la yidhaahdo Xiingalool. Waxa ay ku taalaa baadiyaha degmada gadimiga ah ee Ceerigaabo.
Waa meel Alle ku mannaystay bilicsami iyo qurux dabici ah. Saddeda meesi ee Soomaalidu dhagato ayey hodan
ku tahay oo muush ka ah. In uu ku soo barbaaro, ku kobco, kuna soo hanaqaado ayaa halkaas loogu dooray.
Cano geel yo hawsha reerka taal oo uu dhinicisa kaga
foofo ayaa lagu ababiyey.
Subax isaga 00, inta uu ardaaga geela caano ka soo dhamay, maqasha agteeda carruur kula ciyaaraya ayuun baa samadaa loola baxay. Xanuun aanu hore u gabin ayaa ku soo booday. Dabayl jaan baa labada indhood u saabisay.
Indhihii carruurnimo ee quruda yo caafimaadka u
anxibka ahaa ayaa illin mooyee wax kale laga waayay.
Haydh’haydh baa galay wilashii waafiga wax u arki jiray.
Markii xaalkisu sii adkaaday, wadaad iyo waranlena
In isugu tagay ee waxba laga qaban kari waayey, waxa too galaaliyey in loo qaado magaaladi ugu dhawayd.
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
