Dabeecadda aadamaha

Aadanaha horraantiiba waxaa lala abuuray rabitaan iyo shahwaad taas ayaana sababeysa inuu mararka qaar gabo dambiyo sababi kara inuu cirib tirmo ama uu la soo darso dabar go, weyn oo ay adduunka kaga faaruqi karaan barkood.
Marka aad dib u milicsato dadyoowgii naga horreeyay ee ku noolaan jiray adduunka dabcan annagu waxa aan nahay kuwa ugu dambeeya haddaan nahay ummadda nabi maxammed NNKH waxaad ogaaneysaa waxa ummad la halaagay ee inaga horreeyay waxa sababay halaaggooda dambiyo ay ayagu la yimaadeen.
Dambiyadaasi waxa ay noqon karaan in ay ku caasiyaan allihii abuuray ee xaqa ahaa ama waxa ayba noqon karaan in ay musiibo farsameeyaan ayaga oo ka dhex arkaya dano faa’iido u leh noloshooda balse aanay arkeynin wax yeellada ka dhalan karta.

Aadanaha alle waxa uu baray wax uusan malaa’ikta barin sida uu qur’aanku moo sheegay hase ahaatee waa maqluuq oo farsamadiisu waa ay kala dhimmantahay sidaas ayaana keeneysa mararka qaar waxa ay faa’iidada u arkayaan iney ka dhalato musiibo,
waayo dadku waa mid ilduuf iyo hilmaan badan wax walba oo uu sameeyona ay yeelan karaan galdaloollooyin badan waana wax dabiici ah qaladka aadanuhu oo wax lala yaabo ma aha.
Tusaale sanadkii 2019kii waxa uu ku billowday si caadi ah qof walbana waxa uu indhaha ku hayay isbaddallada aqooneed ee aadanuhu ku sii tillaabsanayo robotyo qabanaya shaqadii aadanaha, diyaarado soo koobay safaradii qaaradaha taleefanno dunidu iska dhex aragto iyo horumarro aan xad lahayn ayaa adduunku ku socday.

balse wax walba kadis ayey isu baddaleen dhammaan dadka caalamka sabool iyo taajir waxa ay noqdeen kuwo ku xiran guryahooda awoodna uma yeelan iney aadaan meesha ay rabaan waxa aan ka dhuumaneynayna ma ahayn noole inaga awood weyn,
balse waxa uu ahaa noole aad u yar 10,0000,0000 oo jeerna ka yar jirka aadanaha dhammaan awooddii ay is bideen ilmo aadanna waxaa soo gunaanaday noolahan aanay ishu arkeyn fayriska karoone waxa uu ahaa kii na tusay awooddeenna.
haddaba ma ogtahay aqriste in aysan aheyn markii ugu horreysay ee noole yari sabab u noqdo burburka xaddaarad uu yagleelay ibnu aadamku wali ma aragtay sheekada boqortooyo quraanka lugu sheegay oo la oran jiray saba’ boqortooyo uu alle ku tilmaamay in ay eheed janno aad u qurxoon oo ku taallay dhulka.

ma ogtahay biyo xireenkii ma’rib ee lugu tilmaamay inuu ahaa biyo xireenkii ugu weynaa ee laga yagleelo adduunkan mase ogtahay in biyo xireenkaas burburkiisa uu sabab u ahaa jiir ama doolli kolba sida aad u taqaanno.

Qoraa: Abwaan Cali Cartan Cabdulle

Buuga: Almaaz