Anigu waxan ahay. Afkayga.

Itaal iyo muruq laxaadka

Awood iyo cudud ladnaanta

Kartida adag iyo hal deeqa

Anigu waxaan ahay afkayga

Astaan muuqliyo sifaynta

Abbaar toosiyo caddaynta

Sawraca Soomaali aadka

Anigu waxaan ahay afkayga

Abtiga iyo inaabtigayga

Adeer iyo ina-adeerka

Awoow iyo oday mocooyga

Anigu waxaan ahay afkayga

Axdiyo aahdiyo jibaadka

Aheey iyo caku tolaayda

Wirtiyo carta iyo allaayda

Anigu waxaan ahay afkayga

Isaga iyadiyo tusmaynta

Kuwaas iyagiyo intaasba

Innaga adigiyo inteenan

Anigu waxaan ahay afkayga

Haddeer ammintiyo ayaanka

Hadhawtiyo arag fogaalka

Illaa dura taariikh awaalka

Anigu waxaa ahay afkayga

Abwaan hal-abuur le eegga

Odhaah gabaygiyo ujeedka

Ararta beyd liyo geeraarka

Anigu waxaan ahay afkayga

Indhaha dibnihiyo sankayga

Gacmaha addimada jidhkayga

Oogada saantiyo dushayda

Anigu waxaan ahay afkayga

Hayinka awrliyo hashayda

Hantida adhi iyo lo’dayda

Fardaha ashkirliyo gammanka

Anigu waxaan ahay afkayga

Alliyo Nebigay ammaanka

Caqiidiyo diin iimaanka

Addoonnima iyo islaamka

Anigu waxaan ahay afkayga

Himilo yididiillo oolka

Aqoon garashiyo xiskayga

Yoolkiyo ulashada hankayga

Anigu waxaan ahay afkayga

Akhriska shaqalkiyo qoraalka

Shibbane aamusan xuruufta

Ayidka ereygiyo dhawaaqa

Anigu waxaan ahay afkayga

Ab iyo ka abkay awoowga

Sinjiga isir sheegadkayga

Magaca iyo habel ahaanta

Anigu waxaan ahay afkayga

Af iyo af sooomaaligayga

Qoree: Yahye Abdi Ali “Yaxye Yeebaash”