Wehel Jacayl| Q-33aad Adegto

Ceerigaabo ayey kula ordeen. Cabbaar haddi la furfuryey waxba waa laga gaban kari waayey. Magaaladii xigtay ayey isu dhaafiyeen. Burco markii la geeyay iyana way ku hungoobeen. Dhibtii ku oognayd jawaab dhaymo
u noqota kama ay helin. Inta ay kolba magaalo isaga dabqaadayaan ishisuna way si shiiqaysaa. Safarka iyo
kolba meelaha ay ku hakanayaan waxa ay wiiqaysaa rejadi laga gabay in indhihisu soo doogaan. Magaalada Hargeysa ayaa haddana la keenay. Dhaktarkii la dhigay natiijo ay ku gancaan kama ay soo bixin. Quus iyo wax ka qabasho la’aan buu la hot jimi. In sidaa lagaga hadho baadidoonka lagu soo celinayo indhihii fayoobaa iyo in geeddiga la sii wado ayuu arrinkii isugu soo biyoshubtay. Dalka dibaddiisa in
lagula quusto ayaa la isla qatay, markaas baa magaalada Cadan, Yaman, lagu si daayay. Sidii ay filayeen waxba ma nogon; rejadii ay ka qabaneen cisbitaalka cusub ayaa god ku dhacday. Niyadjab iyo rjobeel buu watkoodu ku soo
idlaaday. Ehelkii uu Maxamed ka dhashay isma dhiibin,
safar kale ayey u galabqaateen. Oddoroskii, dalwaynaha Ruushka ayey doorbideen. Dhakhtar ay si ballansadeen ayey la beegsadeen. Baadhis dheer oo saacado qaadatay ayuu maray. Natijo aan la mahadin baa haddana soo yeed hay.
Indhihis in aanay wax rejo ah lahayn bay go aan ku soo saareen. Sida caadiga ah qofka xannuunka dabayshu ku dhacaa in uu saddeda cisho ee ugu horraysa wax ka
qabasho leeyahay ayey u sheegeen; wakhtiga galbaday baa
guuldarrada keenay.

Markii sidaasi dhacday waa ay soo guryonoqdeen.
Maxamed waxa u bilabatay nolol cusub oo indho
In’
aan ah. Muqdisho ayaa loo wareejiyay. Laqabsiga lyo lakacaakufka camoolannimada ayuu Xamar kula
kowsaday.
Sannado ka dib mar uu Xamar la gabsaday, masiibadii
ku dhacdayna aqbalay, ka dibna la noolaaday, ayaa goor fiid ah tilifoon guriga jaarkiisa ah ku rakibnaa looga yeedhay.
Gabadh ay ehel ahaayeen ayuu ka gabtay. Iswaraysi ka
dib, waxa ay ka codsatay in uu farrin ka gaadhsiyo qof ay wayday. Maadaama ay mashquul ahayd qurbahana ay ku noolayd, isaga ayey u wakiilaatay in uu ka qaado dhambaalka. Lambarkii uu ka wici lahaa iyo farrintiiba
inta ay isu raacisay ayey is macasalaameeyeen.
Dhawr jeer buu wacay oo uu waayey. Waxa uu isku
hawlay sidii wixii la soo faray uu isu dhaafin lahaa; waa tii hore loo yidhi, ‘farrini waa qaane’, cabbaar ka dib waxa u helay jawaab. Gabadh aad u da yar oo cod macaan aya ka gabatay; farrinta gudbinteeda waxa u dheeraa
do dhex maray sheeko qurxoon oo kaftan iyo qosol ku
lammaan yahay. Inta magacyada la is waydaarsaday ayaa lagu ballamay in la isa soo xidhidhiyo. Guriga uu deggan yahay kuma xidhna tilifoon. Mar kasta oo uu damco in uu gof la hadlo, sida aabbihii oo Carabaha ku maqnaa, waa in uu agalka ku xiga u wareegaa.
Gashaantidi ay ku ballameen in ay isa soo wacaan ayuu taar u diray. Waa sheeko cusub oo qacdii horeba la isku

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda