Dadku abuur ahaanba waa kuwa su’aal isweydiin badan,
u hammuun gaba daahfurka waxyaabaha adduunka ku
qarsoon; marka uu kor u fanto sallaamada ilbaxnimadana, agoon badan oo uu u haystay xog faakihaysi iyo daanshadaashood ah ayaa isu beddelaya lamahuraan nolosha ka mid ah, taas oo lagamamaarmaan u ah koritaankiisa ruuxeed, caqli, iyo xirfadeed.
Ilbanimada baadisooceeduna ma aha in la helo xog
cusub, laakiin waa in aqoonta la hayo loo hawlgaliyo in lagu wanaajiyo sida nolosha dadku tahay, qaybaheeda
kala duwanna kor loo qaado, halkaas ayaanay innooga soo baxaysaa in yoolalka dadku ka leeyihiin wax akhrisku kala
duwan yihiin. Waxaana ay ku kala duwanaanayaan xaaladda
akhriste kastaa ku sugan yahay iyo ujeedka uu ka leeyahay
akhrinta buug gaar ah.
Duruufaha nololeed ee mid kasta oo innaga mid ahi
marayo, ayaa ka dhiga sababaha ka danbeeya in wax la akhriyo kuwo aad u kala tagsan. Wax akhrisku waxa uu nogon karaa mid looga dan leeyahay in gofku ku ballaadhiyo salka uu ku fadhiyo fahankiisu. Waxa ay nogon kartaa mid looga dan leeyahay in lagu helo xog ku saabsan mawduuc gaar ah. Waxa ay nogon kartaa mid looga golleeyahay madaddaalo ama akhris la’aan ha ku dhicin, ama cabiidinta caado gaar ah, ama wagtiga oo lagu buuxiyo. Waxaa kale oo ay nogon kartaa mid macaansi ruuxda yo cagliga ah
looga dan leeyahay, amaba kor u soo qaadidda hoosudhac ku yimid gofka xirfaddiisi, amaba iyada oo uu gofku iska
ridayo dareenka waajibnimadeeda, amaba in uu muujiyo in
qofkaasi aqoonta jecel yahay dadkeedana salsallaabayo …
Dad aad u badani ma yaqaannaan sababta ay wax u akhrinayaan, danna kama laha in uu naftiisa weydilyo yoolka gaarka ah ee uu dartii wax u akhrinayo, iyada oo in arrinkaas si hoose loogu daadego oo la xaddidaa ay muhiim u tahay xaddidka waxa ku habboon yoolkaaga ee ah buugta
kala duwan, siyaabaha loo akhrinayo iyo heerarkeedaba.
Waxaana aynnu odhan karnaa: yoolalka guud ee dadka
badankoodu ka leeyihiin wax akhrisku waa saddexdan
midkood:
- In wax loo akhriyo madaddaalo iyo wagtiga oo la isku dhaafinayo ama firaaqada oo lagu buuxinayo. Akhriskanina
waa midka ugu badan dadka dhexdooda. Tirakoobyada qaar
ayaa sheegaya in 70% dadka wax akhriyaa ay uga golleeyihiin uun madaddaalo. Waxana jira dad ciddaas ka badan oo u jeeda dhanka akhriska sheekooyinka, sheekofaneedka, riwaayadaha, warsidayaasha, iyo jaraa’iddada (kooban),
arrinkanna waxaa keenaya in akhriska madaddaalada ahi
aanu u baahnayn wax xirfad ah, dedaal la sheegana ura
baahna. Waxaaba suuragal ah in akhristuhu uu buugga soo
qaato marka uu doono, wax kasta oo uu ka helana-haba yaraatee—uu ku qanco, xataa buugaagta ugu adag ayaa loo
daalacan karaa madaddaalo ahaan.
Taas waxa aad ku dartaa in dadka badankoodu aanay lahayn wax yoolal ah ama meclo gaar ah oo u cayman, 0o ku qasbaya in uu akhriyo buugaag gaar ah, ama ku gasbaya
in uu lahaado barnaamij akhris oo gaar ah. Taasina waxa ay ku riixaysaa in uu akhriyo wax kasta oo gacantiisa soo gala, danaynta uu ku akhriyi doonaana waxa ay la heer tahay middii uu siiyay xulashadiisa!
Taas oo jirta, in wax loo akhriyo si madaddaalo ahi kama madhna waxtar, akhristuhu waxa uu daagadda ka tuurayaa
firaaqadii dareensin lahayd in uu maalaayacni yahay. Waxaa
kale oo laga yaabaa in uu kaga faa’lidaysto firaagadiisi waxyaabo dhib leh, waxana taas dheer in ay dawo u nogon karto xanuunnada neerfaha qaarkood oo asaasaqa ku
dhaca dadka waaweyn waxaa hadda lagu daweeyaa akhris
iyo dabiibyo kale. Sidaa oo kale akhrisku waxa uu dawo wanaagsan u yahay xanuunka “daa’uusnimada ka badbadiska
ah” oo ay dadka qaar la nool yihiin. Sidaas marka ay tahay, buugga oo lala saaxiibaa mar kasta waa khayr uun.
- Akhriska xograadiska ah isaguna waa hab ay dad badani adeegsadaan, dedaalka uu u baahan yahay hab
akhriskan laftiisu waa mid kooban oo gofka wax ka yaqaan
1
Egocentrism: waa xanuun ku dhaca dadka oo gofku naftiisa aad ula shawakhayo, taas oo uu u qaadanayo in uu yahay qofka ugu muhiimsan goobta
shaqada, xubnaha goyska, dadka la degaanka ah amaba dunida oo dhan. Waxa uu gofkani u arkaa in dunida isaga loo abuuray, dadka korkeeda saarannina ay yihiin shagaalihiisi khaaska ahaa oo ay isaga u khidmaynayaan.
akaamta salaadda waxaa u fudud in uu xog ku kordhiyo
xogihiisi hore ee uu ka hayay arrin figi oo khilaaf ka taagan
yahay, oo falalka salaadda ku jira midkood lagu sheegayo sunne ama waajib. Waxaa sidaa oo kale u fudud qofka wax ka yaqaan jugraafiga dal leeyahay in uu xogtiisi hore ku
daro mid ka hadlaysa dhibaatada xagga biyaha ee dalkaasi wajahayo, amaba koritaanka tirada dadkiisa …
In wax loo akhriyo xog helitaan waa mid aad u badan, maxaa yeelay caalamkeenna Islaamka waxaa ka jira “safmar”
dadka oo dhan wada gaadhay, kaas 0o ah in la baadho hadba wixii fudud, laguna gaadho sida ugu fudud!
Waxana shaacsanaanta akhriska noocaas ah daliil u
ah: cabashada joogtada ah ee dadka qaar ka cabanayaan in buugaagta qaar aad u adag yihiin, maskadoodana ka
degi la yihiin, mana rabaan in ay goraaga la wadaagaan dhibaatadii ka soo martay. Waxaa kale oo iyana dalüil u ah in aynnu dareemayno in dadku xog badan ka haystaan arrimo badan iyo dhacdooyin badan, haddana ay inoo muugato in dadkaas fahankoodu aanu ka soo raynahayn, halka awooddooda caqli ku eegistu ay iyaduna taagdaran tahay,
awooddooda kala shaandhaynta xogta iyo in ay arrimahaas
ku daraan kuwa guud oo ay dhufsanayare leeyihiin ayaa
iyaduna liidata. Wax lala yaabana ma aha in aynnu qof ku tilmaanno in uu aad wax u akhriyo, ka dibna aynnu aragno in “rakooyinka caqligiisa” aanay waxba iska baddalin
labaatan sano oo wax akhrinayay oo wax daalacanayay!
- Akhriska looga dan leeyahay in la fidiyo salka fahanka, waana noocyada akhriska ta ugu dhib badan uguna faa’ido
badan. Dadka ujeedkan wax u akhriyaana waa dad aad iyo aad u yar, sababtuna waa in dadka badankood aaminsan - yihiin in mabaadiida, awoodaha maskaxeed iyo garasho
- ce ay haystaan ay fiican tahay kuna filan tahay, dadkuna sida caadiga ah ma aqbalaan farkufig kasta oo sheegaya in garashadooda wax ka dhiman yihiin. Sidaa oo kale akhriska looga gollecyahay in nooca fahanka lagu wanaajiyaa waa mid bilawgiisu aad u adag yahay, oo buugga kor u qaada
- fahanka akhristuhu ma aha buugga uu iska fahmayo, ama ka soo bandhigaya xog iyo afkaar la iska yaqaanno, waase buugga uu akhristihiisu dareemayo in heerkiisa uu ka
- sarreeyo, fahankiisuna uu u baahan yahay noo daal, dedaal
- laga run sheegay, iyo firsasho ah. Marka uu ku guuleysto
- akhristuhu in uu fahmana, heerkiisi ayaa kor u soo kacay, waxaana uu sidaas ku noqonayaa mid uu fikirkiisi soo
- wanaagsanaanayo.
- Waxana dhacda in buuggu aanu wax xidhiidh ah la
- lahayn dhaganka akhristaha, ama ay ku jiraan ereybixinno iyo fikirro cusub ah ama aad u kakan. Taas oo akhristihii baraqjabinaysa dareensiinaysana in uu yahay ‘waxbayahay.
- Taasina waxa ay la macne tahay in laga yaabo in aan akhristuhu ka mid ahayn dadka buuggan loogu talagalay.
- Sidaas darteed bugga kor u qaada fahanku waa buug ku carinaya ee aan ku baragjabinayn. Waa uu ka sarreeyaa heerka akhristaha laakiin waxaa suuragal ah in akhristuhu
- heerkiisa kor ugu soo kici karo ilaa xad.
- Akhriska wax loo akhriyo in wax la fahmaa waa akhriska beegsanaya in la haysto manhaj toosan oo lagula dhaqmo aqoonta, ina dhaxalsiinayana in aynnu yeelanno caadooyin fikir oo cusub, waana ka kordhinaya
- carbisnaanta maankeenna, halka uu sidaa oo kale ka koriyo khiyaalkeenna, innagana dhigo kuwo sawirro u dhow
- xaqiigada ka samaysta dhacdooyinka iyo walahaba, iyada
- oo ay weliba jiraan dhimaal war iyo wacaaleed … dheefta
- aynnu ka helayno buugaagta ina siinaysa xogtu waxa ay la
- mid tahay sidii gof helay kuus dahab ah, halka dheefta aynnu ka helaynno buugaagta wanaajinaya habka fikirkeennu ay
- la mid yihiin sidii qof la siiyay furaha god dahabka laga godo!
- Akhriska noocan ahi waa ka ka dhigaya xogteenna mid ubax bixisa oo midhadhasha, haddi Alle idmana si aad u
- heersarreysa ayaynnu u faahfaahin doonnaa.
- Waxaa lagamamaarmaan ah in la yidhaahdo: liidka u dhexeeya buugga xogta ku siinaya iyo ka ballaadhinaya
- salka fahankaagu waa liid aad u garsoon inta badan, oo buug kasta oo u gaar ah in uu xog bixiyo waxaa suuragal
- u ah in uu wanaajiyo habka fahankaaga—waa haddii loo
- dhigo qaab cusub, sida in uu xogta ku dhinac wado dalillo,
- maxsuul u soo baxay, isbarbardhig, iyo sababayn gaar ah.
Qoore: Dr Cabdikarim Bakaar.
