Waa sheeko cusub oo qacdii horeba la isku qumbacdaye, si deggan oo hadalka loo kala nasanayo ayaa loo wada hadlay. Qosolka yaryat ee astaanta u ah marka ay laba gof is cajabiyaan oo lagu dhex daray erayo macaan 00 maad iyo muxibbo ambaarsan, ayey soor isaga dhigeen.
Su’aalo joog hoose ku duulaya, jawaabahooduna aanay soo daahayn, ayaa la is waydaarsaday. Waa la iska helay oo la is calmaday. Waxoogaa Markii erayo allad leh o0 xawaashku ku badan yahay la isku lishaamay, waxa la isla gartay in is wicitaanku joogto noqdo oo aan la kala faaruqin.
Maalin kasta waxa ay dulsaar ku ahaayeen oo ay ka wada hadli jireen xaafadda jiraanka. Mar isaga loo yeedho iyo mar uu wacoba, lama kala foodqaado. Hadalku waxa uu nogday xidhiidh. Subax kasta sheekooyin hor Ich
oo nolasha qaadaadhiggeeda iyo gisooyin huwan ayey
iskula soo kallahaan. Marmarka qaar waxa uu Maxamed gabadha uga sheekeeyaa taariikho iyo dhacdooyin jacay|ka
ku tacalluga oo uu buugaag ka akhristay. Maadaama uu
camoole yahay, dhiganayaasha cishqiga xambaarsan inta loo soo akhriyo baa uu dusha ka xiftiyi jiray, markaas buu u gudbin jiray jacaylkiisa. Waxa buugaagtaas oo aad
loo xisayn jiray wakhtigaas ka mid ahaa “Ma dhab baa jacayl waa loo dhintaa?” oo laga qoray Cilmi iyo Hodan, curintiisana uu lahaa mid ka mid ah carruurta ay dhashay
‘Hodan’ 0o lagu magacaabo Cabdirashid Maxamed
Shabeelle. Waxa kale oo jiray buug laga goray jacaylkii badwayn dhedeed ka abuurmay ee Carala iyo Cali-
Maax, magaciisana loogu wangalay “Aqoondarto waa u
nacab jacayl”.
Laba buug oo iyana dhallintu wakhtigaa aad ula nedeen, “Idman iyo Sharma’arke” iyo Dhibbanaha aan
thalan”, ayaa uu si taxane ah ugu marin jiray iyana ay ula socotay
Jacaylkoodii qalbiyada ka bilaabmay ee aragtidu u
chinnayd wax uu si socaba, hadda waxa uu marayaa
badwayn dhedeed. Layla ma oga in gacaliyaheedu indho
yahay. Dhow jeer baa ay u soo bandhigtay in ay is arkaan isaguna uu ka muquurtay. Sababo u gaar ah buu
atmaystay si uu ug ganciyo in wakhtigan aanu munaasib
shayd is araggoodu.
Codsiga uga yimid gacalisadiisu waxa uu ku abuuray
culays. Runta sheegisteeda maadaama uu ka baganayey, waxa uu ka tashaday in uu yareeyo wakhtiga faraha
badan ee ay haasaawaha ku gaataan. Wadasheekaysigii
maalinlaha haa in uu usbuucle ku soo koobo ayuu
go’aansaday. Xeelad dibugurasho ayaa uu ku dhaqaaqay.
In uu jaamacad bilaabay oo wakhtigu ku yar yahay ayuu
marmarsiyo ka dhigtay. Reerkii jaarka ahaa ce ay iska
R00 wici jireen ayuu u sheegay gotshihisa: haddii ay ka
40o wacdo in lagu yidhaaahdo: “Maxamed jaamacad buu jiraa” ayuu ka dhaadhiciyey.
Naf wax jeceli wicitaanka ma dayso e, dhow jeer 0o dhawaaqeedu soo dhacay waxa loogu quusgooyey
in uu jaamacad ku magan yahay. Markii ay aragtay sida uu xaal yahay ayey nafteeda ku dirqisay sida uu rabo
in ay u yeesho, toddobaadkiina hal iyo laba jeer ay kala
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
