Wehel Jacayl| Q-35aad Adegto

Toddobaadkiina hal iyo laba jeer ay kala warhelaan. Xidhidhkii xawliga ku socday in si yar oo
fudud loo karaarjebiyaa waxa ay ku abuurtay kaar iyo kurbo siyaado ah.
Muddo markii uu xidhidhkii goosgooska ahaa socday
waxa ay soo istaagtay hadalkiina ku soo goysay in ay u baahan tahay aragti. Muuqisa oo anay wemli arag ayey u
ooman tahay; ibtilida haysata ee uu la irdhanayo war iyo wacaal uma hayso.
Waxa uu hadba geed ugu gabbadaba, runtii ayey isugu soo ururtay. Xaqiiqadi uu inta badan daaha saarayey in
uu toos u wajaho ayey xaajadu saldhigatay. Saaxiibkii
oo arrimahooda u dhuundaloolay, mar kastana uu uga
warrami jiray wixii ku soo kordha ayuu uga sheekeeyay halka ay gabadhii kala joogaan, iyo sida ay uga go an tahay in ay is arkaan.
Markii uu xaajada rogrogay waxa uu talo ku soo
jeediyay in ay arrinta xaqigadeeda toos u abbaaraan,
inantana uu u sheego sida ay wax u jiraan. Dhacdadii Maxamed nugaylka iyo baqdinta ku abuurtay ayaa hal mar ka kala degtay. Fikirkii saaxiibkii ee ahaa wixii jiraba in ay bannaanka keenaan ayuu la qaatay. Waxa la isla gartay in inta uu waco uu u sheego in uu camoole yahay.
Maalintii xigtay ayey isu soo raaceen xaafaddii jaarka
si ay u wacaan. Markii ay ka qabatayba Maxamed waxa uu isku dayey in uu uga warramo aalkiisa; balse hadalba waa uu ka soo bixi waayey, wax uu yidhaahdona waa uu garan
waayey. Hees baa ahayd:

“Haddaan kuu jeedin laayoo
Jabka kuu sheegi lahaa
Awood baan jirin xaggaygoo
Afkii baa juugda gabay!”
Ka dibna saaxiibkii ayaa ka gabtay oo sheekadii la
wareegay. Waxa uu uga bilaabay hogatusaalayn: “Abbaayo,
jacaylka wax ka wayni ma jiraa? Ka warran haddii qof aad dhiigga iyo dhuuxaba isu shubteen uu kuu sheegto arrin
dhaawac ku ah, muddo badanna uu garsanayey; ma la dareemi lahayd dhaawaca mise inta aad kala dhantaasho ayaad jacaylki inta badan dhisnaa ka dhaqaaqi lahayd?” Markii uu intaa ku yidhi ayey si qiiro leh ugu jawaabtay:
“Abboowe, kama dhaqaaqeen ee inta aan la dhadhamiyo ayaan dhiniciisa istaagi lahaa”. Waa sidii uu doonayey ee
waa ku soo rogaalceliyey: “Abbaayo, Maxamed waxa un in badan kaa qarinayey oo boog ku noqotay arrin isaga 00 yar ku dhacay, qaddarta Allena sababsatay. Maxamed waa camoole ee ma ku qaadan lahayd? Inta ay erayo dareen leh oo qalbi wax jecel ka soo baxaya ku tidhi: “Haa”, ayey codsatay in Maxamed tilifoonka loogu dhiibo. Ka dibna way hadashay iyada oo leh: “Abboowe macaane, maxaad iiga qarisay in aad indhoole tahay, sow ma ogid in aynu nahay laba qof oo dhib iyo dheefba in ay wadaagaan diyaar u ah; ma kula tahay in xubbigi ay naftaydu ku xasishay uu ku cidleeyo oo uu kugu naco qaddarta Alle? Anigu
waxa aan kuu hayaa ixtiraam aan is dhimayn, lagamana

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda