Aragti Mustaqbal (Vision)

Imika maxaad uga jeedaa
aragti mustaqbal?
maxaadse uga jeedaa ujeedada u danbaysa ee nolosha
aan ka leenahay? muxuuse yahay Hadaf,?maxaa looga
jeedaa dariiga toosan?, maxaa loogajeedaa Khayr rajeeya
waad helaysiine? maxay ka dhigantahay (haddii aad
go aan gaadho, ilaahay talada saaro)

(kuwa
ilaahay
rumeeyoow,gargaarsada
sabir
iyo salaad, ilaahay wuxu la jira kuwa sabra) Marka aad sidan u fikirayso, waxaa lagama maarmaan ah inaad tahay mid diyaar ah, diyaargarawgaa waxaa soo galaya inaad noqoto mid mustabalka u diyaara, ma xasuusataa markii aan ku idhi: ( anigu waxaan ahaa
mid maskax ahaan u diyaara markii aan ahaa ciyaartow, inaguna imika waa inaan maskax ahaan u diyaar garawnaa, si aan maskax ahaan ugu diyaargarawno waa

inaan aqoon yeelanaa, waxan aad u diyaargaroobayso
aqoon ma u leedahay? Ama xirfad ma u leedahay? Waxaa muhiima inaad wax akhrisato oo aad aqoontaada kor u qaado, oo maalinkii ugu yaraan aad labaatan daqiiqo
wax akhrido, oo aad xaadirto siminaaro, oo aad naftaada wax barto, haddii aad gaadhi leedahay aad isticmaasho cajalado, haddii ad lugado kale taqaanana aad akhrido cilmiga culumada ajaanibta ah, waayo waxay cilmi heer sare ah u leeyihiin majaalada qaarkood, sidoo kale culumada carabta laftoodu waxay leeyihiin aqoon aad u
saraysa, gaadhigaga ka dhig jaamacad wareegta, haddii
aad haysato telefishan iibso cajalad dvd, oo ku daawo cajaladaha cilmiga ah, sida uu yidhi: Anistain (aqoontu
waa awood) waxaa kale oo uu yidh: (haddi and samayn karto aalada lagu dabo jirka taas oo ka fiican ta kale ee uu jaarku haysto dadku way kuu imanayaan si ay kaaga samaystaan)
Ta labaad, waxaad arki in ruuxa xikmada leh uu yahay
ruux naftiisa wax baray amase cilmiga ka helay deegaanka ku wareegsan, aniga ra, yigayga waxaa daruuri ah inaad
taqaano laba dariiq, si aad u awoodo waa inaad yeelataa aqoon heersare ah, nogo mid leh xirfad iyo aqoon, agoontaadu waxay baraarujinaysaa awoodaada,
00 ah garwaaqsiga naftaada, go’aan qaadashadaada, doorashada wixii aad gabanayso, qaadida masuuliyada,
ka xorawga wixii tagay iyo habaynta waqtiga taagan iyo
adeegsiga arimahaas oo dhamaystiran, dhamaystiran
waxaan uga jeedaa tusaale ahaan marka aan ku siiyo kitaab ee aad akhrido maanta, qaado qalin doog ah iyo mid cas oo calamadee akhriska dagdaga kitaabka wad ku dhamen karta hadana waxad u gudbi inad

wixii aad akhriday agoon ka hesho, laakiin daruuri maaha inaad kitaabka hal saac ku dhamayso, laakiin waxaa muhiima inaad kitaabka ka dhigato marjix aad
mar kasta u noqon karto, kitaaba xaashi xaashi u akhri,
macluumaad ka muhiimka ah galin cas ku calaamadee, oo baro oo faaiidayso, ugu danbayna waxaad noqonaysaa
mid ku hubaysan agoon.
Intaas 0o dhan waxaan ka hadlaynay asbaabta, imikana
waxaan ka hadlaynaa qaybta labaad oo ah qaybta
ruuda, waa Niyada, oo ah inaad niyooto isticmaalka
awoodaada, aad niyooto inaad dareenkaaga oo dhan
adeegsato, aad niyooto inaad dad badan caawiso,
aad niyooto wax kasta oo dhaca inaadan marnaba ka tanaasulin himiladadaada iyo hadafkaaga, 00 aad
niyooto inaad ilaahay talada sarato sida ilaahay yidhi:

Marka aad go’aan qaadato ilaahay talada saaro oo ku dhaqaaq, ilaahay wuxuu jecelyahay kuwa talada saarta.
Marka aad go aansato, ee aad doorato, masuuliyada qaado, marka aad go’aansato inaad masuuliyad gaado, 0o aad adeegsato dareemayaashaada, oo aad qabsato
asbaabta dhamaanteed oo dejisato qorshe fiican, oo aad
garato hadafkaaga ficilna u badasho, oo aad giimayso,
oo aad meeshii ay wax ka qaldan yihiin wax ka badasho, 00 aad mar labaad ficil ka dhigto, oo aad yeelato sabir iyo furfurnaan, waxaas oo dhan waxay soo hoos galayaan mawduuca la yidhaahdo: (dhis mustaqbalkaaga) noloshaada oo dhan waxaad leedahay: rabigayoow,

anigu sabab oo dhan waan la imid, ilaahayna waan tala saartay, ilaahayna wuu jecelyahay dadka talada saarta.
Hadaba asbaabta waxaa keena xubnaha, caalamkaaga
guduhu wuxu noqday mid xaga ilaahay u jeestay,
caalamkaaga dibaduna mid dhaqaaqaya oo ordaya,
laakiin ogow in sababtu kaligeed aanay waxba tarayn,
ee ilaahay aad talada saarato. weedhanina waa mid muhiima, waxana waajiba inaad u firstato oo aad
weelayso.
Haddii aad sababta kaliya aaminto ilaahay wuu kugu imtixaami, sidaasi waa mid dad badan ku dhacda, inkasta oo sababtii oo dhan ay la yimaadeen, hadana ma guulaystaan, maxaa yeelay waxay aamineen in sababtu
ay tahay ta guusha gaadhsiinaysa, mana aha mid kaligeed guul gaadhsiinaysa, waayo waxay iloobeen
Rabigii sababta, marka aad u nogoto Rabigii sababta,
ee uu ku siiyo mid kamida sababaha, ee uu kuu sakhiro sababahaa, waayo ilaahay wuxuu jecelyahay dadka
talada saarta, waxaad arkaysaa markaa inaa tahay mid ku taagan dariiqa awooda shaqsiyada toosan.
Imika inagu waxaan baraarujinaynaa awoodeena ,
kaalaya oo ku celcelino arintaa bilawga horeba
Garwaasiga nafta:
ma garatay Awoodaada? Mise
waxaa tahay mid hadalka dadka iyo afkaartooda ay
saamayn ku yeelato oo ku turaanturooda dariiqa, mise waxaa tahay mid garanaya awoodihiisa aan xuduuda
lahayn, oo garanaya inaad tahay maqluukha ugu fiican ilaahay agtiisa

Aqbalaad: naftaada si dhamaystiran ma u aqbashay?
Go aan ma go aansatay inaad awoodahaaga adeegsato?
Doorasho: ma dooratay asluubka ugu haboon?
Qaadida masuuliyada: masuuliyada ma qaaday? oo
aanad cidna ku canaanan, oo aanad cidna ku ceebayn, 00 aanad barbardhig samayn, kuwaas oo dhani waa qaar luminaya waqtigaaga waana xaaraan inaad arintaa
samaysaa.

Qoore: Ismacil Tukaale Cige