Anigu waxa aan kuu hayaa ixtiraam aan is dhimayn, lagamanayaabo in aan dhinacaaga banneeyo”. Markii ay intaa tidhi ayuu isaguna u sharraxay sida uu ugu kalsoon yahay
mar kastana uu uga filanayey go aankan geesinnimada
leh, intan yarna ay ahayd imtixaan iyo turunturro jacayl
0o ay imikaba ka gudbeen. Ka dibna waxa ay ka wada sheekeeysteen si ambaqaadka xidhidhkooda iyo sidii la
isu atki lahaa.
Waxa ay ballameen habeenka xiga in ay kulmaan. Sida caadada ahayd, magaalada Xamar inta ay dhallinyartu si frican u labbistaan ayey shanta galabnimo bixi jireen; kuwo hasaawe u socda iyo qaar shaneemooyinka u daawasho
tagayaba way iskugu jireen.
Waxa weheliya oo garabkiisa taagan saaxiibkii.
Maadaama tilifoon gacanta lagu qaataa aanu jirin, qaabka
keliya ee ay isku tilmaansan karayeen waxa uu nogday in ay dharka ay soo xidhanayaan midabbadisa isu sii sheegaan, si ay isugu aqoonsadaan. Halkii ay ku ballameen ayey soo istaageen. Jardinooyin u dhow Daljirka Dahsoon ayey calaamad ka dhigteen. Saaxiibkii ayaa indho u
ah oo hagaya. Markiiba waxa uu dhugtay gabadh dhar cas ku labbisan oo goobtii ballantu ahayd taagan. Inta uu Maxamed gacanta gabtay ayey toos u abbaareen, gashaanti kale oo ay isa soo raaceen ayaa wehelisa. Barti baa la isku baridiyay.
Saaxibkii oo hadalka xidhidhinayey ayaa
Layla
u sheegay in wiilkan garabkiisa taagani uu yahay
gacaliyaheedii ay muddada badan kala garsoonaayeen
“Maxamed, abboowe, ma frican tahay?” markii ay tidhiba waxa uu dareemay jidhiidhico. Si dareentaabad
Ich ayuu ugu halceliyay: “Abbaayo, waan kuu faayaa”.
Inta ay gacanta gabatay ayey halkii ka dhaqaaqeen.
Gaar bay isula faqeen. Sheekooyinkii ay inta badan wandaafinayeen aye dib isula faaqideen, dareen
xadantaynaya laabaha oo xiiso gaar ah xambaarsan ayey
ku wada caweeyeen. Maxamed ma arko balse sawdkeeda macaan ee aad mooddo in la laxameeyay ayaa uga dhigan qurux oo idil. Heello ayaa ahayd:
“Cishqigu waa dabayl duufaan wado oo
Dibnaha iyo saaran daymada!”
Dareenka uu Maxamed ku caashaqay Layla, waxa uu ka unkamay erayada ka soo fulaya labadeeda bishimood.
Iyaga ayaa wax walba uga dhigan. Qosolka yaryare e hadalka ku milani waxa uu galbigisa u dhex qulqulayaa
sida biyuhu webiga u dhex qaadaan. Waxa taa sii bilaya sida ay layli ula dhacsan tahay una aqbashay xaaladdiisa
gaarka ah. Dareenkii erayada ka abuurmay ayaa u sahlay in jacaylku dararo qalbigeeda, arrintii gacaliyaheeda
culayska ku haysayna aanay dhib u arag.
Qalbiyo hibo jacayl oo dhab ahi ka muugato ayey
noqdeen. Kulankii qotada dheeraa ee xusuusaha ku
potomay ayay soo afmeereen. Saaxiib kii yo saaxiibaddeed
no ka yara durugsanaa ayay xaggooda u soo kaceen;
Maxamed oo dheeggeeda socday ayay dhanka saaxiibkii
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
