Baraarujinta awood waa fahanka, bilawga hore garo cida adigu aa tahay, intaa kadibna naftaada u aqbal sida ay tahay, aqbalida naft waxay qayb ka tahay qadarinta nafta, sidaa awgeed waa waajib inaad naftaada aqbashaa.
Qadarinta naftu waxay ka kooban tahay sadex qaybood.
Koowaad: naftaada inaad u aqbashid sida ay tahay.
Ka labaad: Qadarin: inaad qadariso naftaada, qadariso khibradaada, qadariso afkaartaada, gadariso
tijaabooyinkaaga.
Ka sadexaad: jacaylka nafta.. mar haddii aad Ilaahay jeceshahay, waxaa waajiba inaad hadiyadiisa u aqbasho
sida ay tahay ee uu kuu siiyay, oo ah inaad naftaada u jeclaato sida ay tahay, oo aad naftaada aqbasho, shakligaaga aqbasho, midabkaaga aqbasho, dhererkaaga
aqbasho, dhumucdada aqbasho.. aabahaa iyo hooyadaa
aqbasho, aad aqbasho magacaaga sida uu yahay. Haddii
la waayo aqbalkaaga iyo qadarintaa waxaa la waayayaa
qadarinta naftaada, jacaylka naftaada, halkaas 00 ay ka dhalato in sawirka naftaadu noqdo mid daciif ah, daciiftinimo aqiijinta naftaada, iyo daciftinimo
qadarinta nafta ah.
Marka aad naftaada aqbasho ee aad ogaato inaad tahay waxa ilaahay abuuray ka ug khayr badan, waxaa
lagama maarmaan ah inaad naftaada iyo suluugaaga kala saarto.
Waxaad arki ruux abuuritaankiisu ceeb uu leeyahay
laakiin leh, maskax aad u filican,waxaad arki ruux
curyaana, laakiinse awooday inuu bada Manish dabaal kaga gudbo; sida Khalid Xassan oo kale iyo mustafe khaliil, iyo Jamiila Baydani oo curyaamad ah waxay kafaala qaaday in ka badan 1200 oo curyaamiin iyada la mida.
Aqbalida naftaadu hore ayay kuu riixaysa, waayo waxaad
nogonaysaa mid aan naftiisa cuqdad ka qabin, marka un rus kuge cayo inaad dheertahay, gaaban tahay,
buurantahay, magacaaga, ka aabahaa, ka hooyadaa,
ama magaca goyskaaga ama qabiilkaaga,… waxaa flican
waxaas oo dhani inaanay naftaada raad ku yeelan haba yaratee, balse naftaada aad ku tidhaahdo: wixii aan karo waan badali, wixii aan kari waayo badalidiisana waan iskaga tagi oo sidaa ayaan ku aqbali.
Waxa aad u qurux badan odhaahda la yidhi:
Ilaahayoow iigu gargaar baddalida wixii aan karo
baddalidiisa, wixii aan kari waayo baddalidiisana ilaahayoow iigu gargaar aqbaladiisa, iyo garashada
faraqa u dhexeeya labadooda.
Mudo fara badan ka hor. ayaan nin la kulmay wuxuuna igu yidhi: wilkaygiiyoow.. adigu waxaad sheegtaa
arimo badan, laakiin aduunyadani waa kalmad kaliya, taas oo ah Garasho. Ama fahan. anigu waxaan bilaabay markaa kadib inaan baadho kalmada Fahan ama garawsasho, daraasadaas oo igu qaadatay in ka badan sadex sanadood, waxaan ogaaday run ahaantii Fahan la’aan inaanu isbadal dhacayn, haddii aad fahmi waydo
ama garan waydo inaad tahay mid xoog wax u cuna, waligaaba xoog uun baad wax u cuni, haddii aad garan waydo inaad tahay mid cadho badan waligaaba sidaa uun baad u cadho badnaan oo isbadali maysid, haddi aad garan waydo inaa tahay mid awoodiisa aan adeegsan sidaa uun baad ahaani waligaa oo awoodaada adeegsan
maysid, haddii aad garan waydo in cabbida sigaarku uu khatar ku yahay diintaada iyo caafimaad kaaga iska dayn
maysid ee waad wadi uun waligaaba, garashadu waa furaha shay walba, sidaa awgeed waxaan daahfuray shay cusub oo muhiima, kaasoo ah in fahanku ama garashadu tahay bilawga shaywalba, isbadalkuna waa bilawga
koritaanka, korintaankuna waa bilawga horumarka, horumar ma dhacaayo garasho la’aan, haddii aad awoodahaaga garan waydo ma adeegsanaysid, waxaa
lagama maarmaan ah inaad garato in ilaahay ku siiyay awoodo aan xuduud lahayn oo ay daruuri tahay inaad
adeegsato, waxaanad ogaataa inay jiraan caqabado (
challenges) waxanan wax ka baranaa oo aan la kornaa waa caqabaadkaas ( challenges)
Haddii uu ruuxu si dhibyar u guulaysto isaga 0o
aan carqalado la kulmin inta badan waxaa ku dhaca xanuunka
werwerka (stress). Taasi waxaa sugay
culumada jaamacada Harford.. waxay sugeen in ruuxu haddii si idaba joog ah u nogdo mid barwaaqo ku jira uu ku dhaco xanuunka afka galaad loo yaqaan stress 00 ah warwar iyo walbahaar.
Haddii aad daliil uga baahantahay arintaana waxaad
eegtaa dadka ganiga ah ee kugu xeeran kuwaasoo aan
u dhididin abuurida hantidooda, waxaad arki doontaa
in 92% oo kamida ay la dhib qabaan xanuunka, maxaa yeelay iyagu may kasban wax khibrada, waxna may baran, mana daalin si ay u helaan xoolahan
Sida uu yidhi gabayaaga Almutabani
(Kolba inta uu dadaalkangu yahay uun bay sarayntaadu
nogotaa. Ninka sarayn doonaa habeenuu soo jeedaa. Ninka
sarayn doona isaga oo aan dadaalina. Wagtiga wuxuu ku lumiyay waxaan suuragal ahayn)
Anigu waxaan ka hadlayaa dadka xoolaha ay haystaan dhaxalka ku helay ama Aabo haka dhaxlaan ama hooyo, oo aan u daalin helida xoolahooga, oo aan wax turaanturo ah la kulmin mar kaliyana ha nogotee, sidaa awgeed kuwaasi maaha qaar naftood wax aqiijisay, natiijada
kama danbaynta ahina waa inuu xanuunka warwarku (stress) ku dhaco, haddii aad tahay mid waqtigiisa lumiya oo suga inta nasiku ugu imanayo gurigiisa
waligaa kuu iman maayo, sidaana waan kuugu balan qaadayaa, adigu waxaad leedahay: maxay dadkaasi u
yihiin qaar nasiib badan maxaa yeelay waa qaar marka ay turaanturoodaan awoodaya inay mar labaad dib u kacaan, ilaahayna wuxuu leeyahay
( ma lumino ajirka dadka camalka wanaagsan sameeya) arinkaana si fiican bay u garanayaan, sidaa awgeed ayay u noqdeen qaar nasiib badan, waana qaar leh filasho wacan, maadaama ay saadaalintood toosan tahayna, nasibka ayay soo jidanayaan, nasiibkuna wuu soo
jiidanayaa.
Qoore: Ismacil Tukaale Cige
