iska xigsiisay, markaas baa ‘nabad’ iyo ‘nooli kulante’ la isku macasalaameeyay. lyaga oo farasan ayay guryahoodii u
carraabeen. Karkii iyo kuleylki Maxamed saarnaa ayaa ka
kala degay. Hadda uun baad mooddaa in uu jaceylkii toos ugu dhibcay. Shakigi uu ka qabay Layla ee walaahawga iyo
werwerka ku abuuray ayaa dhan uga dhacey, indhihiisa oo aanu beryahaa illin ku arag ayaa nayaayir la hibitiqay. Riyo uu in badan sugayay ayaa u rumawday. Sidi uu ilo xareed ah iyo iloxir barwaago ah dhex joogo ayaa uu neecawda
udgoon ee jacaylkiisu la kowsaday ugu ildoogsaday.
Heestan baad moodaysay in uu niyadda ka qaadayo:
“Guushii aan hantiyay, allow hubaal iiga yee!”.
Subanimadkii waxa uu ka wacay tilifoonkii, sheekadu
musalsalka ahayd ee ay halkan ku soo gaareen ayay sii ambaqaadeen. Markan waxaad mooddaa in sheekadu milix yeelatay. Aragtidi habeen hore ayaa dhadhan macaan u sameysay. Xidhidhkood marba marka ka sii dambeeya waa uu si xuubdhasanayaa, xiisaha ayaana
sii labajibbaarma; doonista iyo dareennada cokan ee wadnuhu hoggaaminayo ayaa dhexdooda ku bulaalay.
Tilifoonka oo aanay dhegta ka qaadayn marka laga
yimaaddo, aragtidi ay ka maagayeen ayaa u noqotay
joogto. Mar iyo lababa foolkafool ayay isu arkeen. Indho dareen ku shaqaynaya iyo kuwa aragtida ku doogsanaya ayaa kulma. Hummaagga Layla ee galbiga Maxamed ku tallaalan ayaa u tebinaya taswit qurxoon 00 uu niyadda
inta uu ka doogsado la khushuucayo.
Habeen iyaga oo shaleemo wada fadhiya, filim wacan oo jacaylku ku ladhan yahayna daawanaya, ayey Leyli u
soo bandhigtay sheeko ka yaabisay; fajiciso iyo filanwaa ayey ku nogotay. Show waa bixisadisa e, waxay u sheegtay in ay safar u baxayso. Dhoof in badan loo waday ayaa hadda soo dhawaaday. Maraykanka in ay u kicitanto ayuu qorshaheed yahay, Maxamed se taasi uma cuntamin.
Sidii in leeb lagu soo ganay ayuu uga gilgishay, balse waxba kama gaban karo oo ehelkeeda ayaa hawsha faraha kula jira. Iyaga ayaa u dooray halka ay tagayso maadaama qaar ka mid ah walaalladeed ay ku sugnaaayeen dalkaas.
Waaa arrin adag wuu se ku gasban yahay in uu aqbalo.
Habeenkaasi waxa uu u ahaa habbeen baas 0o murugo iyo
mugdi uu la soo hoyday. Gabbal baas baa u dumay. Inta ay shaneemadii ka soo baxeen ayey kala aadeen agalladoodii.
Xusuuso aan kalago’ lahayn ayuu dhex jibaaxay, sidii
0o uu jaaheeda waayayo dibna aanu isha u saari doonin ayaa uu jalaaday. Kaydkii galbigisa ku jiray oo dhan baa
uu dibadda soo dhigay, markaas buu tiriyay gabay uu ku xusayo sida uu uga xun yahay bixitaankeeda; sida aanu
u raaci karin ee wakhtigu u cilayo ayaa uu ku calaacalay; sida ba’an ee cishqigu ugu baahay; qaabka fudud ee ay warka ugu soo tebisay iyo sibiqdhaqaaqeeda ayaa ku
noqday utun aan si fudud uga go’ayn. Waxa kale oo uu gabayga ku xusayaa sifooyin Layla u gaar ah. Muugeeda
aanu indhaha saarin ayaa uu haddana si cajaa’ib ah u kala dhidhigayaa.
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
