Ogow in calamkan dibada ee aad arkaysaa uuna wax badan ka duwanayn calamka gudaha ee inaga qarsoon,
haddii calamka guduhu yahay mid daciifa, caalamka
dibaduna wuuu noqonayaa mid daciifa, sawirka
shaqsiyadaadu uu caalamka dibada ku yeelanayaa
waxa uu ka turjumayaa sawirka naftaada ee gudaha aad
u yeesho oo ah kolba waxa aad rumayso inay naftaadu tahay, waxaa jira arimo sawirkaaga gudaha awood u yeela ama dacifiya oo ay kamid yihiin hadalada dadka kale, wazaad arki qaar ku dhiirigaliya iyo kuwo kale 00 ku niyad jabiya, kasoo gaad haddii macalinkaagu uu ku
dhiirigaliyo waxaad arki naftaada oo leh awood garsoon
oo xoog badan, hadaba bal indhaha isku qabo kadibna si fican u neefso, oo bal naftaada sawirka aad u rabto inay noqoto bal maskadaada ku suuree, sawrikaa sii midab kasta oo aad jeceshahay, nuur fara badana ku ifi, naftaada suurayso adiga oo waxaa aad sawiratay aqiijiyay, ka
dhig mid run ah oo dhab ah, sidaa samee maalin walba, inta aanad seexan habeen walba sawirkaaga daawo, isaga oo waadixa oo kuu muugda, mar kasta oo aad eegto
sawirkaaga gudaha waxay keenaysaa in waxaasi uu isaga
oo run ah dibada u soo baxo, hadana aroor walba sidaa samee, adiga oo indhaha iskugu qabanaya oo eegaya
sawirka aad jeceshahbay inad dunidan dusheeda ku
yeelato, sawirkaasi wuxuu degayaa caqligaaga dahsoon,
tilaa uu noqdo caado aan cidina badali Karin (ilaahay liqoomna badalo ilaa ay isbadalaan iyagu mooyee) suuragal
kmaaha inaad caalamka dibada badasho ilaa aad marka hore calamka gudaha aad badasho
Ka bilaw himilada ilaa gaayada, ilaa ujeedada, rumaynta nafta, sawirka nafta, ilaa hadafka
Tusaale ahaan adigu waxaad doonaysaa inaad furto
shirkad wayn, u jeedada aad uga dan leedahayna waa inaad cawiso dad aad u fara badan, rumaynta aad rumaysan tahay xaqiijinta hadafkaaguna yahay mid
aad u xoog badan 00 ah: insha,allah waan xaqiijin himiladayda duruuf kasta 0o jirta amase wax kasta 0o ay dadku yidhaahdaan, haddiiba dad aniga iga horeeyay
ay xaqiijiyeen aniguna waan karaa haddiise aan wali cid
Thore u aqijisay aysan jirina waxaan noqonayaa qofkii
ugu horeeyay ee xaqiijiya.
Intaas oo dhan kadib: himilada waxaa lagama maarmaan u ah in loo qaybiyo hadaf hadaf, himilo kasta 0o calamka jirtaa haddii laga dhigo gayb qayb kolba
waafaqsan awoodaada iyo dhaqaalahaaga, oo hadana
aad u sii gudubto marxalada labaad, mar kasta 0o aad aragto inaad aquijisay hadaf waxaad arkaysaa inaad
horey u socoto, taasoo wanaajinaysa sawirkaaga 0o kor u gaadaysaa kalsoonida ay saaxiibadaa kugu gabaan,
iyo xaqiijinta naftaada, sida uu ilaahay quraankiisa ku
yidhi (camal sameeya, camalkaas ilaahay iyo rasuulkiisa iyo
mu, muniintuba way arkayaane)
Markii aan caruurta ahayn waxaan la hadli jirnay aabahayo iyo hooyadayo oo aan odhan jiray: aaabo
waan ku jecelahay, hooyo waan ku jecelahay, almuhim qof kastaa wuxuu jecelyahay inuu naftiisa ka hadlo, oo
uu yidhaadho tusaale ahaan, anigu waan bartay, anigu
waan safray, waxaan aqaanaa lugado farabadan, anigu waan fiicanahay, anigu waan xoog badanahay, anigu
waxaa iyo waxaa baan sameeyay, mid kasta oo inaga mid ahi wuxuu doonayaa in bulshadu aqbasho, bal
waxaad sawirataa ilaahay inuu yidhi, ( camal sameeya, ilaahay iyo rasuulkiisuba way idin arkayaane) u firso
kalmada camal sameeya, waxaa muhiima inaad camal ka fikirtid, waxaa muhiima inaad jidhkaaga dhaqaajisid
si aad camal u samaysid, marka aad wax qabato naftaada raali baad ka noqon, sawirkaaga shagsi ahaaneedna wuu
wanaagsanaan, iyo gadarinta naftaaduba, iyo kalsoonida
naftaaduba, waxaaanad arki adiga 0o nolosha ku
farasan, ruuxu marka uu wax gabto hore ayuu u socda,
ilaahay waxa uu leeyahay,: ilaaha iyo rasuulkiisuba iyo
mu,minintuba way arki camalkiina ee camal sameeya,
sidaa awgeed waxaa waajiba inaan dhaqaaqno, kaalay a aan furno oo aan guda galno himilada oo an usii qayb i gaybino hadafyo.
100 aad tidhaahdo kaalay oo furno sharikad wayn, tu jeedada aad uga danleedahayna waa mid cad, 4 himiladuna waa cadahay, ujeedada aad u socotaana
a way cadahay, taas oo ah u dhawaashaha ilaahay iyo ku oxidhnaantiisa, sawirka naftuna waa xaqiijinta hankayga
Shirkadan aad doonayso inaad aas aasto ma u haysataa y xoolo ku filan? Si fiican ma u gorshaysay? lacagta aad u o haysaa ma tahay mid ku filan mise waa mid yar?
Bilaw. haddii lacagta aad haysaa ay tahay mid yar bilaw, iibso kitaab oo baro waxa looga jeedo kalmada Strategic plan si aad u xagiijiso himiladan Baro xidhiidhka dadka, waxaa muhiima in ay idinka dhaxayso, xidhiidh idinka iyo dadka
Baro luqad, Baro komputerka yo xisaabaadka baayacmushtarka,
Mudo kadibna waxaad arki adiga oo aqoontaadii
korodhay tartiibtartib, hadaf kastaana wuuu kugu sii
dhawaynayaa ka kasii danbeeya.
Hadafku wuxuu ka dhigan yahay sallaan oo kale, haddii
¡aad rabto inaad fuusho dabaqa tobnaad tusaale haan,
marka aad fuusho jaranjarada koowaad tani waa hadafka
koowaad kaas oo ku gaadhsiinaya hadafka labad, ke
sadexaad iyo ka afraad… sidaa uun u soco
Darajo kasta 0o kamida darajooyinkan waxay u adeegaysaa aquijinta himiladaada, sidoo kale adiga
0o doonaya furida shirkadaada, Qaayada hadaf kasta, wuxuu u adeegayaa himilada, qaayaduna waxay ku
gaadsiinaysaa qaradka (ujeedada) waxayna siinaysaa
awood, hadaf kasta oo aad samaysaa waa mid karaankaaga hoos yimaada, adiga oo himiladaadana
maskadaada ku haysta, himiladaaduna ay ku
caddahay, mar kasta oo aad sawirka himiladaada sawirato way kuu sii cadaanaysaa, kaasina waa waxa aad doonayso inaad xaqiijiso tobanka sano ee soo socda
insha,allah, kaasina waa Qorshaha, himiladu way ku caawinaysaa, laakiin adigu hadafka awooda saar,
arintani waa muhiim waayo waa inaad ogaataa faraqa u dhexeeya himiladaada aad doonayso inad aqiso
mudo dheer kadib iyo hadafka
Dadku had iyo jeer way niyad jabaan marka ay eegaan himilada oo ah mid xaqiijinteedu aad u adagtahay, oo ay
fogtahay, laakiin marka himilada loo qaybiyo hadafyo yar yar, oo aad dul dhigto awoodaada iyo kartidaadaba, adiga waxaa kula gudboon kolba hadafka ku hor yaala inaad gabato, mar kasta 0o aad hadaf xaqijiso waxaad
arki inaad kutub badan sii akhriday, oo aad la kulanto dad aanad waligaa hore u arag, yo inaad la kulanto waxyaabo aanad waligaa hore u arag,
Tani waa layaabka hadafka, mar kasta 0o aad ka fikirto isaguna wuu kaa fikiryaa, adiguna waxaad doonaysid
inaad dabaga tobnaad mar kaliya ku boodo, waxaase fican inaad jaranjarada koowaad marka hore awooda saarto.
Shayga ugu horeeyaa waa himilada, taasoo kugu
xidhaysa Qaayada taasoo ku siinaysaa awooda qaradka
(jeedada), oo aan naftaada rumayso, oo aad hadafyo u qaybiso, taasina waa heer sare,
Waxaan bilaabaynaa inaan toos u fulino, laakiin
waxaa muhiima inaad shay muhiima ogaano,
kaas 00 ah geesinimo,,
waa shayga aanad
la’aantii meela gaadhayn.
Hadaba geesinimadu ma mid iska timaadaa? Maya?
Ruuxa geesiga ah wuxu si cad u garanayaa waxa uu
doonayo, si fiican u garanayaa sida uu u samaynayo, si fican u garanayaa marka uu samaynayo,
Wuxuu cawiyaa dad aad u badan, taas oo ku siinaysaa
geesinimo,
Qoore: Ismacil Tukaale Cige
