werwer hor lehna ku shidaysay, aaladda uu dalku markaa ku sugnaa. Waa wakhtigi dawladdii dhexe burburaysay, dagaalka waddanka ka socday ayaa meel xun marayey, xiisaddu in ay si xumaato mooyee ka soo rayn ma lahayn. Dalkiisit o gubanaya iyo ruuxi u dunida ugu jeclaa oo xilli xaalku ku adag yahay ka dhaqaaqaysa ayaa isu weheshaday, markaas bay murugo wayni al soo deristay.
Qorshaha Layla e dhoofkeedu waxa u ku
taarikhaysan yahay 1 Abril, 1990. Maxamed o maalintaa ka wathayey ayey mar kale xusuusisay ni ay foodda ku soo hayso maalinti ya dhoofaysay. In ay is arkaan oo ay hore isula garteen ayey ka dhigteen habbeenka ay subanimadkisa baxayso, sidii baana al isula waafagay.
Wa habbeen quro yo oohin xambaarsan, wajiyo foolkafool isu dhugan jiray ayaa kala dhaqaajinaya o xusuuso ku wada noolaan doona. Marki al isu yimidba waxaa al isla galay waayo waayo iyo maalmihii wacnaa. Caawa oo kale wa habeen ku wanaagsan ni al naqtiimo casharradi ay hore isugu soo dhigeen, sida oo kale al furo bog cusub o ibofur unogonaya nolosha ubilaabmanaysa tyo sida ya wax nogon doonaan. Qaabka ay u soo wada xidhiidhi lahaayeen oo Maxamed shiddo ku hayay ayey xoogga saareen. Haddi Ale nabadgeeyo ni ay soo xidhidhin doonto ayey u ballanqaadday. Maadaama ay berry abbaaro 2-da duhurnimo dheemaalayso, waxa ay isla qaateen in ay soo wada hadlaan wax yar ka hor inta nanay gegida diyaaradaha tegin.
12-kii duhurnimo markii ay saacaddu cagacagaynaysay ayaa uu soo wacay Layla oo is diyaarintii ugu dambaysay ku jirta. Casharradii jacaylka ayey mar kale is cabsiyeen, is calmashadoodii cuddoonayd ee qalbiyada isu caafimaadka
gabaa isu celcelinayeen ayey cabbaar xuleen. Iyaga oo
hadalka bartanka kaga jira ayaa raadiyow ag yaallay oo barnaamijka salaamaha iyo heesuhu ka socday ay soo daayeen hees qalbigiisa taabatay. Erayada heesta iyo
xaaladda ay ku jiraan ayaa si isula jaanqaadayey. Dhawaaga
dhegihiisa gabsaday ee raadiyuhu kaga dawaminayaa waa
heestii uu Cumar Dhuule ku luugayn juray:
“Walow aan asaaggaa
Adiga kuugu jecelahay
Oo aad Ilwaad-qurux
Adiguna ogsoon tahay
Afka uun kama lihi ee
Ay uurka iga tahay,
Haddii waa aduunyee,
Aad iga irdhowday
Oo axdigaynu dhiganniyo
Wacadkii illowday
Ifka inta aad ku nooshahay
Kaa aarsan maayee
Amaana Alla inan yahay
Aakhirana wayn
Isku ari doonnaa”.
Heestii iyo tegistii inanta ayaa isu bahaystay.
Jidhidhacadi saaqday ayuu is madaxmaray ka dibna miyir
doorsoomay, tilifoonkii uu gacanta haystay ayaa dhulka kaga dhacay. Jugtii yeedhay ayaa ay maqashay gabadhii
guriga lahayd oo Nuura la odhan jiray, markaas bay inta ay naxday oo xaggiisa u soo kacday ku tidhi: “Abboowe,
maxaa kugu dhacay?” Waa nin istiil ku dhimanaya e,
show markiiba inta uu tilifoonkii soo gabsaday ayaa uu sheekadii sii watay, markaas buu ugu jawaabay: “Abbaayo, waxba iguma dhicin”. Tabantaabintii iyo dardaarankii uu
farayey gacalisadiisa intii uu waday waxa ku soo kediyay
oo hoosta ka soo gujiyay gabay. Iyada oo la leeyahay diyaaraddu yaanay kaa tagin ee soo bax, wakhtiguna ku yat yahay, ayuu ka codsaday in uu gabay ku dul akhriyo, iyana ay si dareen leh u dhegaysato.
Tix cajib ah oo qalbigeeda xushay ayuu hawada uga
soo mariyey. Sida caashaqu qofka uu helo xubnihiisa u
nugleeyo, cudurkana ugu abuuro, iyo sida inta uu ceesh oo
idil kaa cesho cidaamkaaga u ruugo, ayuu ugu alaleday; iyo
sida marka uu codkeeda maqlana uu aragga uga cawdo ee uu Alle uga tuugo in indhaha caadka looga qaado si uu u
arko. Mar uu jacaylka uu u bahalogeliyo oo meel harraad
iyo hanfi loogu dhimanayo ka soo qaado, iyo mar uu
iyada ugu calaacalo sida uu u jecel yahay, aragtideedana
ugu doogsado, ayuu maansada ku gotonshay. Sidan ayaa uu ku bilaabay..
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
