Goraalkaan gaaban waxaan ku soo bandhigaa ama ugu hadlayaa godobada soo socda waxaad fahan kaa siinayaa godobkasta doorka uu ugu jiro hanashada
hadafyadada hadaba sidey u kala horeyaan ayaan ugu hadlayaa:
I. Dajinta hadafyada
II. Hormarinta istarajeediyada aad ku hanan karto hadafyada III. Lahaanshaha gorshe filiceed geexan
IV. Aaminida nafsadaada
V. Dib u milicsiga hoolahaga
VI. Dhiirigalinta nafsadaada
Inta anaan bilaabin 6da qodob faaladooda waxaa ka hor marinayaa ama aan isla fahmeynaa waa maxay hadaf? Maxey tahay muhimadisu? Adigu joogitaanka aad dunida joogto waa maxay hadafkedu? lyo dhoor su’aalood oo
kale waan filaa in aad su’aalahan ka jawaab celin karto aadna xiligaan ka fakareysid waxyaabo badan oo la xiriira su’aalahan. Hadaf (vool) si kooban
haddan u sheego waa ujeedo, Hadaf (vool) waa meesha aad tigsaneyso taas 00 aad dooneyso in aad gaarto ama aad hanato, Hadaf (yool) waxaa loo geybiyaa mid waqti dheer kuu gorsheeshan iyo mid waqti gaaban ah. Adiga hadafka dunidaan
aad u joogto waxaa noo sheegay allah subxanahu watacaa wuxuu yiri: jinni iyo
insi waxaan cibaadadeyda aheyn uma abuurin. Suuradda adh-dhaariyat (56) waaan
filayaa in aan aayadaas macnaha allah uu noo abuuray oo dhan aan ka fahmeyno taas oo hadafku yahay in an allah kaligis caabudno. Hadaba haddii aan aragnay in koon kaan aan joogno hadaf aan ku joogno.
- maxaa naga hor taagan in aan anaguna hadaf aan waajibaadkeena ku gudaneyno aan dajisano oo aan wagti kaste gorshe ku socono. Haddan waxaan isla fahmi karnaa muhiimada mowduuca.
- intaas waxey aheyd gogol xaarka mowduuca markaan waxaan soo qabanayaa qodobka kowaad
- Dajinta Hadafka (yoolka)
Marka kowaad liis ka samey dhamaan hadafyada aad dooneyso in aad hanato(gaarto). Ogow haddii aadan garaneyn ama aadan hubin waxa aad rabid
Waxa kaliya oo aad hadda diyaar u tahay in aad aqbasho wakasta 0o aadan filaheyn, ka soo tag taas maskadada ku hay in hadafyadu ay yihiin markasta waxa dareenka leh ahna meesha laga dhaqaaqo, in aad mararka qaar bilawdaa ama dajisaa hadaf aadan ka dhabeheyn macno kuma fadhiso waxaa lagaa doonaa waxa aad dajisaday in aad ka mira dhalin karto oo aadan ka caajisin illaa aad waxaas mirahooda soo guraneyso.
Markaad liiska qoreyso u kala hormarso sida ay u kala muhiimsan yihiin hadafyadada taas waxey kaa caawineysaa in aad diirada saarto sidey u kala mudan yihiin. Liiska markasta 00 aad hanato (gaarto) hadaf kugu jiray waad ku guuleysatay ee calaamadeyso. In aad gortaa hadafyadada sidoo kale waxey kaa caawineysaa in aad xaqiiqsado sidey u kale mudan yihiin kala hormarintoda
Waxaa kale oo intaas aan kugu darayaa ku qor meel aad waqtigaga badankiis aad ka arki karto ama goorsheegto saaro dhawaq (alarm), Macnaha waqti kasta xasuuso oo ka war haay meesha ay wax kuu marayaan ha hilmaamin waxa ku hilmaamsii kara qorshahaga ka tag. - kala Hormarinta istarajiyaded ee aad ku hanan karto Hadafkada (yool)
Markaad tido hadafyadada, waxaad markaas u baahan tahay in aad baarto ama aad raadiso sidii aad ku kale hormarsan laheyd qaabka aad u wajaheyso si aad u buuxiso ama aad u fuliso hadafyadada. Tusaale: haddii liiska hadafyadada uu
kuugu jiray kasbashada asaabtada, dabeecad wanaga, sidaa dardeed marka aad
rabto in aad kala hormariso keebaa mudan in aad soo hormariso, adigoo dabeecadada wanaajin malaga yaabaa in aad kasbado asxaabtada jawabtu waa
maya sidaa awgeyd ku hormar dabecad wanaga. Waxba ma hanan kartid hadafyadada haddii aadan sida ugu wanagsan u kala soo hormarsan.
Waxaad Hadaf (yool) dajisatay adiga ayaa iga garanaya sidii aad u kale hormarin laheyd adiga oo tusaalaha kore tilmaam ka dhiganaya sidii ay wax kugu fududan karaan u kala hormarso hana ka caajisan howl karmeyd ayad tahay. - Lahaanshaha qorshe filiceed qeexan
Liiskada aad horey u soo sameysay waa in aad u sameysaa gorshe ficileed geexan tusaale: hadafyadada uu kuugu jiray kasbashada asaabtada, dabeecad
wanaga, waa maxay habka ugu saxan ee aan ku kasban karo asxaabteda, wuxuu
nogon karaa in aad gadarisid fakirkoda,ixtiraamto hadalkoda, si daacad ah aad ula dhaganto, aadan dhaleeceyn oo aadan ceebahoda sheeg sheegin markaad intaas iyo in kale oo badan sameyso oo aad ku darsado gorshahaga waxaa kuu fududanaya in aad wax badan ku dhagaaqto, godobada kore oo dhan waa hadal kan lakiinse waxaa lagaa doonaa waa ficil aad ku dhagagdo.
Ujeedadu waxey tahay markaad wax gortid haddii aadan dhagan galin goraalkada wax ka soo qad malaha, tusaalaha kor ku xusan waa in aad markaasba badashaa la dhaganka asaabtada oo aad ficil u badashaa goraalkadii kuu gornaa. - Aaminida nafsadaada
Haddii aad dooneyso in aad ka miro dhaliso hadafyadad oo aad nogoto qof guleysta wagti kasta waa in aad aamintaa nafsadaada 00 aad isku kalsoonaataa ,
dadka guuleysta dhamaantood waxa ay ku guuleysteyn waa is aaminaan ay
nafsadooda ay aaminsan yihiin hadii aadan adigu isku kalsooneyn waa kuma qofka
kugu kalsoonahaa?.
Waa in aad kalsooni ku qabtaa waxa aad qaban karto yo waxa kale taasi waxey kuu horseedi doontaa guul ma dhamaato ah. Haddii aad isku kalsoonaado waa gasab waad hanan kartaa hadafyadada, waadna ka guul gaari kartaa ogow haddii lagaa waayo kalsooni godobada kor aan ku soo xusay dhamaan wax ka soo qaad malaha ama wax badan oo sameyn ah kugu yelan maayaan.
Dhamaan godobadaas waxaa fure u ah dhiiranasho adiga lagaa helo ku fekir
sida aad adigu isku aragto ee ha ku fekerin sida ay dadka kale kuu arkaan taas hoosbey kuu dhigeysaa. Guul kasta meesha ay ka bilaabado waa kalsoonida aad
isku qabto. - 5. Dib u milicsiga hoolahaga
- Xaqiiji oo waqti kasta isha ku haay sida ay u socdaan hoolahaga aad gabatay
- iyo kuwa aad gaban rabid intaba, baaritaan ku samey sidii aad ku gaari laheyd hadafyadada.
- haddi aad hanato hadafyadada qaar kamida u habalyey dadkii ka qeyb qaatay
- sida asaabtada, qowskada iyo waliba nafsadada taas u bareertay hoshaan in ay
- gabato.
- Haddii aad gaari weysay isweydii waxa kaa galdoomay oo raadi xalka, Illaa aad xalkaas ka hesho nasino meel kuuma taalo, markii aad gaarto hadafyadada qaar kamid ah naso oo nafta u raaxeey 0o abaal mari naftaada dadka kalaba waad abaal marineysaye.
- Dhiirigalinta nafsadaada
Dhiirigalintu waa waxa ugu weyn ee kuu sahlaya in aad gaarto hadafyadada,
dhiirigalinta waxaa loo geybiyaa labo qeybood oo waweyn mid adiga gudahaga ah
o aad adigu is dhiirigalineyso iyo mid adiga dibadada ah oo banaanka kaga
imaneysa ama kaa sameneyse.
Waxase marka kowaad muhiimsan in aad adigu is dhiirigaliso oo aad isku day sameyso markaad xogaa kaxeyn weysa oo shidaalku kaa sii dhamahaayo
markaas ayaad mida banankada ah raadsan kartaa tana meel kaste ayay talaa sida:
In aad gasho websites ka hadla sida (https:myariisow-
dhiirigaliye.blogspot.com), youtube (dhiirigalin), buugag, CDkada, machadyada
tababarka nolosha, iyo shaqsiyaadka wax dhiirigaliya taasna waxey laf dhabar u tahay hanashada hadafyadada. Wakasta waxey ku xiran yihiin baahida aad u
qabto waxaa kaliya oo kaa xiga helitaankeda waa doodonistada.
QARE:- MAHAD SALAAD MAXAMUUD
