Wehel Jacayl| Q-40aad Adegto

Heestii iyo tegistii inanta ayaa isu bahaystay.
Jidhidhacadi saaqday ayuu is madaxmaray ka dibna miyir
doorsoomay, tilifoonkii uu gacanta haystay ayaa dhulka kaga dhacay. Jugtii yeedhay ayaa ay maqashay gabadhii
guriga lahayd oo Nuura la odhan jiray, markaas bay inta ay naxday oo xaggiisa u soo kacday ku tidhi: “Abboowe,
maxaa kugu dhacay?” Waa nin istiil ku dhimanaya e,
show markiiba inta uu tilifoonkii soo gabsaday ayaa uu sheekadii sii watay, markaas buu ugu jawaabay: “Abbaayo, waxba iguma dhicin”. Tabantaabintii iyo dardaarankii uu
farayey gacalisadiisa intii uu waday waxa ku soo kediyay
oo hoosta ka soo gujiyay gabay. Iyada oo la leeyahay diyaaraddu yaanay kaa tagin ee soo bax, wakhtiguna ku yat yahay, ayuu ka codsaday in uu gabay ku dul akhriyo, iyana ay si dareen leh u dhegaysato.
Tix cajib ah oo qalbigeeda xushay ayuu hawada uga
soo mariyey. Sida caashaqu qofka uu helo xubnihiisa u
nugleeyo, cudurkana ugu abuuro, iyo sida inta uu ceesh oo
idil kaa cesho cidaamkaaga u ruugo, ayuu ugu alaleday; iyo
sida marka uu codkeeda maqlana uu aragga uga cawdo ee uu Alle uga tuugo in indhaha caadka looga qaado si uu u
arko. Mar uu jacaylka uu u bahalogeliyo oo meel harraad
iyo hanfi loogu dhimanayo ka soo qaado, iyo mar uu
iyada ugu calaacalo sida uu u jecel yahay, aragtideedana
ugu doogsado, ayuu maansada ku gotonshay. Sidan ayaa uu ku bilaabay.

“Inanyahay cishqgigu waa beliyo, caashaq kuu yimide
Waa cudur lafaa kaa galiyo, meel an la caddayne Waa cudur calooshiyo wadnaha, caaliah ku abuure Waa cudur cuntada kaa jariyo, ceeshka oo idile Waa cudur qofka uu caawa helo, lala cajibaaye
Waa cudur hurdada kaa ceshoo, aad caddibantaaye Intaasoo calaamadaa ayuu caashaq leeyahaye
Cilmi waa isagii hooyey ee, Layla ciid dhigaye
Anna caynaddoodaan ahoo, ciriq i naafeeye Cisho noolba adigaa qalbigu, kula caweeyaaye
Cadceed subax la moodyeey, middaan caashaqaad tahay
Goortaan codkaagaa maqlaan, arag u cawdaaye
Caadil baan ka tuugaa indhahoo caadka laga gaado
Cuddooney tallaabada markaad, aayar celineysid Cududdiyo habbooney markaad, cagaha gaadaysid
Xuuralcayntii aakhiro ayaan, kugu ciseeyaayee
Carrigaan ku nooniyo ilaa, cidhifka Nayroobi Waxa inan caddaan yo madaw, Caadil ku abuuray Cindigayga maan gelin mid kale, waad ka cil bixiye Ogobey naf kuu cirsatoo, caajistaan ahaye!”

Markii uu intaa maqashiiyay ee ay isla ilmeeyeen ayaa ay is nabadgalyeeyeen. Gurigi oo gadadii mar hore la
laastay ayuu ku soo noqday, halkaasna ku cunto beelay.
Caashaqu sow ma aha ka qofka inta uu jirjirrada ka galo wax walba seejiya? Hees baa ahayd:
“Jacayl waa dhibaatoo,
Waa ka dhiigga kaa jaga, Kuuna dida dheeftee,
Hawlahan ku dhaawacay,
Hawlahan ku dhegatirey,
Hawlahan wax kuu dhimey, Ha dhibine naftaada dhaqaalee, Ha dhoweysan caashaqa..”
Layli halkii ay u socotay ayey nabad ku gaadhay, isagu se in ay nabadtagtay iyo in kale war uma hayo, balse niyaddisa waxa uu ka dhaadhiciyey in ay nabadgab iyo
naruuro ku sugan tahay. Muddo laba bilood ah markii ay sii maqnayd ayey maalin soo wacday, waxa ay u sheegtay in ay weli qabgabyo ku sugan tahay oo aanay saldhigan.
Soo xidhüdhin la’aanteeda waxa ay ku macnaysay in
sanay tilifoon u gaar ah oo ay kala soo xidhidho qaadan.
Maxamed wax uu sameeyo oo kale ma yaqaan oo aan ka hayn in uu aqbalo cudur kasta oo xaggeeda ka yimaadda,
xidhiidhkeeda gaabiska ahna uu isaga dulqaato.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda