Waa cabsida. adiga oo ka baga waxaan la garanayn, adiga oo ka baqa in dadku kaa hor yimaadaan, adiga 00 ka baga in lagugu dheeldheelo, bal waxaa jira dad Ka baga guusha lafteeda!! Waxaa jira dad ku odhanaya dadka guulaystaa intooda badan waa tuug amase dad aahay ka fog, amase guushu waxay iga dhigaysaa ruux
naftisa wax la jecel, waxaas 0o hadal ah waa galdan Waxaan doonayaa inaad naftaada laba su’aalood..
waydiiso mar kasta oo cabsi ay ku soo foodsaarto
Muxuu yahay waxa ugu xun ee igu dhici kara?
Muxuu yahay waxa ugu wanaagsan ee igu dhacaya?
Ku soco oo eeg isha cabsida, markasta 0o aad eegto waxbaad ka baran oo waxaad arki iyada 00 kuu dhoolacadaynaysa 00 ku leh: waligay inaan kaa cabsiyo uma iman, balse waxaan u socdaa inaan wax ku baro, angu waxaan ahay cida ugu wanaagsan ee wax ku bari karta, laakiin adigu ma doonaysid inaad wax baratid, adiguna waxaad igu magac dartay Cabsi, taas awgeed ayaa wixii aad ka fikiraysay wax lamida uun baan ku silyay, laakiin markaad iga fikirto waxaad ogaan inaan ahay hadiyad xaga ilaahay ka timid, anigu waxaan u joogaa si aan kuu baro sidii aad mawaagifta
wax uga baran lahayd, oo aad u nogon lahayd mid digtooni badan. Geesinimadu waa muhiim, laakiin waa in digtooni ay la socotaa, khatarta waxaad ku galaysaa waa geesinimo, geesinimaduna waa inaad fikirkaaga ficil u badasho,
waxaad doonaysaa inaad kitaab
bilawdo, bilaw oo dhamee,, waxaad doonaysaa inaad ruux aad jeceshay eegto, oo aad ku tidhaadho: waan ku jecelahay, sida laga wariyay anas ibnu maalik, waxaa jiray nin nabiga agtiisa joogay, nin ayaa soo maray oo ku yidhi: rasuulkii ilaahayoow, anigu waan jecelahay
kaa.. nabiguna wuxu ku yidhi naxariis iyo nabadgelyo
korkiisa ha ahaatee: ogaysii wuxuu ku jawaabay maya:
wuxu ku yidhi ogaysi.. wuxuu yidhi wuu ka dabs
tagay do gaadhay oo uu ku yidhi: anigu ilaahay daraadil
ayaan kuu jecelahay… wuxuu yidhi: ilaaha aad daraadi
jeclaatay adigana haku jeclaado.
Geesinimadu waxay tahay inaad raaxaysato waqtiga aad
doonayso inaad raaxaysato, oo ficilkeeda isla waqtigaaba
la timaadid, tani waa geesinimada aan ka hadlayno, tani waa awooda shaqsiyeed ee aan ka hadlayno, waa ta cabsida inta ay firiso ku odhanaysa: ma awoodid inaad Ijoojiso, ma garanysaa sababta? Maxaa yeelay waxaa
tahay saaxibaday, waxaa tahay hadiyadayda, adigu waad ila jirtaa, anigu kaama bagayo, anigu waan ku doonayaa oo aan ku rajaynayaa.. waxaad arki cabsida 0o ku odhanaysa: angu noloshaada ayaan kamid ahay, si aan kuu wanaajiyo.. si aan hore kuugu mariyo, si aad uga fogaato ficilada xun xun, haddii aad tahay mid sigaarka
caba ka tag cabitaanka maxaa yeelay kuuma fiicna kuumana galmo, cidhib umadisana aakhiro ayaad heli
doontaaye.
Geesinimadu waa awood hore kuu dhaqaajisa, maxaa
yeelay afkaartaada ayaad ficil u badalaysaa
Ta hore waa himilada waxana muhiima inay ku xidhnaato qaayada, waxaana daruuri ah in ujeedo ay
jirto, waxaa kale oo muhiima in rumayntaadu tahay mid xoogan, waxaa daruuri ah oo kale in sawrika naftaadu yahay mid kuu cad, oo garanaya hadafkiisa, oo inta uu ahdaaftiisa qaybqaybiyo ku soda sidii uu u agiijin
lahaa himiladiisa, hadaf kastaana yahay mid u socda xagijinta himilada, taas oo dhana waxaa ka danbaysa waa
geesinimo, taas oo kuu suuragalinaysa inaad fikirkaaga
ficil u badasho, oo hadana aad dajiso istiraatijiyad cad Waaba sidii qof doonaya inuu safro, suuragal miyay.
tahay inuu safro isaga 0o aan iibsan tikidhkii diyaarada?
Maya dabcan,
Miyaad awoodaa inaad safarto adiga oo aan gorshayn safarkaaga?
Ama adiga oo aan garanayn meesha aad u socoto?
Ama adiga 0o aan huteel diyaarsan? Ama adiga 00 aan $ lacag haysan iyo inta maalmood ee aad ku noolaanayso 1 meeshaas? Ama adiga oo naftaada aan miisaaniyad u samayn?
Hadaba haddii aad safar yar oo aad galayso waxaas oo dadaal ah ku bixinays,o si aad u gorshaysato, miyaanay mustaqbalka noloshaadu ka mudnayn safarka? Waxaa laga yaabaa inaadan toban daqiiqo u fadhiisan si aad
noloshaada gorshe ugu dejiso, sidaa daraadeed waxaan ku leeyahay kaalay oo soo gaado galin iyo wargad si aan nolosheena gorshe ugu samayno.
Marka aan ka hadlayno istiraatijyada marka hore waxaad dejinaysaa hadafka iyo suuragalnimadiisa, waxaad is
waydiinaysaa maxaa dhacaya haddil aan gorshahaa
dabaqo? Side baan uga hortagi karaa mushkilada iga hor iman karta?
Qaanuunka taxakumka wuxuu yidhaahdaa: (marka and
ka fikirayso suuragalnimada xalinta mushkiladaha mustagbalka
waxaa inortaada imanaya arimo badan…) haddiise aad sidaa samayn waydo awood umaad hesheen inaad waajahdo, shayga ugu horeeya qorshaha istiraatijiyada
waa inaad ka fikirtaa suurgalnimada kuwaas oo kaa
horjoogsan kara xagiijinta hadafkaaga,
hadafkuna
waa ka ku gaadhsiinaya aragtidaada mustaqbal, si aad diyaar u nogoto, oo cagligaaguna uu u nogdo mid u
tababaran maskax ahaan, laakiin nasiib daro dadka intooda badan maaha qaar sidan oo kale u fikira, tusaale
laakiin haddi ay u suuragali waydo inuu galo wuu niyad jabayaa. Waayo malahayn baddalo kale 0o uu dooran karaa.
Badalka koowaad waa inaad aqbashaa inaad gali karto kuliyad kale iyo inaad sanad kale ku celin karto.
Waxaa daruuri ah in hortaada ay yaalaan in ka badan hal arin
Laakiin haddii aad arin kaliya leedahay kaasina kuu suuragali waayo waad niyad jabaysaa.
Talaabadan marka aad ka gudubto waxaa ku xiga, fulinta gorshaha istiraatijiyada .
Aan ka bilawno fulinta, marka aad fulinta gudagasho waa inaad u filisaa talaabo talaabo adiga oo talaabo kasta oo aad qaadayso is dultaagaya hadana talaabada labaad qaadaya hadana talaabadii aad qaaday dib u
quimaynayso, marka adigu aad fulinayso, waxaad u
malaynaysaa inaad fikirkaagii ficil u badashay, laakiin arinku sidaa maaha, waxaad arki ficilkii aad samaysay oo aan waxba kuu tarin, kadibna niyad jab kugu dhaco, sidaa awgeed ayay qiimayntu muhiim u tahay.
Tusaale ahaan… waxaad arkaysaa dadka doonaya inay misaankooda dhimaan inay ku dhaqmaan nidaam
cunto co gaar ah, oo mudo sidaa ku socdaan kadibna ay ka daalaan, co sidii hore ay ku soo noqdaan, taasna waxad u sababa isaga oo intii uu fulinta waday aan wax quimayn ah fulintaas ku samayn.. nidaamkaa uu raacay
ma yahay mid fican? Dariiq fiican ma ku socdaa?
Kuwii iga horeeyay ee arintan ku guulaystay sidee bay ugu gunlaysteen? Suuragal ma tahay inaan aniguna
ku guulaysto? Mise fikirkayga ayaaba u sababa inaan
guulaysan waayo? Markaad sidaa samayso fikirkaaga ayaad wax ka badalaysaa, waana talaadada ka danbaysa qiimaynta, geesinimadii meesha way ku jirtaa, waayo
arimo badan oo suuragal ah ayaad meesha soo dhigtay iyo wax kasta oo kuu suuragal ahaa samayntiisu, waanad
fulisay, markii aad fulisay ee aad hadana gimaysay ayaad hadana fikirkii wax ka badashay.
Waaba adiga oo dariiga socda, oo si kadisa u arka barkad biyo ah kadibna aad ku sinbiriiraxatay, oo aad kacday
oo iska nadifisay wasakhdit kaa soo raacday, kadib aad eegtay barkadii, oo markaa si aad u dhaafto aad goosatay inaad ka boodo ama haddii ay wayntahay aad bidix ama midig mid uun uga leexato amase aad dib u noqoto si aad dariiq kale u marto, sidaa markaad u fikirto waad gimaysay, markii aad qiimaysay fikirkaagii waxbaad ka
badashay oo dariiqi ayaad badashay, si aad u gaadho meeshii aad u socotay, xagiijinta hadafka iyo himiladu
waa sidaa oo kale uun.
Talaababa talaabada ku xigta ayay ku gaadhsiisaa
Hadaba talaabada labaad ee gorshaha istiraatijiyadu
QARE:- MAHAD SALAAD MAXAMUUD
