Wehel Jacayl| Q-41aad Adegto

Waxa aad mooddaa wixii uu ka baganayey in uu toos
ah u daalacanayo. Sida ay khubarada jacaylku aaminsan tahay, iska warhaynta joogtada ahi waxa ay bishaa jacaylka dhex yaalla laba gof.
In muddo ah waa kii aan tilifoon ka helin. Wuxuu sugaba, habeenkii dambe ayuu ku riyooday shimbir dul taagan 0o ku leh ‘iska warran?’ Isna wuxuu is yidhi waar shimbirkanba maad inanta dhambaalka ugu dhübtid illeen isaga ayaa dhul fog isaga gooshee”, Waxaanu u dhibay warqaddi isaga oo sii tabantaabiyey.
Markii uu u tilmaamayey sifaha inanta iyo farrinta uu
tebinayaa caynka ay tahayna, waa kii lahaa:
“Middi dhüigga miirtee qalbiga, iga dhex maaxaysay
Dhaawaca middi aawadeed, dhuuxu iga daatay
Dhaydiyo middaan aawadeed, dhuuniga u diiday
Goortaan u dhuubtoo cuntadu, it dhadhami wayday Iga dhooftay inantii wadnaha igaga dheehnayde
Adigaa dhul dheer tegi karayiyo meel aan loo dhixine
Daruuraha adaa dhaafa oo mig ka orod dheere
Adigaan dhagsaba kaa rejayn, dhaymo daawo lehe
Shimbiryahaw dhambaalkayga qaad dhaygag bay dilaye
Afrikada tan dhaw maaha iyo Yurub dhankeediyee
Dhabbihii New York ayaad baalka sii dhigane
Sawirkeedii Dhool waa codkoon kuu dhammeystiro e

Dhoombir naaxday lama doonto iyo dhererka qaarkiise
Dhumucda iyo jidhkeeda waad, dhididi doontaaye
Waagoo dhalaaliyo cadceed, dhalatay weeyaane
Dhabannadoo hillaaciyo afkoo, dhuxulo meygaaga
Dhedoo madaga timahoo dhegtiyo, dhaafay dhabarkeeda
Suniyaha sidii loogu dhigay, waygu dheer tahaye Dhan loo dayaba Laylaa ka dhigan, Dheemman iyo Luule Haddaan dhagarta gaaladu beddelin, dhawrsan waad heliye
Dhaayuhu markay kuu gabtaan, dhiirri hadalkaaga
Dhunkashada salaantiyo markaad, boogashada dhubto
Waxaad odhan dhambaalkaan wadaa, dhaxalgal weeyaane
Bal dhegayso Laylaay warkaan, kuu dhammaystiriye
Dhegahana u furo hadalku waa, mid aan la dhaadayne Nin baa dhar aarahan cishqigu, awaadaa dhibay dheh Nin baa u dhaw oo gabriga, dhinac ka saarnaa dheh Dhawr beri nin baan aawadaa, dhuunigi cunin dheh
Dhab markuu u seexdaa hurdada, laga dhirbaaxaa dheh
Nafti dhimasho laga baajiyaa, ma aha dheel dheel dheh Dhaqtarradu ma daawayn karaan, ruux jacayl dibay
dheh
Maxaan Maxamed ugu dheefceshaa, dhaygag baa diliye
dheh
Shimbirkii markii uu farrintii geeyey ee uu Layla u

dhibay ayuu soo noqday isaga oo leh:
“Maxamadaw dhambaalkiyo warkaad aniga ii dhiibtay
Markaan dhuuxay maansada galbig dheelli laba jeere
Dhafoorrada adoo haysta oo dhaygag ledi waayey
Waa taan dhagaaqoo hawada, dhibshay baallaha e
Dhalandhoolka awgaa u tagay dhulaan la gaadheyne
Dhabbihii New York markaan dhab ugu laafyooday
Dhinacyada markaan eegayeen wunka wada dheehday
Midda dhiiga miirtay indhuhu dhab u jalleeceenee
Waa dhool guyoo hooray iyo dhibic daruureedee
Weli dhaqankii gaalada ma baran dhabanwanaagley e
Dhaayaha intaan saaray dumar waw dheg roon tahaye;
Dhunkashada salaantiyo markaan boogashadi dhiibay
Iyadoo sideedii u dhigan xarafna ii dhuuman
Dhab ku siyey sheekada gof xuni kuuma dhiidhiyo e
Dhayal hadalkii uma qaadan iyo weliba dheeldheele
Waxay tidhi ‘dhambaalkaad waddaa, waa mid igu dheere
Dhuuxiyo laftuu iga galoo dhaawac igu reebye
Haddi anan dhiman oo xabaal dhinaca lay saarin
Dhoobada haddaan laygu ridin Maxamed hay dhawro.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda