Qof walba oo bani aadam ah wuu garan karaa nafteenu waxay tahay si kastaba haloo garto, naftu waa maxay in yar aynu sharaxaad ka bixino nafta inagoo koobayna?.
Hadaba marka laga hadlayo nafta macnaheeda guud waa wax jira quraankana waxaa kusoo arooray aayado tilmaamaya in naftu tahay waxa kaliya ee basharka lasiiyay ee ugu qaalisan naftu waa waxa jecel inay ogaato masiirkeeda jano ama naar sidoo kale nafta waxaa loo gaybiyaa sadex gaybood oo kala ah.
- Mid wanaaga ku Faraysa
- Mid xumaanta ku faraysa
- Mid wax kuwaydiinasa[sababma aad waxaan usamaysay]
- MIDA WANAAGA KU FARAYSA
Naf waxaa jirta kuu kala soocasa wanaaga iyo xumaanta sidoo kalana
kuu leexinaysa dhanka wanaaga kuuna sheegasa waxa adiga kuu
wanaagsan Adduun iyo Aakhiro, waana nafta ugu hardanka badan nolosha gofka maxaa yeelay waxay dagaal kula jidhaa shaydaan asagoo kuu caabinaya xumaanta iyo waxay necebtahay naftaas
wanaagsan, sidoo kale waa naf jecel inay kuu sheegto sharkaaga iyo xumaantaada naf ahaantadana aad iswaydiiso maxaa shar addunka
kuu yaal maxaase khayr kuu yaal sida aaduxisaabiso lacagtaada
uxisaabi dunuubtaada yo khayrkaaga goowna in waxwalba la
xisaabindoona maalin un.
- MID XUMAANTA KU FARAYSA
Naftani waxay Aalaaba saf dheer kula jidhaa shayaadiinta si ay wanaaga ooga weeciyaan nafta ku faraysa khayrka ilaahayna wuxuu
yiri nafta wanaagsan waxaa cadaw ku ah shaydaan iyo shahwaadka dunida naftan waxay geed dheer iyo geed gaabanba ufuushaa si ay gofka useejiso khayrka adduun iyo midka Aakhiraba waxayna kudul
istaagtaa gofka isku bandhiga, naftan iyo shaydaan waa labo cadaw inkastoo markasta qofka bani’adamka cadaw ay ku tahay nafta iyo shaydaankuba hadana waxaa jirta naf usoo xaydatay xumaanoo dhan
waxaana ka bad baadi kara qofka adkaysta naftiisa wanaagsan. - MID WAX KU SUAALASA
Waxaa jirta naf ku su’aalaysa waxaad samaysay inkastoo culimada
saynisku ay yiraahdeen naftan waxaa usaaxiib ah dadka caqliga leh
maadaama ay wax iswaydiiyaanba garanayaana waxay saxeen iyo waxay khaldeen iswaydinayaana sababta ka dambaysa waxaas.
Waa naf utaagan inay ku xisaabiso adiga wax walbana kula saxdo ha ahaato afkaarta, go’aanada iyo wixii la halmaala.
Waqti badan inaguma qaadanaso ogaanshiyaha nafta, qof walbana
asaga natiisa qiimayn kara sida buugu tilmaamayo.
Balse waa wax laga maar-maan ah inaan wax ka ogaano nafaheena kadibna aan qiimayno ogaanana waxaan ku fiicanahay iyo waxaan ku
xunahay, baro fursadaha ku horyaala iyo caqabadaha ku hortaagan
sidaad ooga gudbi lahayd fursadahana ooga faai’ daysan lahayd gofku markuu si xirfad leh uu uisticmaalo waqtigiisa ayuu si xirfad leh
uqiimayn karaa naftiisa waa muhim inaad dareento naftaada sidoo kale iswaydii waxaad kuxuntahay iyo waxaad ku fiicantahay aalaaba
gorshee garana qiimaha naftaada ay leedahay waaqica sii sawiro.
markaad sawirato waxaad jeceshahay waxaa caqligaaga hoose
kusawirmaya sawir muqaaleedka aad jeceshahay inaad nogoto
mustaqbalka is taag hada oo soo qaado buug waxaadna qortaa intaad ka ogtahay naftaada kadib waxaad si cad ufahmaysaa waxay tahay
inaa qabato mustaqbalka dhaw qofka bani’aadamka ah waxuu ka
koobanyahay labo LAHAANSHO IYO AHAANSHO.
Lahaanshiyuhu:
Waa waxaad adigu leedahay sida hantidaada, gawaadhidaada iyo wixi la halmaamala balse, Ahaanshiyuhu:
Waa shaqsiyadaada dhabtaa iyo waxaa tahay adigu yacni sidaad
adduunka ku timidey awalkii inaad garataa arinkaasna waa tiir wayn 0o caawinaya inaad mustaqbalka guul gaadho.
KUMAA TAHAY ADIGU?!!
Kumaa tahay adigu maalin walba waxaa usocotaa gaaridda
yoolkaaga, maalin walba waxaa dareentaa daal si aad ugaadho hammigaaga boodh ayaa kusoo gaadha, dhidid ayaa kaaga yimaada sidii aad mar un u arki lahayd shaqsiyadaada oo hor-madhay balse haddii aan kuu imaaado oo aan kuwaydiiyo su’aal ah kumaa tahay ma iiga jawaabaysaa, ma ii tilmaami kartaa qofka aad tahay markaan sidaas leeyahay kaama doonayo magacaaga, qabiilkaaga iwm. Waa
hubaal oo badankeen ma ogin shaqsiyadeena waxaynu ku wareegnaa xayndaabka lahaansheheena mid ila fahan sidaan horay
kusoo sheegnaynba qofku wuxu ka koobanyahay labo waa
lahaansho iyo ahaansho, lahaanshuhu waa waxaad leedahay sida
hantidaada ama dharkaaga balse ahaanshiyuhu waa shaqsiyadaada dhabtaa yacnii sidaad adduunka ku timid awwalkii inaad garantaa arinkaasna waa tiir wayn oo kaa caawinaya inaad mustaqbalka guul gaadho, hadaba akhriste istaag hadda oo soo qaado warqada ama buug waxaadna qortaa inta aad ka ogtahay naftaada kadib waxaad si
cad ufahmaysaa waxay tahay inaad qabato mustaqbalka dhaw.
Adigu hadda is dheh kumaan ahay who am I?
Fariintaydani waxay utaagantahay iftiiminta ruuxiga sida sumadeeda
ka muuqatana waa goraal bar-bilawgiisu yahay nolol baraarugsan noqo ruux nafci dhaxal gala ka hela.
Qoraa:Bashiir Cabdi xirsi ”Ciil_tire
