Wehel Jacayl| Q-42aad Adegto

Dadki inta uu ka dhex baxay ayaa uu nogday sidii
qof uu xanuun hayo, jidhkisii ayaa gurmay, markaas
buu isu beddelay qof caataysan. Islaan ay jaar ahaayeen

ayaa ku tidhaahda: “Maxamed, ma caynbacayn baa ku haya?” Caynbacaynku waa cudur carruurta ku dhaca oo
toddobaadna ka dhiga qof dhuuban todobaadka kalena
naaxiya.
Jacaylku caato iyo cudurba dadka uu haleelo in uu
ku rido waxa loo hayaa dalil cad; abwaannadda iyo suugaanyahannada Soomaalidu aad bay uga hadleen o ug nuuusadeen. Abwaan Cilmi-Boodhari, oo
dadku u yaqaannaan Aabbaha Jacaylka, ayaa dhow jeer ku cataabay sida uu caashaqu laf iyo jidhba inta uu isaga
baxay u caateeyay:
“Cududuhu ma naaaan qofkay talo ku curtaaye
Casharkay wadaaddadu goreen cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo dawaba doontay oo waayey cilinkiye
Jeeroonse canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Illayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay!”
Maxamed waxa la soo deristay duruuf adag oo sida looga baxaa ay adag tahay, jacaylkii oo cartamay ayuu
qool u galay.
Dagaalladii baa soo kululaaday, waddankii waxa wu galay kalaguur. Tilifoonkeedii ayaa go’ay. Warkii uu xaggeeda ka heli jiray ayaa, gebi ahaanba, istaagay.

Xubbigi uu muddada soo waday ayaa dheelliyay. Waxa
uu is waydiiyey ‘dareenkani malaha adigu uun baa uu
gooni kug yahay ee gabadhani kulama ay qabin?’ Wadasocoshada meesha ka kaday iyo sida ay uga
gaabsatay ayaa werwer ku abuuray; dhibta iyo xanuunka
daran ee uu deriska la noqday iyo sida ay uga war la’dahay, ayaa isu qaban waayey. Hees ayaa ahayd:
“Xiska weerar gelisaye
Waxa nool adduunyada
Adaan kugu werweryaa
Warna ima hayside
Wehelkii naftaydaay Weedhaad tidhaahdaa Wadnahay
ku taallaa,
Warna ima hayside…”

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda