Miyaanay sabab u ahayn inaynu adduunka
nimaadno? Miyaanay jannadu cagaheeda
hoosteeda ahayn? Miyaanay ahayn iftiinka
nolosha? Miyaanay ahayn barraha iyo
barbaariyaha dhalaanka? Miyaanay la’aanteed
noloshu mugdi ahayd?
Dabcan haa, way tahay.
Hooyadu waa iftiinka iyo illayska nolosha. Waa
dheefta iyo dhuuniga hunguriga mara. Waa isha
badhaadhaha iyo barkhada adduun iyo aakhiraba.
Waa hagaha iyo hogaamiyaha ubadka. Waa shaqaale
aan lacag lagu siin barbaarinta dhalaankeeda. Waa
tobabare nololeed, la’aanteedna horumar iyo hana-
qaad midna aanu jirin. Waa hayinka reerka iyo laf
dhabarta qoyska. Waa hogol lagu qaboobo waana
barta qofka dhaqankiisu ka soo farcamo. Waa goobta
noloshu ka bilaabanto. Waa qofka ugu xaqa mudan
aadamaha. Taasna waxa daliil u ah;
“Aadamaha waxa aanu u dardaaranay inuu u
samafalo labadiisii waalid, hooyadiibaa qaaday
culays mid kale weheliyo ka gudhinta naaskuna
waa laba sano, aniga ii mahadnaq iyo labada ku
dhalay. Xagaygey ahaatay halka loo soo noqon”
Barbaarinta iyo carbinta caruurtu maaha mid
jaamacaddo iyo dugsiyo looga soo baxo balse waa
hibo Eebbe ugu deeqay hooyooyinka. Waxa ay
barbaariyaan ubadkooda iyaga oo u dulqaata dhib
kasta oo kaga timaada dhalaankooda. Hooyaddu
waxa ay hagtaa caruurteeda, iyada oo barta hab
dhaqanka wacan iyo asluubta suubban.
Hooyadu waa iftiinka iyo ilayska nolosha sababta
oo ah iyada la’aanteed noloshu waa mugdi madow
badan. Waxa ay horeysiisaa oo ay horumarisaa
baahida ubadkeeda, iyada oo u huraysa wax kasta oo
ay u baahan yihiin. Waxa ay soo saartaa ubad aayatiin
leh oo anfaca bulshada ay ka tirsan yihiin. Waxa ay
soo saarta dhallaan aragti iyo karti nololeed leh.
Waxa ay kobcisaa maanka iyo maskaxda
caruurteeda.
Hooyadu waa hoyga dulqaadka iyo samirka, maxaa
yeelay waxa ay u adkaysi leedahay dhamaan
dhibaatooyinka kaga yimaada xilliga korinta
dhalaankeeda. Hooyadu ma hiifto mana
hagardaamayso ubadkeeda balse waxa ay u horseeda
hogaamin la mahadiyo timaadada.
Cilmi baadhis la sameeyey ayaa lagu cadeeyey in
ilmaha ay hooyadu soo koriso ee jaqa caanaha
naaskeedu inuu ka naxariis badan yahay ilmaha aan
nasiibka u helin korinta iyo kaalin galinta hooyada.
Sidoo kale, waxa la cadeeyey in caanaha naaska
hooyada laga jaqaa ay u horseedaan ilamaha inuu
fahamkiisu wacnaado weliba uu ku wacnaado
waxbarashada. In la naasnuujiyo caruurtana waxaaba
ina faraysa diinteena Islaamka.
Kaalin galka ilmaha waxa hormood u ah hooyada
dhashay oo u hurta naf iyo maalba si uu u dhiso
mustaqbalkiisa. Hooyadu waxay la damqataa dhib
kasta oo ku timaada ilmaheeda in ka badan inta uu
aabbuhu la damqado, sababtaas ayey badanaa
dhalinyarada tahriibtaa ugu soo gargaar dalabtaa
hooyooyinkood. Haddaba si aynu u cadeyno in
hooyadu ka damqasho badan tahay aabaha waxaynu
badh ka soo qaadan maansada caanka ah ee ay tirisay
Maamo Koos Jaamac Dhunkaal oo si cad u
qeexaysa naxariista hooyada, maansaduna waxay ku
bilaabanaysaa:
Waa lagu haleeyee hooyo
Waa lagu hagradaye hooyo
Waan laguu hadlayne hooyo
Hanfi kuma haleeleen hooyo
Haadu kuma daldalateen hooyo
Ma hadh galo habeenkii hooyo
Dharaartii ma haybsadee hooyo
Hurdo seexan waayey hooyo
Ana howdka ha I galin hooyo
Adna haada ha u tagin hooyo ………
Sidoo kale, waxa jira maansooyin fara badan oo ka
hadlaya kaalinta hooyadu ugu jirto aadamaha
dhamaantii. Maansooyinkan qiimaha badani waxa ay
kasoo maaxdaan maskaxda abwaanada
soomaaliyeed. Balse hadaynu soo qaadanayo heesta
ugu caansan dhanka heesaha laga tiriyey kaalinta
hooyada, waxa aynu soo qaadan heesta uu curiyey
Alle naxariistii jano hawgu deeqee Abwaan
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ee
tidhaahda:
Hooyooy la’aantaa Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen Xiddig hawd ka lulatoo
Sida haad ma fuuleen Dayax heego joogoo
Hubka laguma tureen Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu heleynoo. Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo Halyey diran dhasha baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Marka aad nin hoo-loo Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo Hayntiisa quudhoo
Hor Illaahay geystiyo Lama hure dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Ugu danbeyn, waxa markhaati ma doona in qofka
inkira ee isdiidsiiya xaqa iyo xuquuqda hooyada uu
dhaxlo nolol rafaad iyo dhibaato hoygeedu yahay.
Waxa uu la kulmaa cidhiidhiga adduunka iyo
cadaabka aakhiro. Kuma dheefo nolosha adduun ee
loo socdo hadh iyo habeen. Kuma nagaado guri
nasasho leh balse wuxuu la hoydaa mugdi iyo
murugo aan dhamaad aqoon. Waxa uu galaa
qoomamo aan waxba qabanayn. Wuxuu dhammaa
dhitadii qadhaaadheyd ee uu hore usii dhigtay.
- Ixtiraamka iyo qadarinta waalidku waa amar Alle
ina saaray. - U-sama-falka waalidku waa waajib qofka saaran.
- Raali ahaanshaha waalidka gaar ahaan hooyadu
waa furaha nolol qurux badan oo lagu
badhaadho. - Xaqa Alle waxa ku xiga xaqa labada waalid gaar
ahaana hooyada.
Qoraa:Bashiir Cabdi xirsi ”Ciil_tire
