Maxamed, oo gabayada qisadisa ku saabsani sida togagga ugu soo rogmanayaan, ayaa mar kale la soo mirkacay tix u dumarka wax kaga tabanayo. Maxaa ka jira in dumarku inta ay jacaylka kula unkaan oo kula ababiyaan marka u u qaangaadho e xilligii la guran lahaa u taagan yahay ay kaaga baxaan? Waxa u ku andacooday ni jacaylkii lala abuuray looga hoos baxay. Gabaygiisa ayaa u ku sheegay ni arrintaas dumarku ka siman yihiin, haddana inta u giraanta isku soo weeciyo ayuu naftiisa khaladka saaraya isaga 0o kuu eedayanaya
in iyadu dhibta uhorseedday. Waxa kale oo u maansada ku xusayaa in bahalku yahay aafo aan loo maaro helin, kiniin iyo dawo lagaga caafimaadaana aanay jirin, sida ya u muugatana u nafluhu la godgalayo. Waxa u yidhi:
“Waa agoonta dumar
Inay kula unkaan Kula ababiyaan
Jacayl kula abyaan; Eridhaban sidi
Kula ooyayaan Kaa tiraan ilmada
‘Aamus’ kugu dhahaan Markaad aamintana
Abataga inay Kugu aabbudhaan Waa lagu of yee;
Maahee iyada a Waxaan eersada
Lugihii ordee lag geeyay iyo
Afkaan kula hadlee
Erayada macaan A’ bbaayooy’ ku idhi:
Maahee iyada Waxaan eersadaa
Unugyadit jidhkiyo Uurkiyo wadnii Igu yidhi ‘addeec!’ Aheey waa aheey
Adduunyada markuu Rabbi uumay e
Ummo Xaawa iyo
Aadan lagu alkumay Ilaa maalintaa
Aafada kalgacal
Kiniin loo igmiyo Irbad looma helin
Inta uu nafluhu Ka idlaanayana
Mid adkaysta iyo Mid uu il ku rido
Dadku aramidiyo Ukuntisa way La abaadayaan;
Imisaa arliga Laba uguba o Isu uurnuglaa
Wakhti kala eryoo Iyagoon is helin Urugiyo xusuus Meel kula ambaday; Aheey waa aheey
Anna aynigaa kama ood fogiye
Anfarir miyaa Agal ila hurdoo Amakaag miyaan
Ehel moodayoo Axdi dumar miyaan Uilmaynayaa!”
Waagi dambe waxa u niyaddisa geliyay ni jacaylku yahay ka baaqiga noqonaya. Filim al odhan jiray “Dadku wa ya dhintaan laakiin jacaylku ma dhinto” mar u daawaday ayaa u xusuus galay, markaas baa maansadani curatay:
Adduunyada dharaarti Dhismaheeda udubkiyo Lo dhaabay xididdada Aadan oo dhammaysaa Dhoobo laga abuuroo
Keli laguma dhaafine Waa tii dhinaca feedhaha Xaawa laga dhambalayoo Dhab baa la isu weheshaday Dabadeed dhexdoodii Dheddig yo labood Rabbigay ka dhaliyoo Dheeh la isu mariyoo Guur loo dhawaaqyo
Inta aan dhidibka samadiyo
Xiddigaha dhalaaliyo Cirka aan la kala dhigin Dhulku uu sidaa yahay
Weligii ma dheelliyo Dhacdo weeye aan hadhin Iyo dhaxal maguure ah Dadkuun baa dhammaadee
Dhegaanugule caashaqu Dhaaxuu dambeeyaa
Haddba dhawrka soo kaca Dhirbaaxada la eegtaa
Cimrigiisu dheeraa Anna waxaan ka dhuuntaba
Iga dhawrsan waayoo Hadduu dhuumihiisii
li saaray dhabarkoo Addimadu dhaqaaqii
Dhutiyee tallaabada Dhirran waaye socodki
Siddi neef dhunkaal gaba
Waan dhogor xumaadee Dhirta waan ka waashoo
Dhalandhoolay milicdoo
Dhagan bay ka beermeen Muxibbadu udheer tahay Ifku wayska dhalanteed lyo meel habeendhaxa Oo laga dhagaagee Midba dheefti loo goray Markii u dhammaystaa
Dhabankiisa ciddiyo Tilka loo dhudhumiyaa Dhagax lagu dul awdaa Kagacaylka dhumucdiyo Dhererkiyo laxaadka leh Ma dhintoo xanuun iyo Dhibi kuma timaaddoo Ma dhadhamiyo geerida
Inta aan dhidibka samadiyo
Xiddigaha dhalaaliyo Cirka aan la kala dhigin Dhulku uu sidaa yahay
Weligii ma dheelliyo Dhacdo weeye aan hadhin Iyo dhaxal maguure ah Dadkuun baa dhammaadee
Dhegaanugule caashaqu Dhaaxuu dambeeyaa
Haddba dhawrka soo kaca Dhirbaaxada la eegtaa
Cimrigiisu dheeraa Anna waxaan ka dhuuntaba
Iga dhawrsan waayoo Hadduu dhuumihiisii
li saaray dhabarkoo Addimadu dhaqaaqii
Dhutiyee tallaabada Dhirran waaye socodki
Siddi neef dhunkaal gaba
Waan dhogor xumaadee Dhirta waan ka waashoo
Dhalandhoolay milicdoo
Dhakafaar haddeeraan Dhabannada la haystaa Dhaameelka Hawdiyo
Dhebi baxay la mooddii Ma hadday dhankeedii Ka dhantaashay caashaga
Oo aan dhunkaal iyo Udhadhamay siddii dacar Anigaa is dhiiboo
Dhalanteed ka raacaye Dhoohane jacaylkow Dhawacaad i yeeshaa
Igu dhaliyay nabarkoo Dhibka i horseedaye
Adaa dhiig la miriyo Dheecaanka aadmiga Sida dhayda caanaha Weligaa dhamaayaye Anna dhuuxa igu jira Dhuug xididdadaydoo Dhaqdhaq ha igu reebine Dhereg waad i gabatee!”
Whakhti badan mar ya ka soo wareegtay ayaa isaga 0o Kiniya jooga u war ka helay. Wixi markaa ka dambeeyay war iyo wacaal kama helin. Maansadan kale
ayaa uu curyay mar dambe:
“Inanyahay daruurtiyo
Dayaxoo iftimiyo Sida dirirka cawleed
Dadka raalligelisoo Dürkiyo jidhkeediyo Dusha xaaddu ka iftoo
Hooyadeedii dihatiyo Uduceeyay aabbuhu Ma og tahay daraaddaa In aan kuu dullooboo
Dakharradi jacaylkiyo Dooguhu i gaadheen
Damganaayo awogaa, Naftan kuu dullowdoo
Dalanbaabbinaysoo Daaraha la seexdiyo
Didayso gurigoo Dibadaha u hoyatoo Inta Daayin uumiyo
Dumar adiga kuu jecel Sow ima daryeeshidoo Ma dugsidid walaaleey Mise dahab al moodyeey
Anaa daalay mooyee
Doc kalaad la haysaa Taarikh da’ wayn baa
Dibindaabyadeennii Laga daalacdaayoo Raggu wuxuu dareemaa Ama dib u xasuustaa Cilmi digashadiisiyo
Darbiyada xanuunkuu Hodan ugu dan sheegtiyo Sidii loogu daawaday Anna dogon jacayl baa Dabar g u kaa xidhay Dookhiyo kalgacalkaa Igu kaa dirginayee Dawooy kuma idhaahdeen”
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda
