Waa maxay sababta keenni karta inSokortii dhiigga ka badato intiicaadiga ahayd?

  1. In ganacu (pancreas), uusan soo saari karin insulin
    ku filan (insufficient insulin).
  2. In insulinti, ganacu soo saaray aysan u shaqayn
    sidii loogu tala galay sabab iska caabin oo u
    dhaxeysa iyada iyo unuggii (insulin resistence).
    Labadaas midkood, ayaa waxa uu keenni karaa sokortii
    dhiigga in ay ka badato cabirkii loogu talo galay, waxayna
    horseeddi kartaa dhibaatooyin caafimaad darro oo soo
    food saarta qofka qaba sokoroowga.
    Insulin: waa hormoon ay shaqadiisu tahay in uu
    nidaamiyo sokorta dhiigga.
    Insuliin waxaa laga soo daaya Ganac (pancreas) qaybtiisa
    unugga bita (beta cells), waxaana uu u shaqeeya sidii
    gaadiid, kaas oo sokorta kasoo qaada dhiigga kadibna ku
    xareeya unugyada jirka (cells), si jirku ugu isticmaalo
    shidaal ama tammar.

Haddii la waayo insulin, waxaa dhacaysa in sokortii
dhiigga ay ka badato sidii caadiga ahayd (hyperglycemia).

Nooca 1aad ee Sokoroowga (type-1 diabetes
mellitus)
 Waxaa loo yaqaan Sokoroowga dadka da’da yar
(juvenile diabetes), ama Sokoroowga ku tiirsan
cirbada insuliinta.
 Noocaan waxaa sababay in ganaca qeybtiisa bita
selis (beta cells) soo dayn weeso insuliinti, taas oo
nidaamin laheed sokorta dhiigga.
 Sida badan waxay ku dhacdaa da’da ka yar 30-ka
sano iyo caruurta.
 Qiyaasta 10% dadka la nool songoroowga waxa ay
qaban noocaan.
Maxaa sababa nooca 1aad ee Sokoroowga

  1. Waxa saxda ah ee sababa illaa hadda lama oga balse
    waxaa la aaminsan yahay in uu ka dhasho, in
    ganacu uu isu arko cadoow kaddibna uu is
    baabi’iyo oo dhammaadka keenno in uu bita selis
    soo dayn waayo hormoonkii insuliinta.
  2. Qofka oo ay qaraabadiisa dhow horay u qabeen
    cudurka.
  3. Hadduu dhaawac gaaro ganaca sida hambaabuq
    (infection), buro ama qallin lagu sameeyay.
  4. Nidaamka Antigen-ka ee banii`adamka (HLA
    system) 95% dadka qaba noocaan 1aad ee
    Sokoroowga waxay qabaan HLA-DR3, HLA DR4
    ama labadaba.

HABKA AY U SHAQEESO INSULIINTA
Sokorta dhiigga (Glucose)
Meelaha ugu muhiimsan ee aan ka helno glucose waa
cuntada iyo beerka oo lagu keediyo markii loo baahdana
soo daayo.

Sokorta waxaa laga soo nuugaa cuntada, waxaa kale oo
laga soo daayaa beerka kaddibna waxaa lagu daraa
qulqulka dhiigga dhex socda jirka, waxaana la geeyaa
unugyadii u baahnaa si ay sokorta u gasho unugga
guddihiisa oo tamar ahaan loogu isticmaalo, waxa furaya
unugga oo gelinaya, sokortaaana waa insuliin.
Beerkeenna waxa uu kaydiyaa sokorta jirka ka soo
harta (Glycogen), waxaana loo kaydiyaa si hadhow markii
loo baahdo loo soo daayo oo uu jirka ka dhigto tamar
markii cuntada laga waayo Glucose-ta ama qofkii soo
wajahdo baahi noocay doontaba ha ahaate.

Marka uu jirka baahi dareemo ayaa lasoo jabsanayaa
sokortii la kaydiyay (Glycolgen), si loogu beddelo
Kulukoos (Glucose) oo uu jirku u isticmaalo tamar ahaan.
Sidaas darteed qofka qaba nooca 1aad ee Sokoroowga
ma haysto insuliin sidaas waxaa ku dhacayso, in sokortii
dhigga dhex socotay la waayo wax geliya unugga oo
meeshaas ay ka dhacdo in unuggii qabsan waayo howlihii
uu qaban jiray badankood maadama ay la`yihiin tamar
sidaasna sokortii waxay ka buuxdaa dhiiggii taaso halis ku
ah caafimaadka qofka.

Nooca 2aad ee Sokoroowga (type-2 diabetes
mellitus)
Noocaan waxay ku dhacdaa dadka da’doodu ka wayn
tahay 30-ka sano waxayna cilladda tahay:

  1. In ganacii soo dayn waayo insuliin ku filan jirka.
  2. In uu ganacii soo daayey insuliin laakiin ay jirto
    iska caabbin u diidaysa in uu insuliin uu furo
    unuggii si uu u xareeyo sokortii dhiigga (insuline
    resistance).

90% dadka Sokoroowga qaba waxaa ay la nool yihiin
noocaan 2aad
.
Maxaa keenna nooca 2aad ee macaanka?
 Qofka oo ay qaraabaddiisa dhow horay u qabeen
cudurka.
 Dadka jinsi ahaan madoow.
 Dadka aadka u cayilan.
 Dadka horay u qabay dhiig karka.
 Dadka aan samayn socod ama jimcsi.
 Dadka caba sigaarka.

  • • •
    Calaamaddaha lagu yaqaan macaanka
  1. Oon badan.
  2. Wahsi badan.
  3. Baahi badan
  4. Arraga oo isbeddela.
  5. Kabaabyo lugaha iyo gacmaha ah.
  6. Miisaanka oo u dhaca si aan qorshaysnayn.
  7. Kaadi badan.
  8. Afka oo qaleel noqda.
  9. Hambaabuq (Infection) soo noqnoqda.
  10. Dareenka ragga oo daciifa.

Sokoroowga uurrayda (Gestational
diabetes)
Waa nooc saddexaad oo kamid ah noocyada Sokoroowga
balse ku dhaca keliya hooyada xilliga ay uurka leedahay
marka ay cannuggaas dhashana 95% way ka
caafimaadaan.

Wuxuu dhici kara xilli walba oo ka mid ah inta ay uurka
siddo balse wuxuu aad u badan yahay xilliga ay hooyada
dhaafto bisha saddexaad.
Sokoroowga xilliga uurka hooyada ku dhacaa waxaa uu
qatar ku yahay caafimaadka iyada iyo cannugga, sidaas
darteed waa in ay talo iyo daawaba dhaqtar u doonnato oo
aysan dhayalsan.

Maxaa sababi kara Sokoroowga uurrayda?
 In hooyada ay aad u cayilan tahay (ka badan 30
BMI).
 In hooyada sidkeeddii hore ay qabi jirtay sokorta
uurrayda.
 In qaraabbaddeeda sida waalidkeeda iyo
walaalaheeda la dhashay ay qabaan sokorow.
Astaamaha lagu garto Sokoroowga uurrayda.
Badanaa malahan wax calaamad ah oo hooyada shaki gelin
kara illaa calaamaddo yar yar mahee, sidaas darteed
waxaa wanaagsan, hooyada uurrayda ah in saddexdii bilba
mar laga hubiyo in ay kacsan tahay sokorteeda dhiigga.
Calaamaddaha lagu arki karo Sokoroowga
uurrayda waxaa ka mid ah:
 Oon ka badan intii ay horay u dareemi jirtay
 Afka oo qalleel noqda
 Daal badan.
Qatarta caaafimaad darro oo ay ku keenni
karto hooyada uurka leh Sokoroowga.
Badanaa hooyooyinka Sokoroowga uurrayda qaba waxaa
ay la mid yihiin hooyooyinka kale oo taas micnaheeddu
waxaa ay tahay in ay dhali karaan badankood ilma
caafimaad qaba.

Inkasta oo uu Sokoroowgaan sababi karo
waxyaabahan soo socda:
 In uu cannuggii uurka ku jiray uu ka waynaado
ilmihi kale ee la waqtiga ahaa taana waxay keenni
kartaa in ay hooyadu dhali wayso loona baahdo in
la qalo.
 Biyaha oo ku bata cannugga uurka ku jira
(polyhydramnios), kaas oo keenni kara ilmaha oo
aan bilo dhammaysan in ay dhashaan.
 Dhiig kar hooyada uurrayda ah (pre-eclampsia).
 Ilmaha oo caloosha ku dhinta (stillbirth).

Buuga: SIRTA MAAREYNTA
SOKOROOWGA


Qoore: Drs. Xanan Axmed Muse