Faysal waa wiil aad u furfuran oo dhamaan dhalinyarada xaafadana ay is
yaqanan wiilal iyo gabdhaba.
Markii uu iskuulkii uu soo baxay ayay faysal dariiqa ku kulmeen laysna
salaam, kadib indoor ah markii ay kala amusnayeen ayuu mustafe calool
adaygay Kuna dhiiraday inu waydiiyo wax cinwaan ah haduu ka hayo maryan
madama uu isagu uga war roon yahay, faysalna u balan qaad inuu siin doono
marka la rawaxaayo kana cudur daaratay inaanu imika hayn. Mustafe waxa
gashay yididiilo inuuu helayo Maryan helayana cid la wadaagta jacaylka ku
kaliyaystay.
Rawaxaadii goor ay tahay ayuu Mustafe soo hor istaagay iskuulka oo uu
dagdag uga soo baxay sii uu faysal u arko marka uu soo baxo, se waxa uu
arkay maryan oo ku dhexjirta hablo badan lays eeg laysna garay lakiin wax
wada hadal ahi majiraan inyar kadib ayuu soo baxay Faysal, waxay wada
qadeen dariiqa dheer ee loo maro xafadooda, kaftan badan iyo sheeko aad u
macaan oo aywada wateen ayaa waxa ka soo gaadhay xafadahoodi markii ay
sii kala hadhayeen ayuu Faysal mustafe ku yidhi, Saxiib waxaad iga sugaysay
numbarkii Maryan Uguna jawaabay Haa…
Saxiib waa Kan ee qoro
Wayahay, 1234567, waad mahadsan tahay waxan abaalakaga ku gudana garan
mayo.
Maya saxiib intaas iyo inkabadan ba waa laysku leyahay.
Wayahay saxiib ee jaw waa inoo Bari inshaa Allah.
Farxad aan wayadaa lagu arag ayaad ka dhehan ka raysay wajigiisa Mustafe
waxana uu la dhacasanaa sida yare ee uu ku soo helay numberka Maryan ileen
qof ay wax ka awood wayni wataan meel walba uu la galaye waxa uu u samray
inuu heli doono.
Kadib markii uu gurigii tagay ayuu qadeeyay isagoo faraxsan aad moodidna
gabadhuuu u bahnaa inay is heleen ayuu waxa uu tagay sarirtisii waxana uu
bilaabay fakir uu siduu ula xidhidhi lahaa ka fikiraayo iyo siduu iskugu sheegi
lahaa akhirkiina waxa uu go’aan saday inuu u qoro message kuna sheegto
bahidiisa, waxa uu qoray fariintii oo u aad uga shaqeeyay kuna shaganaayo
jacaylkiisa kana codsaday inay la qabato ee aanay ku didin . Markii uu diray
fariintii waxa maskaxdiisa ka bixi wayday bila ay la socotaa qof kale amaba
aaanay adiga kugu qanacsanayn waxa uu fikiraba waxa uu habeenkaas
seexday isagoo aad modid inay ku tidhi kuma rabo amaba kula ma qaban
kaarayo jacaylkan.
Marayan waxa ay heshay fariintii uga timid Mustafe, garatay markay akhriday
cida uu yahay wiilka u soo qoray fariintan lakiin aanay u lahayn aqoon
durugsan wiilkan soo calmaday fikir dheer dabadii waxay nafteeda ku
qancisay inay message u qorto ay ugu jawaabayso ,
Walal waan ku salaamay waanan helay fariintaad ii soo dirtay u jedadeedina
waan fahamay, lakiin adoon walal wax kale u qadanayn aan ka soo fikiro
malinta arabacadana aan kuugu soo war celiyo ok bye. Mustafe wali waxa uu
la ildaran yahay jacayl ku kaliyaystay isagoo aad u fikirayay ayuu niyada iska
yidhi,
“Alla dhib badanaa marka uu jacaylku kugu kaliyaysto”.
Jacaylku waa wax jiray, jira, jiridonana ilaa inta ay aduunyadu ka
dhamaanayso, lakiin dadka ku kal duwan yihiin siyaabaha uu u galo iyo sida
loo wadaago, runtiina hadaan jacayl jirin aduunyaduba ma joogteen.
Goor ay fiid tahay ayuu Mustafe helay fariintii maryan akhriyay fahana waxa
ay uga jeedo kalmada waan ka soo fikirayaa ,markiiiba waxa uu is waydiyay
in ay Maryan cidkale xidhidh la leedahay jacaylki ula ildarnaana uu kusii
kaliyaystay waanu kaga sii daray inti hore waayo rajo ayuu qabay markii hore
ilaa imikana mid aan dheearayn ayuu qabaa balse waxa uu aad uga fikiray
kalmada waan ka soo fikiri doonaa ,habeenkiiyo dhan muu seexan ,warwarka
iyo walaaca iyo walbahaarka jacaylku baday ayuu la ildaran yahay wuxuu
habeenkiiyo dhan kolba dhinca isku rogo ayuu waagii u barayay isagoon wax
niyada u hayna ayuu iskuulkii tagay .
Cida aragataa waxay ka garaanaysay meel dheer inuu is badalay waayo fkirka
faraha badani dadka wax ayuu yeelaa jidh ahaan iyo maskax ahaan ba.
Wuxuu sidii uga fikiriba waxa uu naftiisa ku qanciyay in uu sugo waxa ay
Bari arbacada ula timaado.
Waxa la gaadhay malintii arbacada Mustafena wax jawaab ah wali ma
hayo,galabtii markii la gaadhay ayuu mobilekisii eegay lakiin wali wax fariin
ah ma hayo .waayaha aduunyadu farabadanaa imisaa will dhalinyaro ah jecel
gabadh gabadhuna will kale wiilkuna gabadh kale ,aduunyada dhamaanteed
ayaa ah iskadaba wareeg jacaylkuna waa shay ka qiimo iyo qaayoba badan in
lays khiyaameyo ama been laysku maweeliyo ,jacaylka runta ahna sida lagu
helaa way adagtahay waayo marwalba qof ayuu ku soo horeyaa lakiin kii la
jeclaaday sida lagu helo ayaa adkaata .
Mustafe wuu isbadalay misaankii dhamayska tirnaana wuu yaraaday waxa ka
soo dhadhacay fikirkii faraha badanaa iyo jacaylkii uu la daala dhacayay goor
ay fiid tahay ayay Maryanoo ilaa shalay ka warawasanayd waxay ugu jawaabi
lahayd soo qaaday telephone keedii waxayna u qortay fariin dreenka ay ka
qabo ugu gudbijnayso waxaanay ku bilawday ,
Walal Mustafe waan ku salaamay igana raali ahow hadaan kaala ragay
jawaabta lakiin waxan filayaa inaad ku qanci doontid, walal amaba gacaliye
silamida sida dareenka jacayl aad iigu qaaday ayaan ana kuugu qaaday
,runtiina aragtidaada wan ku qancay una bogay waxaanan ku han wayanahay.
Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)
Buuga: (Hadimo Jacayl)
