Hadimo Jacayl| Q-1aad Adegto

Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo

hadimooyinka ay dadka dibada ka yimadaa ku hayaan dhalinyarada is jecel ee

dalka iyo siday ugu nugul yihiin waalidku dadka dibada ka yimaada ee aan

loo tix galin jacaylka lamanaha ee wiilka iyo gabadha iyo guusha uu ku

danbeeyo jacaylka runta ahi.

Hadimo Jacayl

Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka waramaysa dhib, rafaad, iyo

hadimooyinka ay dadka dibada ka yimadaa ku hayaan dhalinyarada is jecel ee

dalka iyo siday ugu nugul yihiin waalidku dadka dibada ka yimaada ee aan

loo tix galin jacaylka lamanaha ee wiilka iyo gabadha iyo guusha uu ku

danbeeyo jacaylka runta ahi.

dharagtay roobkii guga, dadkuna wada quruxbadan yihiin aad modidna inay

jawiga wanagsan iyo dadku is heleen.

Waxa magaalada hargeisa ka can ah in ay galabtii dhalinyaradu u soo

dhadhacaan suuqa Mustafena waxa uu kala mid yahay dhalinyarada

magaalada ,uu soo kacay ,maydhay,labisna kiisii ugu qurxbadnaa soo xidhay

waxa uu soo dhaqaaqay goobtii uu ka raaci lahaa buska,goobta oo aad u dad

badan dadka xaafadaduna ay inta badan ka racaan baska,iyo basaska oo buuxa

ayaa u sahlay in dhalinyaro iyo wayeel ay isku soo gadhaan ,cabaar marki uu

soo socday waxa uu soo gadhay goobtii buska ,markii uu in door ah tagnaa

ayaa waxa uu isha la helay gabadh ILLAHAY qurux u dhameyay ,cadaaan

xigta ,dhubnayn aan burnayna,gabnayn aan dherayna,habka labiskana aad u

qurux badan yahay labis isku eeg oo basali iftimaya ah,wali kama uu jeedsan

Maryan,lakiin Maryan ayaa dareentay oo yara dhaqaaq joogsatay Mustafe

wali wuu ku maqan yahay oo waxa uu jecel yahay in ay is bartaan waayo waxa

uu ogyahay in aanay magaalada cidna iska garanayan oo uu dhawaan ka imid

magaalada burco ,waxay halkii buska in door ah tagnayeen jeclaana inuu barto

inanta lakiin uu ku dhiran wayay inuu lahadlo ayuu imid buskii oo aay

raacaday maryan kana buuxsamay mustafe dadka oo dumar u badnaa awgii

,Mustafe aad ayuu uga niyad jabay iyaka oon is baran inay halkaa ku kala

tagaan ,baskiii labad ayuu iska raacay isaga oo niyad jabsan hawshii suuqa

uu tagay oo ahayd inuu abtigii la kulmona soo dhamaysay ,isla markiiba wuu

isa soo rogay oo xafadii ayuu ku soo noqday ,ma uu baydhbaydhin ee waxa

uu toos u galay qolkiisii markii uu sariirtii ku jiibsadayna waxa maskaxdiisa

ka dhexguuxayay kuna sawirnaa gabadhii uu manta soo arkay ,Mustafe

daqiiqado yar ayuu isku badalay kun noqday qof jacayl la il daran ,dareenkiisii

iyo ruuxdisii oo dhanina raacaday maryan “Balan maaha jacaylku bandhig

laysugu baaqee waa ishaa biligtaada wax bogaaga ku beerma

Isagoo sidii ah ayuu waaagii u barayay.

Mustafe waxa uu dhigtaa iskulka faarax oomar markii uu u bohoolay jihadii

iskuulku ka xigay ayuu goobtii safka iskuulka lagu galayay ku arkay gabadhii

uu shalay arkay Mustafe arin ka ga sii daran intii hore oo waxa uu baahi wayn

u qabaa inuu helo cid uu lawadaago jacaylkan ku kaliyaysatay .. Markii uu

arkay iyana garatay inuu inankii shalay yahay indhahooduna si toos ah ayay

iskugu dhaceen.

Maryan waa fasalka kowaad ee dugsiga sare mustafena laba class ayuu ka

sareeyaa oo waa ka saddexaad.

Malintaas markiii uu galay fasalkii waxa uu bilaabamay warwar iyo fakir aad

u xeeldheer oo ku salaysan jacayl uu marayan u qaadayy cidna aanay u ogayn

waxa uu ku tirabayay erayo jacayl ah,

. Dumar ugu filrooneey,

.dayax Shan iyo tobanaay,

.dahab lagu masaalaay,

.dawadii naftaydaay darayeel naftan

.damqashada dhibaysana

.dareenkaga mooye mid kale maya

Malintaas oo dhan muu dhigan iskuul ee waxa dhamaan jidhkiisa iyo

maskaxdiisaba saaqay jacayl ku kaliyay satay, kuna hamiyay inay mar uun is

calman donaan.

Markiii uu xafadii tagay qadeyay ,ayaa hadana uu halkii ka bilaabay lakiin

imika waxa uu ku fikirayaa sidii uu ku heli lahaa maryan ama meel uu kala

xidhidho ,meel dheerna ka ma u donan ee waxa uu la xidhidhay inan ay saxiib

yiiin oo layidhaa Faysal oo ay iskulkana isku class yihiin xafadana wada

dagan yihiin,

Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)

Buuga: (Hadimo Jacayl)