Faaidooyinka ganacsiga uu uleeyahay bulashada

Ganacsiyadu door weyn ayey ku leeyihiin dhaqanka iyo bulshada guud
ahaan. Sidoo kale waxay gacan ka geystaan abuurista hal-abuurnimo iyo inay sameeyaan horumar farsamo oo muhiim ah.
Ganacsigu waxa uu ka qeyb qaata shaqo abuurka bulshada, iyado hadii ay
bulshadu ay leedahay goobo badan oo ganacsi ay katurjumayso in
bulshadaa ay shaqo abuur fiican leedahy badana waxa dhacda wadamada horumaray marka ay rabaan in ay yareeyan shaqo la aanta wadanka kajirta meelaha ugu waweyn ee il dhaqaale bulshada looga sameeyo waa ganacsi
Wadamada wali soo koraya gaar ahaan wadamada bariga Afrika dhibaatada ugu weyn dhalinyarda haysata waa shaqo la aan waxad arki ama aad maqli jaantus magaalo oo dhalinyarada shaqaysa ay aad u hooseyan hadaba hadii dhalinyarada lagu baarurijin lahaa lagana caawin lahaa sameynta ganacsi isbedel weyn oo lataaban karo aay ku imaan lahaa bulshadaas ganacsiga oo dardar la galiyaa wuxu kaalin weyn ka qaadanaya in xooga iyo maskada Is weheshaday ee dhalinyarada ay ka faaideystaan kuna
maareeyan noloshooda kana badbaadan aafoyin fara badan ee so wajihi laahaa sida tahriib,dhaca ama boobka,ama maandooriyaasha oo ay isku
maweeliyaan
Sida an ciwaanki hore ugaso hadalnay cashuurta waa isha ugu muhiimsan
ee dhaqaale ee dawlada ay ku tiirsan tahay hadaba bulshada samaysa ganacsi fiican waxa ay qeyb weyn ka qaadanayan geedi socodka dawlada, halkaa oo ay
dawladu ugu fulinayso arimo aad ugu muhiiim ah sida sugida amniga
amniga waxa suga ciida loo tababaray kuwaa oo mushaharkooda dowladu bixiso hadaba mushahaarkaas wuxu ka yimi cashuurta laga qaado bulshada
goobta kusugan hadii ay dhacdo in bulshadu ay ka gaabsato ganacsiga oo
aysan ilo dhaqaale xoogan ay lahayn waxa adkanaysa inay cashuur bixiyaan taana waxay sababysa in sugida amniga uu yaraado Waxa odhan karaa ganacsiga wuxu qeyb lixaad leh ka ciyaaray sugida amniga ee bulshada.


ilaahy sareeye weynaaye, aadamaha waxa uu ku abuuray baahiyo faro
badan kuwaa oo aan xad lahayn qofka intu noolyahay dunida kudul socdo uu rabo wana baahiyo isbadal yaal waxa kamida baahida cunada baahida dharka baahida dawo oo qofku hadii uu xanunsto ama jiro haleesho uu tabayo dawo tayo leh oo uu cudurkiisa kula tacaalo inuu helo
hadaba hadii bulshada ama qofku uu helo waxa uu ku daboolo baahiyaha in
uu helaayo xisilooni iyo dagnaansho waxa shaki kujirin in ganacsi uu qeyb
weyn kaqaato dabooolida baahiyaha bulshada si ay uu helaan
dagaananshiyo iyo xisilooni ganacsiga bulshada waxa uu gaarsiya heer qofku
maqsuud kunoqdo degaankiisa uu wakasta ka helaayo sidoo kale hadidiilo
galiso inuu isna dhinac ka bilowdo ganacsi uu naftiisa kudabaro.
Bulshada hadii aysan lahayn ganacsi badan waxa yaraanaysa
dagnaanshiyaha bulshadaas waxana dhacaysa in qofku uu degaano kale uu
safro markasta oo u rabo waxa degaankiisa kamaqan faaidooyin badan buu ganacsigu uu leyahay bulshada waxa kamida soo jiidashada shacabka raba
degaaan ay kunooladan, hadii magaalo ganacsi badan iyo mid ganacsigeedu yar yahay is barbar dhigto waxa badanaa dadku uu iishan ama ay jecel yihiin in ay degaan mid ganacsigeedu fiican yahay waay heerka kunoolaanshaheedu wuu wacan yahay bulshada ganacsiga xooga saarta oo
wakhti badana kuqaadata ganaciga mid wax iibinaya iyo mid wax laga
¡ibsanayo waxa ay ku foogan yihiin dantooda iyo horumarinta naftooda iyo
tan degaankooda hadii aysan bulshada helin ama lahayn ganacsi waxa imaanaysa ina ay ku mashquulan arimo kale dhibaato u keeni kara sida colaada dhaca iyo boobka iyo waxyaalo kale oo faaido ugu jirin sida
tarikhda ku suntan wakhtiyadili hore somaalida ganacsigu uu yara, o uusan
kajirin goobaha badankood waxa bulshadu ku mashquuli jirtay guluf iyo
colaad joogto ah dhac iyo boobka xoolaha nool waayo dadku ma aysan
lahayn mihnad ay ka shaqeeyan am il dhaqaale ay ka helaan, nafta ayaa u qurxisay in ay camal kadhigtaan dhaca iyo boobka hubaal hadii uu jiri lahaa

ganacsi waxa yaraan laha falaalkaa ay bulshadu samaanka kujirtay waxa ayna booski dhaca iyo boobka kubadali lahaayen shaqayso maal tabco waxa muugata in bulshada horumaray uu ganacsi gaadhsiiyey heerka ay joogan
oo ah bilic iyo soo jiidasho ka muuqata degaanadooda halka ayba dhacdo in
loo dalxiiso goobo ku waal deganadooda ganacsiga waxa uu bulshada uu
leyahay faidooyinka aynu soo sheegnay iyo kuwo kale aan halkaan laguso wada koobi Karin waxa muhim ah hadii lala rabo bulsho in ay horumarto waa in dardar xoogleh lagaliya kobcinta iyo bilaabida mashariic ganacsi.
Faaidooyinka ganacsiga uu uleeyahay qofka
Faaidoyinka uu ganacsigu qofka uu leeyahay waxa kamida in uu qofku
maareynta iyo dabarida axwashiisa xor uhaado waayo waxa ognahay qofka
hadii uu shaqaale yahay in uu ku tiirsan yahay mushahar ama mushqaayad uu qofka ama shirkada uu shaqeeyo siiso.
Hadii ay dhacdo in shaqadii uu katago waxa adkaan qofka in uu mareeyo
baahiyihiisa waxa ay ku khasbaysa in uu shaqo kale raadsado meertadaasna
uu qoku jiro isla markaa hadii qofku awood dareeyo da, a ama cudur soo foodsaray ay sababtay waxa ay nogon qofkii inuu il dhaqaale uu ka helo ay adkaato waayo shaqadii uu hayey waxa lagu badalaya qof kale kaas awood uu leh inuu guto hadaba si mashaqadaa uu u qofku ugasii tababushaysto
waxa wacan in uu ganacsi yeesho inta uu itaalka badan iyo maskada uu
uhayo kobciyo si uu hadhow ugu aayo sidoo kale qofka ganacsiga leh wuxu
xor u noqon maareynta wakhtigiisa iyo maalkiisa wayo qofka isaga ayaa
awood u leh in uu qoondeyo xiliga uu ganacsiga ka howl galaayo iyo xadiga
lacageed uu galinaayo isla markaana maamulka cida uu shaqalaysiinayo
isaga ayey ku xiran tahay.
Ganacsiga wuxu mulkiilihiisa uu yeela haybad iyo sharaf isago gofka
daremayo in kaalin muhim kudhex leeyahay bulshadiisa buuxinta baahiyaha
soo food saara bulshada u qeyb weyn ka qaadan karo sida bixinta cashuuraha,qaaranka lagu gargaarayo shacab degaanka inta tabalaysan ,bixinta sakada oo qeyb muhim ugu jarta bulshada muslimka iyado lagu

gargaaro dadka maskiinta hadaba ganacsigu wuu kor uqaada gofka meeganka uu ka joogo dadka uu la nool yahay.
Diinta islaamka waxyaabo waajib ku ah qof muslimka inuu sameeyo ay fartay baa jira kuwaaa oo qeyb kamida qofka haduu maal ama hanti leeyahy lagu xiray waxana kamida sida xajka,sakada,iyo sadaqa
iyadoo sadaqada
qof aan xadi lagu xirin ee intuu awoodo uu bixin karo hadaba hadii uu qofku
u sameeyo cibaadooyinka uu ujar iyo fadli dheerad ilaahy weyna o
wanaagsana uu balan qaaday marka ganaciga wuxu ku sahlaya in aad shaqaysatid xoolo xalaaala oo aad xajka ku aadid ,sako kabixisid iyo
sadaqada si aad EEBBE weyne ugu dhawaatid fadli iyo darajo sare aad heshid.

Buuga: Waa maxay ganacsi

Qoore: Farax Ahmed abdi