Gabaygii Amakaag

Waakan gabaygii Amakaag oo dhammaystirani:
In dhawayd alaalada murtida; Aadanoow31 dhigaye,
Egan iyo markay darab tahaan; marin aqaannaaye,
Markay oollin iyo raaq gashaan; aamus door bidaye,
Xalaybaan allaylkii la kacay; boqol ammuuroode,
Nin Iblaysku kala boobayoon; aarsan baan ahaye,
Waxaan ahay nin amakaagsan oon; cidiba eegayne,
Umal iyo xanuunbuu qalbigu; ii andoodyahaye!
Islaamkaba markii loo tashaday; idil ahaantoodba,
Ummaddayda goortuu kufrigu; aayar kala goostay,
Umul dooxu goortuu dhiciyo; waliba eedaadku,
Ingiriis markuu ciiddayada; deyr ku kala ooday,
Ehelkeenni goortuu ka dhigay; hilib ardaa yaalla,
Eelkuu ka tagay Reer Galbeed; waydin aragtaane,
Waa taa ilmaadeerradii; kala irdhoobeene,
Maantana ujeeddooyinbaa; loo ableeyahaye,
Aayaheenna iyo baaqigaa; loo onkodayaaye,
Waa abaabul kale oo la rabo; in aynu eednaaye,
Axankeenni bay karinayaan; idam Ilaahay’e,

Arligeenna dhacanbaan Cabdoow32; gocasho ooyaaye!
In Obama33 loo sacab tumaa; waa ibtilo weyne,
Soomaali waxay eeddaybaan; daba ordaynaaye,
Aqoonyahan haddii aad tihiin; waliba iimaan leh,
Abwaanniyo haddii aad tihiin; ubucda suugaanta,
Arday iyo haddii aad tihiin; ubaxii Soomaali,
Ugaasyiyo haddii aad tihiin; adhaxdii waayeelka,
Odayaal haddii aad tihiin; Eebbe garanaaya,
Umariyo haddii aad tihiin; duul arriminaaya,
Qodax aasan iyo baan arkaa; arami xoog weyne,
Istaqfurullah dhaha oo tashada; waa arradantiine,
Haddii kale inkaarbaa ku xigi; dhaaxa la arkaaye!
Asalkaba dadkaygoow haddaan; erey yar kuu sheego,
Haddii aan ujeeddada murtida; oogta ka caddeeyo,
Siyaasigan inkaaraha qabiyo; waliba aafaadka,
Siyaasigan Axmaarada wattee; gaalku ku adeegto,
Siyaasigan dalkii iibiyee; ubadkii caydheeyey,
Siyaasigan indhaha beelay iyo; waliba iimaanka,
Siyaasigan ujeeddada xun ee; kuu abtirinaaya,
Siyaasigan agoontiyo shacbiga; aanada u gaystay,
Siyaasigan Ilaahay nacee; Diintii ka abraaray,
Wallee guul ma urisaan intaa; daba ordaysaane,
Ayaamaha dambeeyiyo wakhtiga; waan oddorosaaye,
Waxa aniga igu eersataan; way la amakaage,
Dib u eega taariikhdu waa; lama ilaawaane.

Qoore: Nageeye Cali khalif