inay inoo bilaabanto nolol cusub oo ilaa heer mustaqbal ah kana dheer
maaweelo iyo wakhti lumis .
Aniguna waaxaan ku balan qaadaya in aan inta noloshayda ka hadhay aan
adiga nolosha kula qaybsado.
Jacaylku waa dareen xoogan oo qofka bini aadmig ah ka xoog wayn inuu kaan
taroolo, ama lado hurdo qofka uu jantay la, aantis ama uu farxo farxad niyada
qofka uu jantay la, aantis.
Waa dareen dhib badan oo qofka warwar iyo walaac faro badan ku abuura
kuna mutaysto dhibaato hadii uu waayo ruuxa uu jeclaaday kuna kalifaysa
xataa dhimasho iyo inuu iska naco aduunyada ,qofka uu jacaylka dhabta ahi
hayo uu ka sooma farxada ama cuntada kaliya waxa u muuqda waa ruuxa
uujantay ,farwal oo uu dhaqaajiyana waxa uga dhex muuqda ruxaas .
Mustafe wuxuu malintiiyo dhan sugaba goor ay fiid dandeed tahay ayuu halay
fariintii maryan ,garay ,dadag inta uu ula orday ayuuu qolkiii la tagay si aad u
taxadar badana u akhriyay,markii uu soo gaadhay walal amaba gacaliye ayay
neef badan ka soo booday isla makiiba waxa galay fifircooni aan wayadaa
lagu arag waxa uu imika u diyaar garoobay inuu la hadalo oo ay Telephone
ka shekaystaan madaama imika ay labadooduba raali isku yihiiin
habeenkaasna umay suuro galin inay wada hadlaan lakiin habeenkaas waxa
uu seexday Mustafe hurdo aanu waayowayo seexan farxad badanina ku
dhehan tahay aroortina waxa uu kacay isaga oo aan dhinacna isku rogin
habeenkaas .
Goor ay casar tahay ayuu telephonekii soo qaatay oo hawlihisii oo dhana uu
soo dhamaystay isaga oo aad uga warwar san waxa ay kuwad hadli donan iyo
sida ay u soo dhawayn doonto marayan ayuu qaday telkiii kadibna garaacay
nuberkii Maryan, una dhac qadar yar dabadii waxa ka qabatay Marayan
garatay inuu Mustafe yahay,
Hallo”
Ayay tidhi markaasu ugu jawaabay
Hallo” walal Maryan miyaa
Haa,
Ii waran walal xaladaada cafimaad iyo wayahagaba.
Aad baan u ficanahay macaan adiguna
Aad iyo aad alxamdulilaah
Markii ay intaas is waydarsadeen ayuu Mustafe hadalkii qaatay oo yidhi;
Maryan waad ka warhaysaa arinkayga runtiina waxaad tahay qof aan u bogay,
aadna waan kuu jecelahay taas oo ay tahay had iyo jeer naftayduna jeceshahay
in aad I dhinac joogtid runtiina Maryan isagoo cod hoose ku hadlaaya ayuu
yidhi
I love you Maryan
Maryan way yaabtay jacaylka intan gaadhsiisan ee mustafe ku kaliyaystay
mudada waxay ugu jawaabato ayay garan wayday iyadoo hadalki ku
dhagdhagaayo ayay tidhi,
Een…een… Mustafe sida aad iii jeceshahay iyo sii kasii wanagsan ayaan kuu
jecelahay
Markuuu intaas maqalay ayay neef uu hiin raagay ka soo booday isagoo
hadalkii sii watana waxa uu yidhi,
Macaan Maryaneey anigu waxaan doonayaa inaan kula samaysto nolol heer
mustaqbal ah markaa waxan kaa codsan laha haday jiraan wax anan ogayn in
aad imika ii sheegto inta ay goori goor tahay.
Maya gacaliye anigu cidkale oo ay wax naga dhexeyaan ma jirto aan adiga
ahayn waxanan kuu balan qadayaa inaan inta noloshayda ka hadhay aan
agtaada ku dhamasto.
waxa gashay yididiilo aad u xeeldheer oo jacayl dhab ah.
Markii ay intaas Maryan tidhi ayuu hadalkiii ku soo noqday,
Xabibi malaha inbadan ayaynu wada hadlaynay ee goorma ayaynu ka
dhiganaa balankeena kowaad
Maryan oo aad marakan moodid in ay jacaylkii u soo dadagtay ayaa qabatay
balankiii oo tidhi,
Macaan mustafow Bari shanta galabnimo maxaad ka qabtaa
Waxba ee halkee ayaynu iskugu nimaadnaa
Huteel barwaaqo qaybtiisa danbe ee beerta,
Wayahay gacaliso aad baan ku jecelahay
Waayahay gacaliye ana sidoo kale aad baan kuu jecelahay
Jawigu qurux badanaa roob ayaa qaaday in yar ka hore dadka badan kiisu
waxay u badan yihiin dad ku la bisan dhar wada qurux badan iyo cadceeda oo
faladho dhadheer oo casaan xiga bixinaysa qofka midabkiisana ka dhigaysa
mid aad u nuuraya huteelka ay ku balameena waa mid wada dhir akhtar ahi
ku taal mutulo lagu cunteyaana ka buxaan waxay Maryan oo aad moodid in
aanay waxba la hadhin sidii ay u raali galin lahayd jacaylkeeda ayaa soo
horeysay dharna kii ugu quruxda badnaa soo xidhatay cadarka ka soo
uraayana ud goonkiisa ay dadka ag marayaa oo dhan ayuu saaaqay
quruxdeedana malintaas qof arkay ayuun baa ka warami karaaya xiisaha ay u
hayso jacaylkeeda ayaa aad ugu dheer iyo waxay uga sheekayn doonto ayay
ka sii fikiraysaa iyadoo kolba isha ka khawisaysa saacada ayuu Mustafe ka
soo galay albaabka danbe ee huteelka markiiba indhahooda ayaa is qabtay intii
uu soo socday ayay niyada iska tidhi
Alla wiilku qurux badanaa
Mustafe malinkaas qofkii arkaa waxa uu modayay inuu caawa arooos yahay
dhisnida jidhkiisa iyo labiska oo is helay dartiis markii uu soo dul istaagay
Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)
Buuga: (Hadimo Jacayl)
