Wakhtigee ugu mudan cimriga qofka? Goormuu qofku ugu awood badan yahay jidh ahaan iyo
maskax ahaanba? Waa da’dee da’da sameyn karta
isbedel rasmiya? Da’dee baynu ku sheegi karnaa
da’da dahabiga ah? Goormaa la tabcada waxtarka
timaadada?
Da’da dhalinyarnimadu waa da’da ugu mudan
cimriga qofka, sababta oo ah waa cimri iyo da’a u
dhaxaysa laba liidasho. Dhalinyarnimadu waa
cimriga ugu qaalisan ee qof aadama ihi haysto, maxa
yeeley waa wakhti uu qofku sameyn karo isbedel
qofnimo iyo qaranimo. Sababta ay da’da
dhalinyarnimadu u noqotay cimri qaaliya waxa ay
tahay, iyada oo uu Eebbe (S.W) uu ina weydiin doona
maalinta qiyaame afar (4) su’aalood oonu qofna ka
hor dhaqaaqeyn ilaa uu ka jawaabo, haddaba cimriga
dhalinyarnimadu waa su’aal ka mid ah afartaa (4)
su’aalood ee la is weydiin doono maalinta qimaaye.
Awoodda rasmiga ah ee bulsho ay leedahay waa
awoodda dhalinyarteeda. Dhalinyaradu waxa ay
bedeli karaan geedi u socodka bulshadooda iyaga oo
u jihaynaya tubta hore-usocodka iyo horumarka.
Waxa ay had iyo jeer jaangooyaan jiho u socodka
bulshadooda. Waxa ay horseedaan badhaadhe
umadeed iyo barkhad bulsheed. Waxa ay horkacaan
isbedelo joogto ah oo la mahadiyo mustaqbalka.
Waxa ay leeyihiin awood ka badan ta ku jirta
dhalaanka iyo ciroolaba. Waa marka ay dhalinyaradu
tahay; kuwo han iyo himilo leh, dadaal iyo
daacadnimo leh, hal-adayg iyo howl-karnimo leh,
diin iyo deeqsinimo leh.
Awoodaha gaar ahaaneed ee dhalinyartu ku
naalooto kuna keento isbedel balaadhan oo
badhaadhe keena waxa ugu mudan;
- Waxa ay leeyihiin ku dhac.
Qofka dhalinyarada ahi waxa uu leeyahay awood
uu ugu dhaco wax kasta oo uu qaban karo. Tan
macnaheedu waxa ay tahay in ay dhalinyaradu
leeyihiin ku dhac iyo dhiiranaan shay kasta ah. - Waxa ay leeyihiin go’aan.
Inta badan dhalinyaradu waxa ay leeyihiin awood
go’aan qaadasho, walow ay dadka waaweyni la
wadaagaan awooda go’aan qaadasho haddana ta
dhalinyaradu wey ka awood badantahay kana
firfircoon tahay. Intaa waxa dheer in awoodooda
go’aan qaadasho ay tahay mid wax weyn ka
badali karta mustaqbalka umadooda. - Waxa ay leeyihiin maskax fayow oo
firfircoon.
Dhalinyartu waxa ay leeyihiin maskax ka madhan
mashquulka bulsheed ama qoysnimo sababta oo
ah ma hayo xilal bulsheed, iwm. - Waxa ay heystaan wakhti badan oo firaaqo
ah.
Dhalinyaradu inta badan iyagaa leh wakhtigooda
maxaa yeeley ma jiraan masuuliyado badan oo
korkiisa saran. Qofkuna haddii uu weynaado
waxa bata xidhiidhadiisa uu la leeyahay bulshada.
Ugu danbeyn, maadama oo aynnu soo aragnay in
wakhtigu yahay ma door soomo aan istaagayn gaar
ahaana uu ugu sii muhiimsan yahay wakhtiga
dhalinyarannimadu, waxa aynnu soo qaadan doona
sida ugu haboon ee wakhtiga loo maareeyo loogana
faa’idaysto. Haddaba talabooyinka la qaadayo marka
la rabo in la maareeyo wakhtiga waxa ka mid ah: - Alle ku xidhnow
- Dejiso hadaf aad rabto in aad xaqiijiso ama
meel aad rabto in aad gaadho - U kala horeysii arrimahaagu sida ay u kala
muhiimsan yihiin
[1:45 am, 01/04/2024] Zachary Abde: Kala horeysiinta howlaha aad rabto in aad
qabataa waxa loo kala saaraa afar waaxood oo
kala ah:
- Kuwo muhiim ah degdegna ah
- Kuwo muhiim ah balse aan degdeg ahayn
- Kuwo aan muhiim ahayn balse degdeg ah
- Kuwo aan muhiimna ahayn degdegna
ahayn - Samayso jadwal maalmeed, mid usbuuca oo
dhan ah, mid bille ah iyo mid sanadle ah. - Sameyso wakhti kama dambeys ah shaqo
kasta. - Mar kasta sido buug yarahaaga (note book).
- Howl kasta wakhtigeeda qabo, jooji dib u
dhigista. - Samee is qiimeyn joogto ah.
- Iska ilaali waxyaabaha wakhtiga dila.
- Qor caadooyinkaaga liita ee wakhtiga badan
kaa qaata ka dibna isku day in aad yareyso oo
ayna wakhti badan kaa qaadan.
Haddaba haddii aynnu qorshayno wakhtigeena
maxaa faa’iido aynnu helaynaa???????
Faa’idooyinka laga helo in uu qofku wakhtigiisa
maamulaa maaha mid hal iyo laba lagu soo koobi
karo, waxa ka mid ah:
[1:45 am, 01/04/2024] Zachary Abde: 1. Waxa aad mudo yar ku qaban kartaa howlo
badan oo muhim ah - Waxa aad helaysaa wakhti firaaqo ah
- Waxa aad si fudud u xaqiijin kartaa hankaaga
- Waxa aad noqonaysaa qof kalsooni leh
- Waxa badanaya wax soo-saarkaaga
- Waxa aad noqonaysaa qof ku xisaabtama
wakhtigiisa - Waxa aad noqonaysaa qof ay u cadahay
meesha uu rabo in uu gaadhaa.
Qoraa: Samatar saxardiid maxamuud (Ereysame)
