Ayay salaan aad iyo aad u kalgacal badan oo laba is jecel is waydarsadaan dhab
isku siyeen markiibana wada fadhisteen siday u shekaysanayeen waxaad
moodaysay qaar ilaa waligood is yaaqaanay lakiin waa kulankoodii kowaad
mustafe oo aftahanimada u dhashay ayaa sheekada furfurayay oo Maryan in
yar oo xishood ah ayaa ku jiray dadka ag Maryana waxay arkayeen oo kaliya
labada qof ee qoslaaya waxay sidii u shekaysataan ba waxay malinkaasi uu
ahaa malin ay beerta midhaha ku gurteen si ay ugala baxaan markay bisladaan
jacaylkunaa wanaagsanaa raaxo badanaa lagu dagi ogaa marka labada qof
raalida isku yihiin mustafe waxa uu dhibkii ka soo gadhay jacaylkii ku
kaliyaysaty ku ilaaway kulankan faraxadii iyo kal soonidi ay u muujisay
maryan
Maryan oo madaxa hoos u dhigaysa xishood jacayl dartiis ayaa heestan ku
heestay waliba ku luuqaynaysa,
“Galgacaylku waa qani caashaqa ka qaro wayn
Quruxiyo wanaag badan
Waana shay ku qaaliya qimaynta aadmiga
Labadaysla qaatan qalibigooda Kama ba’o”.
Bisaylka ay jacaylka u bisladeen ayaaa kulanka laga dhadhan sanayay
layskuna balan qaad in aan wad mooye wax kale kala kaxayn mustafe oo
gabogabadii kulankaas la hadalayay Maryan ayaa yidhi
Maryaneey noloshayda inta ka hadhay lagama yaabo in aan meel kale kaaga
baydho lakiin wax walba adigaaa ayaa iga samayasan karaya oo ishaad ii
mujisid ayaan kula nolaanayaa waligayna waan ku jeclaan doonaa
Hadalka Mustafe oo u badanaa afeef dhigasho iyo dardaaaran ayaay Maryan
oo taxadraysaa kaaga jawaabatay
Naftayda waxaad ku abuurtay dareen jacayl oo aanay waligeed arag
marwalbana xagaga ayan ahay kuna balan qadayaa runtiina waan ku
jecelahay
Goor ay tahay fiid cawl ayay kala tageen iyagooo gacmaha is haysta kalgacayl
badana isku muujinya.
Xiisuhu inta uu cusub yahay labada qof ee is jeceli waxa caado ah in ay soo
ban dhigaan dabeecado aad u wanaagsan iyo hab dhaqameed laysku raali
galinaayo Mustafe iyo Maryana kamay madhnayn habdhaqameedkaa
nololeed ee cadada u ah bani aadmiga.
Kulan koodaasna waxa uu samayn wayn ku yeeshay Marayn oo sheekadoodii
macaanayd iyo kaftanki Mustafe ilaawi wayday habeenkaas oo dhana
cajaladeeda xusuta ayay ku soo celceshaynaysay faraxdii kulankaas ka
dhacday marwalbana waxay ahayd mid ka fikirta oo jeclayd in ay is ag jogaan
daqiiqad walba.
Jacaylku waa dhibaato badan yahay marwalbana sida uu dadka ku galo lama
yaqaano oo waxa la arkaa uun isagoo qofku la iladaaran jacayl Maryana sidaas
ayay ahayd goorta uu Mustafe u soo bandhigay jacaylkisa iyo siday raalida
ugu noqotay ee ay jacayl ad u xoog wayn u qaaday may garanayn waxaanay
marwalaba ka caban jiratay kulan kooda oo yaraa awaadii Mustafe taasi
waxay ku noqotay laf dhuun gashay oo waxa uu ahaa mid marwalba isku daya
inuu raali galiyo gacalisadiisa waxaana la gadhay kulankoodi labaad waxay
ku balameen guri ay inan maryan asxaab dhaw yihiin oo hinda layidhaa dagan
tahay waxaanay kul meen habeenkaas iyagoo aad moodid in ay isku soo
halilayaan xiisaha jacaylka dartiis
Mustafe waxa uu garaacay gurigii waxaana si dagdag ah uga furtay Maryan
oo ka garatay shan qadh yaraan tiisa inuu isagii yahay markiibana salaan aad
u kalgacal badan ayay kula booday waxaanay soo dhawayn diiran kadib.
Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)
Buuga: (Hadimo Jacayl)
