In qofku yeesho go’aan adag.

ku timaada balse waa arrin loo galo dadaal iyo
fikir xeel dheer oo qaata wakhti badan. Haddaba
qaadashada go’aan fiicani waxa ay si fiican u
dhistaa kalsoonida nafta maxaa yeeley qofku
haddii uu go’aanadiisa ku meel maro haba-
yaraadaane wuxuu helayaa awood ku filan oo
kalsooni ah umana baahanayo cid ka caawisa
dhibaatooyinka is huwan ee noloshu soo
bandhigto.
Ugu danbeyn, waxa aan ku kalsoonahay qofka
raaca talaabooyinkan iyo kuwa la mid ah in uu si
fudud ku heli karo kalsoonida nafta. Ogowna waxna
dhib yaraan kuma yimaadaan. Sidaas darteed, u
dhabar adayg dhib kasta iyo cidhiidhi kasta oo kaa
soo wajaha helida waxa aad rabto ee ah kalsooni
buuxda in aad naftaada ku qabtid.

  1. Si aad kalsooni u heshid waa in aad raacdaa
    talaabooyinka sare.
  2. Isku day in aad saxdo aragtida aad ka haysato
    naftaada maada oo ay sar goynayso hadba sida
    uu fikirkaagu noqonayo.
  3. Ku dhiiro shaqo kasta oo aad qabanayso oo Alle
    talo saaro si ay kuugu noqoto mid midho dhal
    leh.
  4. Dulqaad u lahow wax kasta oo aad qabanayso
    maadama oo ay ka hor imanayaan caqabado
    badani.

Qoraa: Bashiir Cabdi xirsi ”Ciil_tire