Hadimo Jacay| Q-5aad Adegto

fadhisteen qolka fadhigaa oo habeenkaas u eeka inuu yahay qol loogu talo
galay laba is jecel waxa wada cas ee yaal awgii
Waxay habeenkiiyo dhan sheekaystaan waxa sharaab albaabka kala soo
gashay Hinda oo aad u xishoonaysa waxaanay ku bilowday
Salaamu calaykum walal
Wacalaykuma salaam
Maryan oo ka faaidaysanaysa salaanta wanaagsan ee Hinda ayaa tidhi
Wow! Salaam qurux badanidaa kaalay aan iskiin baro hadabee wiilkan kolay
warkiisa waad haysaaye
Hayga khajilsiin ee igaa daa Maryan
Wiilkan waxa layidhaa Mustafe wana kaanu nolosha waadigi doono hadii alle
isku kayo simo
Marki ay intaas tidhi Maryan ayay Hindi iska baxaday waxaana hadalkii la
wareegay mustafe oo yidhi; Inantii waad ka xishood sisay
Maya ee waan is kiin barayay oo kaliya macaaan
Wayahay inta uuu yidhi ayuu ku yidhi;
Hadaaan caawa ku yidhaa ii cadee inaad I jeceshahay maxaad iigu cadayn
lahayd
Inta ay cabaar fikirtay ayay ku tidhi;
Indha isku qabo anaa kuu cadaynaaya jacaylku halka uu iga gaadhsisan
yahaye
Mustafena isku qabtay ayay
Dhunkasho aad u naxariis badan ka dhunkatay labada dhaban iyo sujuuda
marakasay ku tidhi kala fur indhaha hadaba si aad iigu sheegtid intaa aan ku
jecelahay ileen adaa cabirayaye inta uu aad eegay indha Maryan ayuu heestan
isagoo ku lu qaynaya ku yidhi;

Damiir hal adeegnimiyo
quruxda lagu daahayee
darandar indhii arkaan
marnaba daymada kadaaline
timaha kala degay dusheediyo oo
ilkaha dabarkaley dilee
waxaan dumar daydayoon
mid iidana raadiyaba
hadaan taan doonayee illaahay
kaducaysan jiray
anagu dejiyeyshelnee
rabbow isu kaaya daaa
dadnimo dhaqankeeda iyo
quruxda lagu deyrayee
dadkaba ruuxaysbartaan
kolnaba diiqad aanan gelininee
degeni socodkeeda iyooooo oooooooo
dibnaha madowgaleey dileeeee
waxaan dumar daydayoon
mid iidana raadiyaba
hadaan taan doonayee ilaahay.

kaducaysan jiray
anagu dejiyeyshelnee
rabbow isu kaaya daaaa
Jacaylkaagu waxa uu ila mid yahay si aanan qiyaasi karayn hadaan ku idhaa
waxanku qiyaaso ma garanayo maad ila yaabi macaan runtiina waxan ahay
mid daradaa la il daran jacayl aan jacelaahay inuu midha dhalo
Xiisaha jacaylka ee dhex maray kadib waxa ay dib u bilawdeen sheeko aad
iyo aad u xiiso badan, xiisaha jacaylku ayaa laga dheehan karayay
labadoodaba habeenkaas marwalbana waxa ahayeen qaar isku niyad san oo
aan hadalka lakala khajilayn dareenkooduna uu isku mid ahaa raalina kuwad
ah in ay nolosha wadagaan ilaa ay ka gaadhsinayaan heer mustaqbal oo
intifaac leh iyo nolol wanagsan leh
Kulankan oo jawi Dagan ugu dhamaday oo aad iyo aad u heer sareeya kan
xiisoo iyo xamaasadd badnaa kuwoodi hore waxay sidii ahaataba waxa
Maryan iy Mustafe jacaylkoodi ogaaday dhamaan dadki xaafada iyo
dhalinyaradiiiba waxaanay noqden dad lagu sheekaysto marwalaba oo la soo
hadal qado midkood waxay sidaa ahdaana waxa ogaaday akhirkii xaafada
Maryan oo ah dad lacag lay ah kana xumaa in inantooda lagu arko inan yar oo
aan waxba haysan si ay taas uga hortagaana waxay Maryan u sameyeen
wakhti cayiman oo aanay dhinacna u dhaafi Karin lakiiin laba is jecel isku
raali ah dadkoo dhana iska xushay ma wayaan si ay ku kulmaan waxay kulmi
jireen malin walba marka nusasacaha iskuulka la gaadho jacaylkooduna waxa
uu ahaa mid sii xogaysta ee aan waxba u noqon turturo walba oo loo dhigo
kuna qanac sanayeen in ay dhib iyo dheefba wadagaan ilaa inta ay ka midho
dhalinayaan Maryana waxay ahayd mid marwalba telephonka kala soo

Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)

Buuga: (Hadimo Jacayl)