Dhulka, marka cilmiga dhaqaalaha la joogo, waxa lagu qeexaa dhammaan keysada
dabiiciga ah ee waddanku leeyahay ee dhulka caadiga ahina ku jiro. Dhulka, haddii si
heersare ah looga faa’ideysto, waxa hubaal ah in la xaqiijin doono koboc dhaqaale oo aad
u sarreeya sababta oo ah ka faa’idaysiga dhulka iyo dhammaan khayraadka dabiiciga ah
ee ku jira waxa ka dhalanaya inay balaadhato baaxadda waxsoosaar ee dalku (Production
capacity).
Tusaale ahaan, waddanka Sacuudigu wuxuu kamid yahay waddamada shidaalka qanniga
ku ah. Haddii aanu Sacuudigu shidaalka dhulkiisa ku jira la soo bixi lahayn, waxa la
qiyaasi karaa inuu maanta kamid noqon lahaa dalalka adduunka ugu saboolsan. Haddii la
doonayo in koboc dhaqaale oo fiican la gaadho, nolosha muwaadiniinta dal gaar ah ku
noolna la tayeeyo, waa in sida ugu macquulsan looga faa’idaystaa dhulka iyo khayraadka
tirada badan ee ku duugan. Waxase baraarujin mudan, inaan keysada abuurta ah, sida
shidaalka iyo xoolaha nool, la isku hallayn balse la xoojiyo oo la kobicyo ilaha
dhaqaaleed ee beddelka u noqon kara keysada dabiiciga ah sida warshadaha. Dhibaatada
ugu weyn ee iminka waddamada Khaliijka ku soo fool leh waa in shidaalkii
dhaqaalahoodu ku tiirsanaa gabaabsi ku dhow yahay muddo aan sidaa u sii fogeynna
gudhi doono. Marka waxa haatan waddamadaa la gudboon inay ka fekeraan wixii
shidaalka dhaqaalahooda laf dhabarta u ah beddelka u noqon lahaa ee aanay sugin inta
nimcadan ay sida fudud ku heleen ka dhammaanayso.
Keysada Ilaah-sameeyga ah sida shidaalka, saliidda iyo macdanta kala duwan waxaan
qabaa inay tahay deeq iyo haddiyad Eebbe ugu talagalay bini’aadanka uu u xil saaray
inay khaliifo iyo danjirayaal ka noqdaan arlada. Deeqdaas Eebbe dadka badda iyo berriga
u geliyey, dadka qaarkood way garteen ka bacdina way ka faa’idaysteen. Kuwo kalena
iyada oo haddiyaddii Ilaahay ku hareeraysan tahay ayay haddana gaajo u dhimanayaan!
Sidaasi darteed, shakhsi ahaan, labadaa qolo waa ay ii kala duwan yihiin oo kuwo
haddiyaddii Eebbe intay garteen ayay sidii ay ahayd uga faa’idaysteen, nolol tayo lehna
abuurteen. Kuwa kalena, aqoon darro iyo doqoniimo waxay ka tahayba, haddiyaddii
Eebbe u fidiyey waa ay ka sooman yihiin, weliba soon bilaa ajar ah haddaanu danbiba
noqon! Soomaaliduna, nasiib darro, waxay ku jiraan liiska kooxda danbe!
Soomaalidu waa dad tiro ahaan yar balse deggan dhul baaxad weyn oo aad u balaadhan.
Badda Qaaradda madoow ee Afrika ugu dheerna waxa nasiib u helay oo ay ku
dherarantahay dhulka Soomaalidu degto. Kol kalena, dhulka iyo badda Soomaaliyeed
waxa buux dhaafiyey khayraad aad u tiro badan oo aan qiyaas lahayn. Sidaasi oo ay
tahay, dadka Soomaalidu waa ka af-xidhan yihiin khayraadka dhulkooda iyo baddoodaba
ceegaaga. Warkoo kooban, Soomaalidu waa dad sabool ah balse dhulkoodu qani yahay.
Si kale haddii loo dhahona, Soomaalidu waa dad dhulkoodu wada qaniimad yahay balse
iyagu ka qatan.
Nimcadii Eebbe geliyey dhulka Soomaalida, markii ay iyagu iska diideen inay la soo
baxaan, ayaa shisheeyihii u soo qalab qaatay. Maraakiib shisheeye oo waaweyn ayaa
baddii Soomaaliyeed maalin cad galay, wixii kalluun ahaa ee ku jireyna boobay!
Ogobeey haddiiba ay boobka keysada badda ku jirta qudhiyaata ku koobnaan lahaayeen
wayba roonaan lahayde, waddamada qaar ayaa baddii Soomaaliyeed ka dhigay meel
sunta Nukliyeerka lagu daadiyo! Baddii Soomaaliyeed ee dadkeedu dayacay, ugu
danbayntii waxay isku beddeshey goob si badheedh ah waxa khayraad ku jira loo boobo,
kuddaafad qashinka iyo sunta lagu daadiyo iyo qayb sheekadii caanka ahayd ee “Ku
qabso ku qadi mayside” waddamada qaarkood ku tijaabiyaan (Sida Kiiniya oo iminka
qayb kamid ah badda Soomaaliya sheegatay). Sidaas oo ay tahayna, weli keysadii ku
jirtey fari kama qodna.
2) Shaqaalaha (Labour)
Mar kasta oo dadka shaqeeya ee waddanka la kordhiyo, shaqooyin badanna la abuuro,
waxa siyaadaya waxsoosaarka guud ee dalka, siyaadadaas ayaa dabadeed horseedaysa in
koboc dhaqaale la gaadho. Dadku waa hantida ugu qaalisan ee waddan haysto.
Waddankuna dhaqaale ahaan wuu horumari karaa haddii aanu lahayn khayraad dabiici ah
sida waddamada Japan iyo Singapore, laakiin waa habeenkii xalay ahaa oo tegey inuu
horumar iyo koboc dhaqaale sameeyo haddii aanu haysan dad saaxiib u ah awood
maskaxeed iyo mid jidheed oo wax soo saari karta. Waxa kale oo xusid mudan, shaqo
la’aantu waa dhibaatada ugu weyn ee carqaladaysa habsami u socodka koboc-dhaqaaleed
ee dalalka. Jeer kalena, shaqo la’aantu waa aafo qaran oo aabbo u ah cudurro badan oo
koboca dhaqaalaha waddamada curyaamiya.
Mar haddiiba tirada xoogga shaqaaluhu muhiim u tahay koboca dhaqaalaha, waxa jira
dhowr dariiq oo lagu kordhin karo shaqaalaha dalka:-
- Isbeddelka la soo dersa shaqaalaha dalka: Haddii dad badan oo dhallinyar ahi ku
soo biiraan shaqaalaha dalka, waxa imanaysa in xooggii shaqaalaha (workforce)
dalku uu siyaado. Badi waddamada reer galbeedka ee dhaqaale ahaan horumaray,
tirada dadkooda korodh badani kuma yimaaddo. Sidaasi sababteed, waddamadaas - waxa marba marka ka danbaysa isasii dhimaya dadka dhallinyarta ah ee
- shaqaalaha dalalkaas ku soo biiraya, maxaa yeelay waxa hoos u dhac weyni ku
- yimi tarankii dadka reer galbeedka laga soo bilaabo sannadkii 1960-kii.
- Korodh ku yimaadda haweenka shaqaalaha dalka qaybta ka ah: Ragga ku dhaqan
badanka waddamada adduunka ee fursadaha shaqo ka jiraan, waa kuwo shaqeeya,
balse tirada haweenka ee qaybta ka ah shaqaalaha dalalkaas waa mid aan badnayn.
Haddii ay kordhaan tirada haweenka shaqeeya ee dal gaar ah, waxa dhici doonta in
tirada dadka shaqeeya ee dalkaasi ay badato. - Soodoolnimo (Immigration): Dariiqo fudud oo uu waddanku ku kordhin karo
shaqaalihiisa ayaa ha inuu dad awood u leh inay xoogsadaan waddamada kale ka
soo dhoofsado. Xeeladani waa mid ay waddamo badan oo reer galbeed ahi in
muddo ah ku soo caano maaleen. Kaadhka cagaaran ee waddanka maraykanku
siiyo dadka uu ka soo dhoofsado waddamada adduunka isaga ayay faa’ido weyni
ugu jirtaa ee ujeeddadu maaha inuu dadkaa u danaynayo!
Maadaama dadku yihiin hantida ugu qiimiga badan ee aan la’aanteed koboc dhaqaale
sinnaba loo suubbin karin, dawladdu waa inay maalgashataa muwaadiniinteeda; iyada oo
u suurtagelinaysa helidda waxbarasho tayadeedu sarrayso, tababbaro xirfaddooda lagu
kobcinayo iyo daryeel caafimaad oo heersare ah. Amminta ay dawladdu dadkeeda wax
gashato oo aqoon ahaan iyo tababbar ahaanba dhisto, awooddooda maskaxeedna
(intellectual ability) sare u qaaddo, ayaa la filan karaa koboc dhaqaale oo degdeg ah,
maxaa yeelay waxbarashada iyo tababbarada xirfadeed waxay sare u qaadaan tacab-
dhalka qofka (individual productivity), waxayna muwaadiniinta u fududeeyaan inay wax
hal-abuuraan, daah-furyo kala geddisanna la yimaaddaan.
Tusaale ahaan, waxaad ka soo qaaddaa, inaad ka shaqayso shirkad qoraalka iyo
daabacaadda buugaagta ku shuqul leh. Adigu waxaad ka hawl gashaa qaybta
kaambayuutarka oo waxaad maalin kasta siddeeddii saacba qortaa ku dhawaad 15 bog.
Kolka aad wax qorayso, xawaaraha qoraalkaaga kiiboodhku waa uu hooseeyaa, labada
murdiso ayaadna badanka wax ku garaacdaa! Dabadeed waxaad ka soo qaaddaa in
maalintii danbe qoladii aad u shaqaynaysey kambayuutarka kuugu shubeen barnaamijka
la yidhaahdo “Mavis Beacon” ee dadka lagu baro sidii ay xawaarahooda adeegsiga
kiiboodhka u kordhin lahaayeen. Muddo kolkii aad ku tababbarayneysey qoraalka
degdegga ah, isla markaana lagu baray qaabka tobanka faroodba loo adeegsado, ayaad
maalintii danbe muddo siddeed saacadood gudahood ah 300 oo bog kaga faraxalatay.
Isbeddelka ku yimi inta bog ee aad maalintii qori jirtey kolka aynu fasirayno waxaynu
odhanaynaa “Tacab-dhalkaagii ayaa batay”. Sababta ugu weyn ee ka danbeysey in tacab-
dhalkaagu uu kordhona waa tababbarkii aad ka heshay barnaamijka “Mavis Beacon” ee
shirkaddu kugu caawisay. Sidaas si lamid ah ayay waxbarashada iyo daryeelka
caafimaadku u saameeyaan tacab-dhalka qofka. Qof caafimaad qaba iyo qof
xanuunsanaya oo tabcaan ahi marnaba isku tacab-dhal ma nonayaan. Qof aqoonta uu u
leeyahay waxa uu ka shaqaynayo kooban tahay iyo mid aqoontiisa ku aaddan shaqada uu
hayo ay sarrayso; iyana waa habeenkii xalay ahaa ee tegey inay isku tacab-dhal noqdaan!
3) Horumarka Tiknaloojiyadeed
Horumarka Tiknaloojiyaddu wuxuu kamid yahay waxyaabaha saamaynta ugu mugga
weyn ku leh koboca dhaqaalaha. Laba siyaaloodba horumarka tiknaloojiyaddu wuu u
kordhiyaa kobaca dhaqaalaha ee waddamada:
- Tiknaloojiyaddu waxay hoos u dhigtaa kharashka waxsoosaarka badeecadda.
- Tiknaloojiyaddu waxay fure u tahay soosaarka badeecad cusub. Haddii aan
badeecad cusub la sancayn, waxay u dhowdahay inaan dadku dheeriga
dakhligooda ku isticmaalin iibsashada badeecadaha suuqa yaalla. Haddii ay taasi
dhacdo oo ay dadku dakhligooda wax ku gadan waayaanna, koboc dhaqaale oo la
taaban karo ma jiri doono.
Sidaasi aawadeed, waa in ummad kasta oo doonaysa inay ku talaabsato horumar iyo
koboc dhaqaale oo laxaad leh xoogga saartaa sidii ay tiknaloojiyadda u horumarin
lahayd. Haddii aanay awooddaa lahayna, adduunka kale uga soo dhoofsan lahayd.
Cilmibaadhistu waa sida qudhiya ee dalku horumarka tiknaloojiyadeed ku gaadhi karo.
Marka waa in kharash badan lagu bixiyaa sidii cilmibaadhista loo dhiirrigelin lahaa,
waana in jaamacaduhuna yeeshaan xarumo cilmibaadhis oo si heersarre ah u hawl gala.
4) Maalgashiga Gumarada (Capital Investment)
Maalgashiga lagu sameeyo badeecadda gumarada (Capital goods) sida makiinadaha,
kambayuutarada, gawaaadhida iyo dhammaan qalabka loo isticmaalo soosaarka badeecad
kale waxa uu horseedaa in dhaqaaluhu si xawli ah u kobco. Warshadaha iyaga oo
adeegsanaya qalab kala geddisan oo soo saara badeecad kala duwan iyo kuwa adeegyada
kala caynka ah bixiya ayaa tusaale fiican u ah maalgashiga gumarada ee aynu ka hadlayo.
Waxase xusid mudan inaan maalgashi kasta oo la sameeyo sabab u noqon koboc
dhaqaale. Tusaale ahaan, maalgashiga lagu sameeyo guryaha cusub iyo cisbitaalladu
mustaqbalka faa’ido lacageed oo badan ma soo celiyaan. Sidaa si lamid ahna,
maalgashiga lagu sameeyo warshadaha ku guuldaraysta iib-geynta waxsoosaarkooda
khasaare moojaaane wax faa’ido ah kama soo xereeto. Marka waa in maalgashiga lala
beegsadaa meelaha tacab-dhalkooda iyo faa’idada laga heleyaaba sarrayso. Qalabka loo
adeegsado waxsoosaarka oo tusaale u ah gumarada, haddii la horumariyo waxaa
kordhaya tacab-dhalka shaqaalaha adeegsanayey markii hore. Tusaalihii aynu hore u soo
qaadanay ee ku saabsanaa adiga iyo kambayuutarka aynu mar kale adeegsano si aynu
iskula fahanno masaladan. Waxaad ka soo qaaddaa in adiga oo kambayuutarkaagii
(gumaradaadii) hore isticmaalaya, isla markaana maalintiiba qora 300 bog,
kambayuutarro cusub oo casri ah soo baxeen (Mahadi ha u sugnaato horumarka
tiknaloojiyadeed ee la gaadhay eh). Waxaad ka soo qaaddaa in kambayuutarradan cusubi
yihiin kuwo marka qoraalka loo yeedhiyo iyagu si iskood ah (automatic) u qora (Waloow
aanan jiritaankooda hubin)! Dabadeed shirkaddii aad u shaqaynaysey ayaa
kambayuutarradaa casriga ah soo iibsatey, adigana mid kamid ah ayaa laguu keenay,
qarafaadhuggaagii horena waa lagaa tuuray. Dabadeed aroortii danbe ayaad shaqada soo
gashay. Qoraalkii aad qori lahayd baad kambayuutarka u yeedhisey, saa degdeg buuba u
qorayaa. Adiguna isma aadanba dhibin ee yeedhiskii baad dabada u qabatay, saa
muddadii aad shaqayn jirtey ee siddeedda saac ahayd ayuu ku khatimay 800 oo bog halkii
aad adigu hore 300 oo bog diiq ku qori jirtey!
Maadaama oo ay kaabayaasha dhaqaaluhu yihiin furaha koboca dhaqaalaha, la’aanta
kaabayaal dhaqaale oo tayadoodu sarraysona ay caqabad hor leh ku noqon karto dardarka
koboca dhaqaalaha ee dalka iyo in maalgashiyo ganacsi waddanka laga sameeyo;
dawladdu waa inay maalgelisaa mashaariicda lagu dhisayo laguna tayeynayo
kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, biyaha, is-gaadhsiinta, laydhka, dekedaha,
garoomada, diyaaradaha … iwm.
Marka kaabayaasha dhaqaalaha ee tabcaanka ah laga hadlayona, malaha waddankeenna
ayaaba tusaale innoogu filan. Biyo la’aanta baahsan ee Hargeysa ka jirta, laydhka
adduunkaba ugu qaalisan ee dalkeenna loogu yimaaddo iyo waddooyinka khalaaska ah,
meelaha qaarna aanayba lahayn, waxay muujinayaan sida dawladdu u hagratay
maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha, taasina waxay caqabad ku noqonaysaa in lagu
dhaco maalgashiga dalkeenna maxaa yeelay kharashka waxsoosaarka (Cost of
production) ee laydhka qaaliga ah, biyo la’aanta iyo waddo la’aantu keensanayaan ayaa
cirka isku shareeraya, dabadeed taasi waxay keenaysaa inaan badeecadda waddanka
gudihiisa lagu sanceeyo cidna iibsan mar haddiiba qiimaheedu sarreeyo.
Sidaynu hore u soo tibaaxney, dawladdu waa inay kordhisaa maalgashiga waxbarashada
iyo tababbarada xirfadeed ee kala duwan. Marka ay dawladdu kaabayaasha dhaqaalaha
tayayso, waxbarashada iyo tababbarada xirfadeedna saami fiican miisaaniyadda dalka
uga qoondeyso, ayaa la filan karaa in muwaadiniinta iyo ajaanibtuba mashruucyo
maalgashi oo kala duwan waddanka ka sameeyaan. Markaas ayaynu dabadeed odhan
karnaa maalgashigu waa uu dheelitiran yahay (Balanced investment).
Ugu danbaynta, haddii uu dalku doonayo inuu dhaqaalihiisa sare u qaado, waa inuu
abuuraa jawi maalgashi, ganacsatada dalkaas u dhalatay iyo ajaanibtana si toos ah iyo si
dadbanba ugu dhiirrigeliyaa inay maalgashiyo kala duwan ka sameeyaan waddanka.
W/Q: Ilyaas Maxamed Xuseen
