Halxidhaaluhu wuxuu ka mid yahay noocyada gabayga ama geeraarka kuwa loogu jecelyahay wuxuuna inta badan xambaarsan yahay garasho shishe oo maldahan oo ay Soomaalidu caan ku ahaan jirtay. Halxidhaaluhu waa nooca oogu adag ee maanso lagu qotomiyo maxaa yeelay in abwaanku gabay ama geeraar qaafiyad leh uu dhiso waxaa u dheer inuu wax xujeeyo oo ama dhaqanka miyiga, diinta, xidigiska, iwm wax ku xujeeyo ama uu mid isaga lagu xujeeyey furo. Waxaa dhici karta in abaanku bad yahay oo gabay noocaad doonto kuu marin karo laakiinse haddii uu halxidhaale loo soo faray furi waayo ma gabyi karo oo wax kale iskama sheegi karo.
Halxidhaalaha caanka ah ee maansalaydu wada taqaan waxaa ka mid ah kii Faarax Caytame kusoo gunaanaday silsiladdii Haameey/Halac Dheere ee ugu dambeeyey gabaygiisii Af-Gudhiye la baxay iyo kii dhex maray Sayid Maxamed iyo Gooni Yare. Waxaa haddaba jira kuwa kale oo badan oo sababo jira awgood aan aad loo maqal. Waxaa ka mid ah kuwa Raage Ugaas ka sugnaaday iyo midkan dhexmaray Cali Oday iyo Weerar Bulxan. Weerar baa ku horeeyey oo Cali xujeeyey oo wuxuu yidhi:
| Wuxuu yidhi Weerar: Caliyow biyo oomanSidee loo balxiyaa? Baqbeenadoo dacarootaySidee looga baxshaa? Buur weyn oo macaluushayMa la baanan karaa? Laas bilaale ku yaalooBoqol maaxda ku deeqooBidhe hoorsi galayninooBatow loogu arooroAdaa beyd gabay sheegteeCalow baabka ka dhawr? Cali Oday ayaa wada furay oo yidhi: Laas bilaale ku yaalooBoqol maaxda ku deeqooBidhe hoorsi galayninooBatow loogu arooroBucdibaa la yidhaahdaayooLaba bawdo dhexdood buuKa bariisanayaa Buur weyn oo macaluushayKol hadduu boqor eexdoWaa buurtaa macaluushooLama baanan karaayo Basaridii habartaaRiyahay barqinaysayeeKa biirsatay qaabkaMarkii waagu baryoBukurteey lulanaysayeeKarbaashkaw barkinaysayBurcad bay ka samaysooBaqbeenadaa dacarootaySidaasaa looga baxshaa Bawda weyne barbaariyoBeydalkii gabadheedooIsla baaluqa gaadhayBawrigii mehershoo??Ee barada laysugu keenoBasar bay ku kacdaayooWeerarow biyo oomanSaasaa loo balxiyaa Weerar baa ku noqday oo wuxuu yidhi: Ri dhashoo waxarteediiReer dhan caano ku deeqdayBal risaalo ku doon? Inta raad iyo ruux lehLababa waysku rafiiqeeRaha kay aano yihiin? Ra’sigaa wax lagooyooAdduunkiina rudhaayaBal Calow run ka sheeg? | Cali Oday baa wada furay oo wuxuu yidhi: Haddii aan run ka sheegoAsaad been ka rogaashoWalaalkaygii rummaadowRabbi baa lagu raacshay Ri dhashoo waxarteediiReer dhan caano ku deeqdayXilli roob aad sugaysaadFiri meel ku riddaayooRaxmaddii ku heshaayoowHabaynay ku raddaayooBiqley soo rogataayooLaamaay raaricisaayooDheelidday ruxruxdaayooSabuul gees ka ridaayooHadhaw baa la riftaayooMooyahaa lagu riiqiyooDharigay ku ritaanooInta raad iyo ruux lehbaRisiq wuu u noqdaa Raadkaa raadka ka weynooRuuxaa ruuxa ka dheer eeRuqufraaquf dhaaqaaqiyoReeryo qaad xumadiisiyoMiskihiisa radoobanRashka gaaban dhurwaagayRaha aano yihiinooWaysku reer Dhicisow Ra’sigaa wax la gooyeyAdduunkiina rudhaayaCadkii Eebe rid’eeyeeRagga meel kaga yaaleeRundudaan u aqaanaa Weerar baa ku noqday:Caliyoow soddan reerooSac adduunyo ka soofinOo subagii wadi weydaySifadooda bal sheeg?Cali baa furay oo yidhi:Weerarow soddan reeroonSac adduunyo ka soofinOo subagii sidi weydaySafarbaa la yidhaaSaa hadday noqon waydanaSinsin baa la yidhaaSaa hadday noqon weydanaSafsadaa la yidhaaNasiib xumo halkaa ayey cajaladiisheekadu ku duubnayd kudhammaatay. Soo raadihal-xidhaalahaa badan ee qaaligaah oo wixii aad ka hesho nala soo socodsii liibaane. |
Xigaasho: Doolo.com
