Kulankan oo jawi Dagan ugu dhamaday oo aad iyo aad u heer sareeya kan
xiisoo iyo xamaasadd badnaa kuwoodi hore waxay sidii ahaataba waxa
Maryan iy Mustafe jacaylkoodi ogaaday dhamaan dadki xaafada iyo
dhalinyaradiiiba waxaanay noqden dad lagu sheekaysto marwalaba oo la soo
hadal qado midkood waxay sidaa ahdaana waxa ogaaday akhirkii xaafada
Maryan oo ah dad lacag lay ah kana xumaa in inantooda lagu arko inan yar oo
aan waxba haysan si ay taas uga hortagaana waxay Maryan u sameyeen
wakhti cayiman oo aanay dhinacna u dhaafi Karin lakiiin laba is jecel isku
raali ah dadkoo dhana iska xushay ma wayaan si ay ku kulmaan waxay kulmi
jireen malin walba marka nusasacaha iskuulka la gaadho jacaylkooduna waxa
uu ahaa mid sii xogaysta ee aan waxba u noqon turturo walba oo loo dhigo
kuna qanac sanayeen in ay dhib iyo dheefba wadagaan ilaa inta ay ka midho
dhalinayaan Maryana waxay ahayd mid marwalba telephonka kala soohadasha Mustafe iyadoo ka cabanaysa sida loogu didaayo inay guriga ka soo
baxdo waxaanay marwalba ku oo dhan jirtay
“Marwalaba ka fikirkaaga ayaan la ildaranahay iyo sidaan kula kulmaayo
waxaan jecelahay in aan kula kulmo malin walba iyo xili walba macaan”
Waxay saamyan wayn ku yealaatay hadalkaasi dabecadihii Mustafe iyo
dhaqankiisii iyo fikirkiisiiba waayo waxa la qayb satay maryan su’aalaha
marwalaban maskaxdiisa ka dhex guuxayay waxay ahayeen qaar ku salaysan
mustaqbalaka iyo nolosha ay wadaagi donan Maryan waxaanu ku tirabi jiray
heeso jacayl ah
“Gabadh yahay kalgacalbaad
goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa
waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe
halka aad i gaadhsiin”
Arin wuxuu sidii ahadaba waxaa lagaadhay fasaxi iskuulka Mustafena waxa
uu u sheegay Maryan inuu doonayo inuu booqdo xafadodii kana soo war helo
markii uu intas maryan telephone uga sheegay ayay ku balameen inay caawa
is arkaan si ay isku sii maca salameyaan goor ay tahay 9 habeenimo ayay ku
kulmeen meel aan sidaa uga durug sanayan guriga Maryanyo waxaanay
fadhisteen meel aan laga arki karayn waxaana u bilaabantay sheeko ku
salaysan jacayl ay doonayaaan inay ka midho dhaliyaan iyo dardaran mid
walbaa kan kale la si dardaarmayo inta lakala maqan yahay afka Maryana
waxa ka soo baxayay habeenkaas erayo jacayl oo aad u xiiso badan ku
jecliyaa dadkana kugu jecliyaa runtiina waxan ka warwarayaa sidaan u nolaan
doono adiga la’aanta marwalbana waxan ahaan doona mid adiga uun kaa
fikirta runtiina waan ku jecelahay
Mustafe oo aad u dareemay siday gacalisadiisu uga xun tahay tagitaankiisa
ayaa yidhi, jacaylkaaga iyo lajoogaguba waxay nafatayda u yihiin farxad aan
la soo koobi karayn marwalban markaan ku arko ayaan dagaa oo ay naftaydu
kugu xasishaa lakiin runtii intaa aan maqanahay u malayn mayo inan nolol
dagan ku nolaan doono waxanan kugu la dardarmayaa inaad jacaylka
halkaaga ka sii xejiso dhib wal oo uu kugu qaatona aad u samirtid waayo
samraa ayaa sadkii hela ,dartaa waxan ahay mid aan garanayn waxan adiga
ahayn naftayda jacaylkaagu waxa uu ka dhigay mid aan jiif iyo joogba aan
xamilayn cuntana aan cuni Karin talaabo wal oo aan qaadana adigaa ayaa iiga
dhex muuqda markaa waxan macaan kaa codsan lahaa in aan soo noqdo
jacaylkeena oo halkiisiya aadna waan kuu jecelahay’
Maryan oo ahayd dhagayste fariin jacayl iyo waano iyada ku soco ta ayaa aad
daremaysay ilmada indhaheeda ku soo taagnayd ayay tidhi; gacaliye balan
daro waa diin daro aniguna waxan kuu balan qadayaa inaad igu soo noqoto
anigoo wali sidaa kuu ah kuna jecel waligayna ku maan hamiyin nin aan adiga
ahayn inan nolosha la wadaago una malayn maayo inuu I calman doono qof
aan adiga ahayn inshaa allah waxan kuu rajayanayaa inaad soo noqoto adigoo
nabada reerkina kaga soo waranto nabad qab badan iyo barwaaqo marwalban
anigu waxan ahaan donaa mid adiga ku sugta
Kadib wedhahaas jacaylka iyo balanta isugu jiray waxay ku balameen inay
aroorta ugu timaado istaanka laga raaco babuurka.
Habeenkaas waxa uu ahaa habeen ay wadageen jacayl aad u xeeldheer oo mid
waliba intii uu jeclaa Kan kale libin laabkiis ay is sii jecladeen runtiina aad
modaysid inay jacayl dartiis habeenkaas isku dul ooyayeen sida ay iskugu
niyad samayeen waagii markiii uu baryay Mustafe waxa uu u xamaan
uruursaday dhinacaa iyo istaankii maryana goor horeba way soo jarmaaday
waxaanay ku kulmeen istaankii markiibana gaadhi dhaqaqaya aayuu helay
inta uu shandadii soo dhigtay gadhigii ayuu maryan u soo noqday markaasu
ku yidhi isagoo Maryan ku bilaabay waano kana cabsi qabay in jacaylkiisu
Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)
Buuga: (Hadimo Jacayl)
