I. Ogaanshaha waxa aad rabto
II. Baahidda aad u qabto in aad ogaato
III. Jawaabta ka danbeysa ogaanshaha
Ogaanshaha waxa aad rabto
Waa maxay waxa aad sida xaqiiqda ah aad noloshada rabto?
Waxyaabaha la arko waxaa kamid in dadka badankiis aysan daboolka ka aqaadin waxa ay rabaan illaa dhimashadoda taasna waa ceyb, maxaa ku sababay in ay waqtigii yaraa ee ey noloyeyn ay daboolka uga qaadi wayen waxa ay rabaan?
Dadka badankood waxad arkeysaa aan garaneyn waxa ay qabanayan ma wax faa’iido u lehbaa mise maya ma kala sarayaan taasna iyaduna waa dhib kale oo weyn, maxaa ka hortaagan inta aysan ficilka ku dhaqaaqin ka hor in ay tuujiyaan maskaxdooda oo ay ka fikiraan waxa u san ayaga?
Dadka qaar waxad arkeysaa wax aysan jecleyn isku dhibaya oo waqtiga ku luminaya, oo maxaa u diiday wax faa’iido u leh naftuna rabto in ay qabtaan?
Ogaanshaha waxa aad rabto waxey ku imaan kartaa in aad waqti isi siiso oo aad markaad meel tagan fariisato aad nafsadada fursat aad kula shekeysato kuna dhageysato aad siisaa, dhageyso qalbigaga waxa uu ku farayo oo su’aal ka dhig hadana ka jawaab celi xalka ugu sahlan ee aad waxa aad rabto noloshada aad daboolka uga qaadi karto waa kaas tijaabi wax badan.
Dadka qaar waxaad arkeysaa dhalo fiirsanaya wax ka badan saacado badan oo qofka aad dhalata ka fiirsee shaqadiisii ayuu hayaa ee aaway taadii adiguna
Baahidda aad u qabto in aad daboolka iska qaato
Muhiimadda ayaa waxa ay tahay wax aadan baahi u qaban kuma cuntamayaan sameytoda, sheekidoda iyo waliba fakirkoda,
sidaa awgeyd baahida aad u qabto in aad soo muujisaa qofka aad tahay, waxa aad qaban karto iyo waliba awoodahada dheraadka ah ee eebe weyne ku siiyaya, intey la egtahay?
Waxa aad rabto iyo baahida aad u qabto haddii islasiman yihiin oo aysan kala badneyn ama ay haabidu ka yartahay waxa aad u bahantahay, walito shaqo badan ayaa kuu dhiman ee kac oo toos illaa baahidu ka badato waxa aad u bahan tahay markaas ayaad xogaa meel aad wax ka bilawdo heleysaa, haddii baahidu yartahay waxey ky tusineysaa qanaco in ay jirto.
Inta ay qanaco jirtnada waad cuuryameysaa mahane wax badan kuu hagaagi mayaan.
Jawaabta ka danbeysa ogaanshaha baahidada
Waxa aad khiyaasi kartaa Jawaabta ka danbeysa ogaanshaha baahidada, waxey guushu kuu bilaabatay markaad ogaatay baahidada hadda waxad ku jirtaa safarkii aad u baadi goobi laheyd waxa aad ka rajeyneyso safarkada.
Jawaabtu waa miraha aad guraneyso haddii aad sii joogteyso shaqadaan aad bilawday sidaa awged waxaa lagaga bahan yahay in aad noqoto qof aragti dheer oo sahmi kara waxa uu rabo iyo jidkii uu umari lahaa sidii u xalin lahaa su’aalaha badan ee qalbigii ka imanaya.
Guusha noloshada oo aad raad raadisaa waxaad ka heli doontaa meel aan kaa fogeyn lakiin waxaa kaa xiga in aad marka hore raadisaa, guusha nolosha ee badanaa aan qoraalka ku soo celceliyaya maxaan ugala jeedaa ayaad isleedahay ? waxaan guusha nolosha ula jeedaa sidii aad hormar uga sameyn laheyd dhamaan kuwa soo socda: “ shaqadaada, waxbarashadada, qowskada, asxaabtada, bulshadada, xirfadahada, iyo dhamaan noloshada oo dhan”
Qoore: Mahad Salaad Maxamuud
