Habeenkaas waxa uu ahaa habeen ay wadageen jacayl aad u xeeldheer oo mid
waliba intii uu jeclaa Kan kale libin laabkiis ay is sii jecladeen runtiina aad
modaysid inay jacayl dartiis habeenkaas isku dul ooyayeen sida ay iskugu
niyad samayeen waagii markiii uu baryay Mustafe waxa uu u xamaan
uruursaday dhinacaa iyo istaankii maryana goor horeba way soo jarmaaday
waxaanay ku kulmeen istaankii markiibana gaadhi dhaqaqaya aayuu helay
inta uu shandadii soo dhigtay gadhigii ayuu maryan u soo noqday markaasu
ku yidhi isagoo Maryan ku bilaabay waano kana cabsi qabay in jacaylkiisu
ka baydho tubtii saxda ahayd waayo sida lagu helo ayaa aadag jacayl kan oo
kale ah oo raali laysku yahay dhib iyo dheef la waadaago marwalba lawada
faraxsan yahay waxanu hadal kiisu u badnaa waano iyo dardaran jacayl
waxaana hadaladiisi ka mid ahaa
Runtii waxan jeclahay in aan nolosha wadaagno kana midha dhalino riyadeena
ah in aynu nolosha wadaagno iskuna noqono xaaji iyo oridiis markan soo
noqdana waaxan kuu balan qadayaa in aan hore u sii socono waxanan kaaga
tagayaa xubidaydaay amaano jacayl oo aan wada beeranay kuna soo noqdo
adigoo nabad iyo caano ah iasgoo hadalkii wada ayuu gadhigi hoonkii u
tumay is maca salameyeen iyadoon Maryan walilahadlin jecelna inay la
hadasho oo ay kal sooni badan oo jacayl sii gashato waxaanay halkii tagnayd
ilaa intii uu gadhigii ka sii qarsoomayay iyadoo kolba u gacan hadinaysa isna
uu daqada uga soo gacan hadinya isagoo ku daraya in uu gacantiisa dhunkado
hawadana u soo raaciyo iyaduna sidoo kale waxaanay halkii ka soo
dhaqaaqday Maryan iyadoo aad modid in ay tabcaan tahay oo aan dhaqaqi
karayn waxaanay malintaasi u ahayd malin ay aad u murugaysnayd kuna
hamiyaysay jacaylka curdinka ah inay gaadhsiso heer ay wadagaan nolosha
dhamanteed balse ay kari kari wayday, wayadaas oo dhana may ahayn mid si
wanaaagsan u seexta oo waxay ka fikiri jirtay uun Mustafe iyo goorta uu soo
noqon doono waxay ahayd mid marwalba dhawrta jacaylkii ay Mustafe u
haysay .
Qaybtii labaad
Sanad walba xiliga xagaga waxaa magaalada ku soo xagaa baxa dadka ka
yimaada Yurub iyo America inta badana goobaha waxbarashadu waa fasax
xiligaa ,sidaas darted magaaladu waxay ciriciraysaa dad oo waxa buux
dhafiyay dadkii soo xagaa baxay iyo ku wii waxbarashda fasaxa ka ahaa .
Siciid waa wiil ka yimid cariga ingiriiska waxaanu joogay magaalada mudo
week ah waa lacag lay wakhtigiisa oo dhan ku qaata iska meermeer iyo ku
raaxaysiga lacagta uu kala yimid qurbaha,
Aroor arooraha kamida isagoo wata babuurkisa ayuu soo hormaray guriga
Maryanyo waxa uu isha qalac ku siyay Maryan oo biyo ku dadinayasa dibada
gurigooda aadna aan u asturnayn oo shaqo ayay ka haysay guriga markay
aragtay ninka ku soo maqan ayay dagdag intay biyihii u dadisay guriga u
gashay siciid oo iska tamashlayn ku joogay waxa u ka helay Maryan iyo
quruxda ALLE u dhameyay markiibana waxa uu ku dadaalay cid uu kala
xidhidho waxa uu helay inan ay saxiibo yihiin oo gala guriga Maryanyo ka
soo horjeeda oo layidhaa Deeq markiibanA uu telephone u diray isaga oo leh.
Saxiib waan kuu bahanaahay ee goorama ayaynu is araganaa;
Ma wax cusub ayaa soo kordhay Siciiid
Maya ee arin yar ayaan kaaga bahanaa markaa goorma ayaan kuu imadaa
Caawa waxan iskugu imanynaa suuqa
Wayahay saxiib ee 7 haynoo ahaato
Ok
Kadib habeenaimadiiba waxay ku kulmeen goob ay dhaliyaradu ku badan
tahay markiibana waxay iskula baxeen meel gaar ah oo aanay cid maqalayn
waxay ku shekaysanayaan waxaana hadalkii bilaabay siciiid oo yidhi; Saxiib
Deeq waxaa maaanta iga ka soo gashay arin ee maad ii fulin ka raysaa hadad
karto;
Haa maxaa dhacay manan saxiibkaa ahayn maxaad sidaa u leedahay ii sheeg
Saxiib waxan manta arkay inaanta gasha guriga kaa soo horjeeda markaa
waxan doonayaa inaad ii soo gacan galiso saxiib ama aad ii qabato waxii
karaankaaga ah.
Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)
Buuga: (Hadimo Jacayl)
