Waa maxay Balwad?
Balwadu waa wax naftu la qabsatay oo ay mudo ku celceliso sida magaca ku cad waa BALWAD
waana waaxaad muddo wadid. Balwadu waa laba nooc
– Balwad fiican sida isboortiga, wax akhrista iwm
– Balwad xun sida cabida sigaarka, qaadka iwm.
Balwada xun waa mid ka mid ah asbaabaha waa weyn ee kuu diidan inaad noloshaada isbadal
lataaban karo ka gaadho.
balwada xun waa shay si dhibyar lagu bilaabo laakiin ay adagtahay in la iska deeyo.
Hadaba si aad hiigsigaaga iyo himiladaada u gaadho iskaga fogaaw balwad xun sameysana
balwad fiican taas oo horumar aad ku gaadhaysid.
Faaiido darada balwada xun – Naftaada ayay waxyeelaysa xaga caafimaadka – Wakhtiga ayaad ku luminaysaa – Dhaqaalahaaga ayaa hoos u dhigaysa – Hadafkaaga ayay caqabad ku noqonaysaa. – Waxay kaa dhigaysaa mid gabo kaalintiisi bulsho. Dooriga tubaakadu adeer waa wax kuu darane Dabkan aad cuntiyo qaacu wow daanno feeraha e’ Sidii daamur buu kaaga dhegin daabka xuunshade e’ Dibnaha iyo afkaa waxay ku noqon dagal haruushada e’ Daqayada ma naaxaan nin cunay shay darooga lehe Abbateydka iyo wuxuu kaa dilaa gaajo diidaha e Waxay duubiyadu kuu ekaan diriq sidiisiye Diif iyo xanuun baad u tahay dagaanti maandhow e
– Abwaan cabdirisaaq xirsi suldaan
QOREE: Xasan adan xasan
