- Calow gugakan gabaygaad tidhi gocasho weyn reebye
- Wixii gacal ahaa uumiyaa waa mid kala geyne
- Gabadh iyo walaalkeedba waa kala geddoomeene
- Gardarriyo isyeelyeel mar buu gubey bilaadkiiye
- Nin garaad leh baan kugu ogaa gaban ahaantiiye
- Maantaad gu’yaal badan jirtoo guudku ku caddaaday
- Bal garwaaqso warankaad gantiyo gedaha aad joogtid
- Guntigii wadaadkii la eed gebagabayntiise
- Galow baa ka ciyey ceelashaad geesi ku ahayde
- Buuhoodle geel looma horin goorti dabadeede
- Gammaankii badnaa ugama fulo labada geesoode
- Garmaaddii shubaysiyo la waa garabyo weyntiiye
- Geedaha ka baxay laga ma cuno godobyo dhowdhoowe
- God abaaday waakaa noqdiyo guri madoobaade
- Waxa guuldarrada ugu wacnaa geli colaadeede
- Waa gaasir Reer-Cali wuxuu wada gudboonaaye
- Ma gu’ yaree see Cali tashigu uga gulaallaaday?
- Guhaad laguma falo ruux hadday gogoshu kuu taalle
- Gaadiid ku qaadiyo haddaad gelin lixaad weydo
- Gurgur lama shiraystiyo hashii geela ka irmaane
- Guntana laga ma jaro geed hadduu kuu gabbaad yahaye
- Afartaa gammuuraye sidii leebka ma u gooyey
- Gobo’ kalena waa erey yar aan godob ka faalleeyey
- Gondaggooye nimankii dhigaad gacal ahaydeene
- Cabdi Muxumud gabannuu ka tegey goloshkii dheeraaye
- Geydh iyo waxay cadho qabaan garanba maysaane
- Aar soo gendoodsaday wuxuu gaadho waa diliye
- Goonyaha haddii lagaga ciyo guuldarraa dhiciye
- Geelii Ogaadeen ninkii goofiyaa tahaye
- Giddiga Reer Subeer yahay ninkii gaadhay baad tahaye
- Ninkii geed ku xidhay baad ahayd galabti weyshiiye
- Gudaha Adari waa laga tirshaa gabayadaadiiye
- Gaal iyo Islaam nabaddu waw gogol nasteexaade
- Marse haddii colaad loo guntado Goray ma laacdeene
- Cid uun baa rasaas kugu gambiyi Giibba ma lahayne
- Ogaadeenku waa gama’san yahee gamasyo haw dhiibin
- Godobta ha ogeysiin rag waa garacyo Sheyddaane
- Gacalow ka joog meelahaad gacantogaalaysay
- Haddii kale aduun baw go’iye gabayga aashaada
Xigasho: Doolo.com
