waxan aniga iyo hooyadaa kuu soo goynay, imikana waxan kuu sheegayaa
inaad soo kala doorato duco waalid iyo haabaar waalid Maryan oo aan
aabaheed waligeed hadal ku celin ixtiraam dartiis ayaa ku tidhi;
Aabo maan aaniga waxba layga waydinayn guurkayga lakiin sideed iigu
quudhaysaan Nin aanan garanayn wax uu yahay wax naga dhexeyaana aanay
jirin
Iyadoo hadalkii wadata ayuuu ka dhex galay abaheed markaasu yidhi
Hadii aad dhago leedahay anigu khamiista waan ku bixinayaa hadii aad
diidana gurigana ii dhaaf cidaad jeceshayna raac waligana habaar waalid
ayaan kugu ogahay.
Qofna ma jecla inuu qof aanu nolosha lawaadagi Karin uu la nolaado qof wal
oo bini aadmi ahina waa u xor cida uu la wadaagayo nolosha oo waxaan u
doori Karin walaa waliid walaa cid kale lakin waxa lagu leyahay talo iyo in la
waaniyo.
Maryan oohini way u dhamaatay habeenkaas oo dhana iska daa inay hurdo
seexato ee waxa indhaheeda ka qubanaysay ilmo aad moodid in uu dhiig ku
jiro wajigeedana barar dartiis uu la buurnaaday kana luntay quruxdii sariirtii
uu abaheed kaga dul tagay ayay wali ku jiiftaa sidii baanu waagii ugu barayay
iyadoon afka markaliya isku qaban beerkana ka oyaysa iyo siday wax ugu
sheegi doonto marka uu Mustafe yimaado waxana maskaxdeda ka dhadhici la
sida dad cidii ugu dhawayd ee ahaa abaheed iyo hooyadeed ugu qudheen in
ay nolosheda la qaybsato cid aanay garanayn .malintii la soo doonayay waxa
ka hadhay barii oo kaliya dhamaan dadki xafaduna way ogadeen oo waxay la
yaban yihiin guurka aanay inantu raalida ka ahayn ee hadana lagu khasbaayo
lakiin waa wax ka dhaca inta badan dhulka soomalida oo hablaha la siiyo wilal
aanay garnayn oo lagu siinayo dibada ayuu ka yimid iyo lacag ayuu leyahay
aan loo meel dayan waxa hadhow ka dhalan karaya malintaas oo dhan
muruugo iyo ciil dartiiis ayay hadli kari la’ad waxaanay ahayd mid siidii
sakaraatul mawt hayo hadal daysay oo yaalin ku dul ah sariirta,xafadoodana
waxaa ka socotay hawl adag oo loogu diyaar garoobayo bixinteeda,hooyaded
waxay u yeedhatay xigtadii oo dhan iyo dumarkii ay iskugu dhawayeen
abaheedana aderadeed iyo abtiyasheed ayuu u yedhay sii ay goob joog ugu
ahadaan bixinta inanta waxa lasii xamaan uruursadaba waxa la gaadhay
malintii arbacada arin oo dhamina waa u diyaar reerka inanta iyo reerka
inankaba .
Manta waxaa bil laga jogaa mailntii iskuulka la fasaxay ee uu mustafe tagay
reerkoodii waxaanu soo noqday isaga oo aad u sii quruxaystay dhulka oo
barwaaqo ahaa dartiis soona caano dhamay waxa uu magaalada soo galay
abaaro 9 subaxnimo isaga oo dalana dartiis markiba waa uu iska seexday
qadadii markii uu u kacay qadeeyayna ayuu la hadlay Maryn sidii cadada u
ahayd awalba Maryan markay aragaty numbarkii Mustafe ayay isla markiiiba
garatay inuu yimid iyadoo aad u naxsan dhinacna ka faraxsan ayay tidhi
Hallo
Hallo Maryan maa ii fican tahay macaan
Haa aad baan kuugu fiicanahay ee ii ga waran xaladaada iyo sidii lagu ahaa
reerkiiiba
Aad baa gacaliso loogu ficnaa ee adna ii waran bal side ayad tahay iyo
noloshadaba
Macaan anigu waan wacanahay arina sidad ku ogayd wuu iska badalay ee
telephone kaagama sheegi karayo ee caawa iigu kaalay gurigii Hindiyo
Waayahay ee ma wax dhibaato ah ayaa soo korodhay
Maya gacaliye anigu sidaan waligay kuu jeclaa ayaan maantana kuu jecalahay
kuna jeclaan doona ee caawa soo dhokhso
Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)
Buuga: (Hadimo Jacayl)
