Guurka

Waa maxay guur ?

Guurku waa hishiis sharci diineen kufula kaa oo dhex maraya laba qof (Lab iyo Dheddig).
Guurku macnahiisu waa fal amar Waa guur oo meel ka guur oo meel kale u guur
Meelo badan ayaa laga guurayaa oo meelo badan ayaa loo guurayaa meelaha badan oo laga
guuraayo waxaa ka mid ah:
❖ Kali ka guur oo lamaane u guur
❖ Dhalin yaro ka guur oo waayeel u guur
❖ Xilsaamad ka guur oo xilkas u guur
❖ Iskaabule ka guur oo xaaslay u guur
❖ Caruur la’aan ka guur oo caruurley u guur
❖ Xidid la’aan ka guur oo xididley u guur
❖ Lootaliye ka guur oo tashade u guur
❖ Jacayl ka guur oo kalkacayl u guur
❖ Been ka guur oo run u guur
❖ Xaaraan ka guur oo xalaal u guur