Wayahay macaan aniga waxaa aan la ladi layahay amaba hurdo ii diiday waa
jacaylkaaga marwlbana waxan ka fikiraa sidii aan nolosha kula qaybsan lahaa
adiga macaan aad baan kuu jecelahay ee waa inoo caawa
Markii ay intaas is waydarsadeen ayuu Mustafe dib u fikiray waxaanu gar
waaqsaday inuu arin cusubi soo kordhay .
jacayl dartiis waxa uu ahaa malintaas mid ay ku dheertay wakhtigii balantu
oo wakhtiga u arkayay mid aan dhaqaqaynba intay wakhtigii balantu
gaadhaysay ayaa kaga badatay buur waxa lagaadhay wakhtigii balantu ahayd
Maryana goor horeba waxay sii tagtay gurigii hindiyo Mustafena wakhtigii
balanta ayuu ku soo beegay kadib gurigi markii uu garaacay ayay ka furaty
Maryan iyagoon wax hadal ah is waydaarsan ayay isku dhageen salaam kal
iyo lab ah una badan arami jacayl oo wada jir u haysa waxaanay sidii
ahayeen mudo kadib ayay qolkii fadhiga fadhisteen iyagoo wali sidii isku
haysta xiiso badanaa kulanka jacaylka ahi marka ay labada qof raalida isku
yihiin waxaanay sidi ahadaanba waxay bilabeen sheeko dhadhan jacayl leh
layskana waaraysanaayo waxawalba waxaanay aryan mudo
ka waraysanaysay reerkii iyo sida lagu ahaa markii uu Mustafe nabad qab
badan ku sheegay ayuu ku yidhi Maryan maxaa cusbaa ee soo kordhay
Inta iyadoo gacmaha gacmihiisa kula jirta ay siyar oo ayar aayar aah ugala
baxaday ayay hoos u fooorasatay iyado garan la si ay wax ugu sheegto
Mustafe iyo halka ay ka bilaabayso waxana arkay Mustafe oo ku celiyay
hadalkii lakiin inta ay wax ay ugu jawaabto garan wayday aayay iyadoo
ilamadu indhaheeda qubanayso tidhi;
Macaan Mustafow waligay waan ku jeclaa jacaylkaga dartiis na waxaan u
huray nafatayda sidii aan kuu raali galin lahaa marwal iyo daqiiqad walba
waxan ku rajo waynaa inan inta noloshayda ka hadhay in aan adiga nolosh
kula wadaago lakiin arin waxa uu xumaaday marki ay aabahay iyo hooyaday
ay isiyeen nin aanan garaanayn wax aalale wax uu yahay.
Mustafe talo ayaa ku cadaatay hal ilibidhqsina kumuu fikirin arinka ay
Maryan u sheegtay ee waxa uu filaayay arimo kale markiiban isagoo aad
moodid inuu naxsan yahay ayuu ku yidhi
Goorma ayaa lagu bixinayaa
Bari 9subaxnimo
Ma baridan dhow
Haa gacaliye lakiin anigu raali kuma yihi waxan u sheegay xafadayada lakiin
cid wax iga dhagaysataba waan wayay waxaanay ii sheegeen in aan kala
doorto duco waalid iyo habaar waalid lakiin anigu waxan lajiraa adiga
naftaduna adigay raali kaa tahay kumana qasbi karaaayo nin aanay raali ku
aahayn inay nolosha la wadaagto markaa anigu adiga madaxagga ayaan ahay
ee I meelee runtiina waan ku jecelahay waxa ilmada indhayga ka shubayana
maaha wax sahlan ee waa jacaylkaa aad igu beertay
Mustafe waxa uu la yaabay sida adag ee ay ula hadashay Maryan wax uu
kumeel gaystona mahayo isago aad uga xun siday wax u dhaceen ayuu yidhi
Maya sidaa ha u hadlin aniguba waan ku jeclaa ee kalidaa imaad jeclayn
waxaanaynu ahayn qaar nolosha ku qanacsan inay wadagaan lakin hadii u arin
sidaa noqday walal waxaan kaa codsan lahaa inaad habaar waalid waligaa ka
dheerato inta karaankaaga ah raacdana siday walidkaa kula jecaladeen
inakuna hadii ILLAHAY isku keen qoray is waayi mayno Maryan way
yaabatay sida uu ula hadlay Mustafe lakiin waxayna ogayn in aanu jeebkiisa
waxba ku hayn waxayna tidhi
Marna kamaan filayn in aad sidan ila hadli doontid wax walbana anigaa kugu
jecel ee adigu igu raac oo kaliya
Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)
Buuga: (Hadimo Jacayl)
