Guuleystayaasha Caqliga Badan

Haddi aad Leedahay 21-daan Tilmaam, Ogow Waxaad Kamid Tahay Dadka
Adduunka Ugu Caqliga Badan

Fikrad ahaan waayo aragnimadeeda ayaa naga dhigayo kuwa awood leh,
Inaad Noqoto mid niyadsan, awoodo inuu nooshiisa xakameeyo isla
markaasna aan dareemin inuu naftiisa ka xun yahay, waa qaar kamid ah
sifooyinka ay waajib tahay inaan sameyn.
Ma aaminsan tahay inaad leedahay mid kamid Ah sifooyinkaan,? haddii aad
tahay qof leh waxad ku raaxeysaneysaa maskax awood leh, waadna ka adag
tahay arrin kasta oo kusoo wajahdo xataa kuwooda ugu adag.
Garro sida aad u kala saari laheyd caqliga iyo Caadifada: Waxaa laga ma
maarmaan ah inaad kala garato caqliga iyo caadifada Xilliga aad ku jirto
xanaaq si aad u qaadato go,aan wanaagsan.
Waqtigaaga ku qaado qaab miro dhal leh: Waxaa macquul ah in qofka uu
sameeyo kumanaan cudur daar haddii uusan sameyn shaqo uu qaban lahaa,
balse dadka maskoxdooda awooda leedahay waxay xoogga saaraan waxay
doonayaan, waxayna ka fogaadaan inay waqtigooda ku lumiyaan wax aan
mirro dhal aheyn.

Ku Kalsoonow Awooda aad kula qabsan karto Isbadalka: Nolosha markasta
way sii hormareysaa, mararka qaarna waxaa dhib kugu noqoneyso inaad la
qabsato midda cusub, dadka intoo badan waxay isku dayaan inay la
dagaalamaan isbadalka, laakiin dadka garaad weyn u saaxiibka ah waxay si
deg deg ah ula qabsadaan nolosha cusub.

Ka Fagow Cabsida: Dadka intooda badan waxay ka fogaadaan waxyaabaha
keeni kara cabsida, laakiin qaarkood waxay isku dayaan inay wajahaan
cabsida si ay dadka kale ugu muujiyaan qaab wanaagsan, laakiin dadka
caqliga badan way ka hortagaan cabsida cad ee naftooda kuu wajahdo.
Qaladkaaga Wax Ka Baro: Dadka caqliga awood ku dhisan leh ficiladooda
kama marmarsiiyoodaan mana ka qariyaan dadka kale qaladaadka ka
dhacay, waxayna u noqotaa cashir si aysan sidaan camal ugu dhicin.
Isku Fiiri Sida aad hadda tahay iyo sida aad dooneyso inaad noqot:
qofka leh maskxda fiican wuu ku qanacsan yahay waxa uu hadda yahay,
laakiin isla watigaas wuxuu kasii shaqeeyaa sidii uu middaan mid ka fiican u
gaari lahaa.

U Dabaaldeg guusha Dadka Kale: Dadka Caqliga Fiican leh waa kuwa
awoodo inay dadka kale caawiyaan, guusha ay gaaraan dadka kale kama
maseeraan, taas badalkeeda waxay muujiyaan inay u dabaal dagaan
guusha.
Qaadashada Go,aano waafaqsan Qiyamka: Haddii aad tahay qof waafaqsan
qiyamkiisa, waa inaad muhiimada siisaa mana kala kulmi doontid dhibaato
qaadashada go,aamada, tanna waa mid kamid ah waxyaabaha lagu garto
inuu qofka yahay mid caqli badan.
Horumarinta Xirfadaada: Dadka Caqiga badan waxay ku dadaalaan inay
horumarin ku sameeyaan xirfahooda.

Ku Noolow Nolo Dhab Ah: Dadka caqliga leh, waxay aaminsan yihiin
naftooda, ficilada ay sameenayaana ma khilaafsano hadaladooda.
Sharaftaada Qadari Ha Fiirin Xoolo: Dadka caqliga leh waxay qadriyaan
nafsad ahaantooda, balse ma fiiriyaan waxay heystaan, mana kala jeclo
haddii ay guul dareystaan iyo haddii ay qasaaraan.
Ogow In Guusha ay mudan tahay in la sugo: dadka caqliga badan way
garanayaan sida loo sugto guusha, wayn og yihiin in guusha ay qaadaneyso
waqti dheer, sidoo kalan sababr la,aanta inay tahay mid kaa dhigeyso qof
liita.
Waxaad masuul ka tahay wixii aad sameyso : Caqli badnaashaha ma
damaanad qaadeyso inaadan dambi galeyn, dadka oo dhan way gafaan,
balse midda ugu muhiimsan ayaa ah in gafka wax laga barto.
U Arag dhibka inuu yahay fursad: Caqabada iyo dhib kasta oo kusoo wajaho
waa fursad kale oo aad horumar ku sameyn karto, dadka intooda badan
waxay dareemaan ciriir marka ay soo wajahaan dhibaatada, laakiin qofka
caqliga u saaxiibka ah way caqbalaan waxyaabaha soo wajaho noloshooda
ay u noqdaan kuwa sii fiicnaada.
Muuji Mahadceli iyo Qanacsanaantaada: Intii ay sii raadin lahaayeen
dheeraad, kuwa caqliga leh waxay rumeysan yihiin inay heystaan fursado
badan oo ay guul ku gaari karaan, wayna yaqaaniin intay heystaan sidii
looga mahadcelin lahaa.

Xoogga Saar Waxa Aad Taqaan: Dadka maskxda fiican leh waa kuwa waxtar
leh noloshana guul ka gaaro, waxayna u go,aan oo ay waqti iyo juhdi ku
bixiyaan waxa ay ku xeel dheer yihiin.
Sare u Kac marka Aad Fashilmato Kadib: dadka caqliga badan fashilka uma
arkaan wadada dhamaadka balse waxay u arkaan inay tahay bilaw keeni
Kara inay ugu dambeyntii guul gaaraan.
Noqo mid waaqiciga la socdo wax fiicanna rajeeya: Dadka Garaadka leh
waxay markasta leeyihiin rajo fiican, waxayna rumeysan yihiin inay
sameeyeen waxa ugu fiican oo ay awoodeen, balse isla waqtigaas Cagaha
dhulka way ka qaadaan.
Ka Shaqey inaad saxdo meelaha aad ka liidato|: inta badan dadka waxay
isku dayaan inay qariyaan ceebahooda, laakiin qofka caqliga wanaagsan leg
kama cabsoodaan inay wajahaan meelaha ay ka liitaan, dib ayey isaga
saxaan waxayna ka guuleystaan.
Diyaar U Ahaw Inaad Xaliso Dhibaatadaada: waxaa ku hortaalo laba arrin
midkood, inaad waqtigaaga ku qaadato Cabasho, ama inaad xal u raadiso
dhibaatadaada sida ay sameeyaan kuwa caqliga leh.
Diyaar U Ahaw Inaad waxyaabo Cusub Barato: Maalin cusub, qof cusub,
xirfad cusub, waa fursada kale oo lagu barto waxyaabo cusub, dadka
maskaxdooda awooda leedahay had iyo jeer waxay joogteeyaan
waxbarashada.

Qore; – Dr Hamse Mohamed Diiriye