Gabaygii Cabdi Muxumed (Cabdi Sanweyne)

Cabdiyoo harraadsani hadduu, ilo ku soo hiiqayAnigow horreeyey markaan, hadallo weydiiyeySaddexdii ha’ gaabood markuu, kala hanbeyn waayey 

Ragaan hubo habeenkii markaan, hilinka qaadsiiyeyHadha-gari dusheedii markuu, heeganku isdhaafayHuusaale raadkii markii, lagu haqiiqeeyeyHawanley markii laysku helay, dhagadle HaaruunaHarareemadkaa uga darraa, hootadaan ridayeWaa tay huleeleen sidii geel, habeen didaye 

Bah-Gaalaad haddii anan horsocon, guul ma hoyiseeneFeetinkii haleelada lahaa, halab ma maaleeneCabdiyow hunguri waa midkaad, bariba haysaayeKii hore habeenkuu taguu, hadurka raacaaye Haan baan ahaa haanta kale, hakisa miisaaneHayin baan ahaa reerka maadh, lagu halleeyaayeHashu nimay ku daaqdaan ahaa, oo hubka u sido e Haaruftaan la soo baxay warmaha, iga habeedeystayIntuu hoosku soo meeri baad, na hubsan weydeeneMarkaan yaraha haydalay xan baad, na hororsiiseeneDad hadduu hiddiyo waayo badan, hayb iskula waaroInuu meel ka wada hiil galey, ugu hagaagtaayeKuwii lay hormariyow ka gala, dirirta haaneedkaHareertaan ka iil reerka yaan, haadku ka idleysan


Xigaasho: Doolo.com