Hadimo Jacay| Q-12aad Adegto

Mustafe isagoo u caqli celinaya Maryan ayuu ku yidhi wax wal oo aduunkan
ka dhacaa xaga ALLE ayay ka qoran yihiin in sidani dhacdana way qornayd
markaa ku samir yeelna siday reerkiinu kuugu taliyeen waayo anigu hadaan
maanta ku kaxaysan lahaa meel aan ku geeyo ma haysto lakiin hadaan xataa
ku ka xaysto abahaa iyo reerkina kama amaan helayo markaa fadlan hadad
maanta in uun I jeceshahay sidaan ku idhi yeel malin manta ka wanaagsan
ayaynu is heli hadii ALLE isku keen qoraye Maryan talaa ku cadaatay ilmada
indhaheeda dareeraysaa waxay qoysay wajigeeda waxay sidii u doodaanba
waxa uu akhirkii Mustafe ku qanciyay in ay yeesho sida ay walidkeed la
jeclaadeen maryan oo oohin darted aan hadal ka so baxayn ayaa iyadoo aad
moodid inay naftu ka gurmayso tidhi hadal Mustafe aad u taabtay ilaa
malinkaan ku jeclaaday ilaa manata habeena ma seexan hurdo la’aantaa
marwalbana waxaad ahayd mid naftayd ku dheer oo dareenkaygu la jiro hadii
aan is idhaa shay qabana adigaan kaa dhex arki jiray iyo wanaagaad ii samayn
jirtay daradana waxaan ahaa mid nafateeda u huraty sidii ay jacaylkaeeda u
haqab tiri lahayd waxay nafataydu adiga dartaa igu qasbi jirtay in aan sameeyo
wax wal oo suuro gal ah maantana adigaa igu qancinaaaya in aan raaco
qofkale oo aan oogahay in anan nolosha la wadaagi karayn ogow waxaad
naftayda ku qasabtay go’aan aanay waligeed yeeli lahayn adiga dartaana waan
u yeelay manta; waxanan ahaan doona mid waralba ku xusta kuna xusuusan
doonta waan ku jeclahay ilaa waligayna waan ku jeclaan donaa
Mustafe laftiisu waxa ku soo istaagatay ilmo waxanu marwalba faraha kula
jiray indhihiisa wuxuu sidii ahadaba akhirkii waxay ku kala tageen in ay
yeesho sidaas madama ay dantu kaliftay waxaanay ku balameen inay soo
wada xidhidhaan oo anay sidaa ku kala hadhin.
Markii ay intas is waydarsadeen ayay kala taageeen iyago aad modiid in mid
walba Kan kale geeridisiii loo soo sheegay.

Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)

Buuga: (Hadimo Jacayl)