Hadimo Jacay| Q-13aad Adegto

Mustafe waxa uu gurigoodi tagay isagoo uu kaga horeeyo Maryan abaheed
waxanay ku kulmeen isagoo albaabka ka soo baxaya waxaanay is
waydarsadeen weedhaahan
Imika ayaad inantaydii ka timid sow mahaa waxan kuu shegayaa hadad
guurka caqabad ku noqoto in aad noloshada oo dhan waayi doontid Mustafe
oo habka hadalka u dhashay ixtiraam waalidna ku daraya ayaa yidhi
Adeer inantadiii waan kuu dayay ee ma wax kale ayaad igu haystaa Isagoon
u jawaabin ayaa ay habaryartii soo boday inta ay ka xanaaqady sida adage ee
uu mustafe ula hadalay ku tidhi
Hadii inan taadi laguu dayay orod oo Na dhaaf ogowna in aan jacayl laheli
Karin lakiin lacag la heli karo
Markii ay intaas tidhi ayuu Maryan abaheed ka tagay
Maryan loo sheeg in abahaeed daydayay oo uu Mustafe gurigoodi tagay
markiibana yaabtay iyadoo is garan la waxay samyso iyo dhibka ay u soo
jiiday Mustafe ayay qolkeedi hoosta iskaga soo xidhay markiibna waxa yimid
abaheed oo aad u cadhaysan wuxuuna ku garaacay albaabkii isagoo u
hanjabaya
Iga fur
Inta ay ka furtay ayay iyadoo hoos eegaysa ku fadhiisatay sariirta konahedii
markasu ku yidhi isagoo aad u qaylinaaya
Hadii aad diido guurka waxa aad doonayso waanku ogahay labadabana waad
seegi oo halkaas aayaad maxbuus igu ahaan markaa anigu bari waan ku
sinayaa inankaa iga kaa soo doontay ee dibada ka yimid lacag ku filana haysta
ee ma yeeli karo in aad inan yar oo kale ila hoos cararto sidaana ku diyaar
garow.
Mustafe waligii marna niyada soo muu gashan in uu Maryan wayayo lakiin
wayaha aduun waxwalba way kenan waxanu ku sigtay in ay maskaxdiisu is

dhaafto oo uu maryan darted ku sigtay dhimasho waxaana ka war helay
abtiyayashii oo isku dayay inay uguriyaan lakiin uuka diiday inan aan Maryan
ahayn akhirkina ay kula taliyeen inuu noloshisii cadiga ahayd iskaga soo
noqdo oo uu iskulkiisa dhamaysto shaqaystana aanu is raacin aduunyada iyo
waxa ka dhaacayaba.
Maryan waxa la siyay nin aanay raali ka ahayn laguna siyay dibada ayuu ka
yimid ee aan loo meel dayin hadhow iyo waxa ka iman kara guurkaas Siciid
oo ahaa wiilkii la siyay Maryan maarkii u u laaawareegayba waxa u ka
dareemay sidaanay raalida uga ahayn iiyo sidaanu raaxada uu guurku lahaa
uga helayn waayo naftu waxay ku xasishaa guurka raalida laysku yahay
lakiiin guurka labada qof laysugu geeyo dan waalid iyo mid lamida toona
ayahiisa ayaa iska yaraada Maryan iyo Siciid waxay sidi u wada jogaan
iyagoo dhib mooye aan dheef guur isku qabin ayuu siciid fasaxii ka
dhamaaday waxaanu u bohlyoobay carigii England ee uu markii horeba ka
yimid markii uu maqnaa mudo sannado ah ee ay wax war ah ka wayday laguna
soo sheegay balwado badan oo uu lahaa marki horeba ayaa ay Maryan
reerkoodii u tageen reerki inanka waxaana ay ku wargaliyeen in ay inantii so
fasaxaan hadii kale ay la wareegan markiba waxa laga war doonay Siciid oo
telephone ka lagula xidhidhay isagoon ka warwareeginba waxa uu si toos ah
u soo diray warqadii maryan reerkoodiina yaab waxa helay inankiii lakiin
waxa la dhadhacay balwadihiisii iyo noloshiii uu ku nolaa oo ka fogayd
xaqiiqada kuna salaysnayd khiyaali badan oo ahaa madhalays aan isaga iyo
ayihiisa danbeba aan u ficnayn Maryan arinkaa way ku faraxday imikana
waxay joogtaa gurigooda waxaany wakhtigeeda ku qadataa inta badan
cibadada ALLE iyo guriga oo ay joogto inta badan waayo iskuulkii waa laga
saaray wixii looga saaray ee aha guurkana may raali ka ahayn ee waxa uu
ahaa guur lagu siyay dibada ayuu ka yimid iyo lacag ayuu leyahay

Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)

Buuga: (Hadimo Jacayl)