Sheeko Jacayl oo gaaban.

Waa xilli daruuruhu cirka wada dabooleen. Oo naflaha dhammaantiis waa uu faraxsanyahay dad, Dugaag iyo duuyadaba cirka ayeey dhawrayaan oo waxaa la sugayaa curashada roobkii guga waa xiliga Geel jiraha uu u daqaqan badanyahahay ee uu ku hawlanyahay guri yagleelid iyo guur xalaal ah oo waxaa soo afjarmayo jiilaalkii wax badan so hayay. Gashaantida reerka u joogtana ay isku diyarineyso guur xalaal ah waxaneyna dooneysaa in ay kamid noqoto dadka sanadkaan ka faa’ideysan doona ee dhidibada u aasi doono mustaqbal iyo reer u gooni ah naftooda. Gobolka hiiraan waxaa ku nool dad xoolo dhaqata ah isla markana ah reer guraa. Reeruhu waxa ay iska wareysanayaan halka loo sahantagi lahaa, kuwa baa ku talinaya inaan la guurin oo roobka la sugo. Inkasta oo ay figradaha lagu kala duwanyahay hadana dood iyo muran saas u baahsan majirin oo deegaanku waxa uu lagaa hogaan lagaqaato talada iyo iska warqab mideysan. Waxaana la sugayaa halka uu talada marin doono guud-caddaaga cirroobay oo asiga ayaa looga danbeeyaa laguna xushmeeyaa go’aanka. NUUR IYO UBAX waa labada lammaane ee wacadkoodu yahay guur. Waxana lagu ballamay in xirirka daba dheeraaday la soo afjaro. Ayadoo lawada sugayay kolka dhibicdu hoorto dhulkuna noqdo barwaaqo iyo roob . Ma jirin iska war qab ka danbeeyay maalinti lawada ballamay oo xoolaha lala joogay. Laakin maanta labaduba dhagaha kor ayeey u taagayaan oo mid kastana waxaa ka go’an meel marinta ballantii lawada galay ee guur. Iyadoo reerahana la iska soo ag dhaweeyay siduu qorshaha ahaaba marki hore. Kadibna waxaa loo geeda xaadhay hadalkii duugmay si loo hubiyo. Inuu yimid is badal iyo in wax waliba sidooda yihin. Balse nasiib wanaagsan riyadu waa mid u muuqato run. Muddo kooban ayuu soconayey kulama joogta ah iyo falanqeynta qaabka loo wajihi lahaa shaxda guurka wax kastana maalin maalinta ka danbeyso way sii fududaanayaan. Majirin sharuudo badan sida reer magaalka iyo qarash macna daro loo adeegsanaayo. Ugu danbeyntii waxaa la soo gunaanaday shirkii wada tashiga ee dhaxdooda ahaa iyadoo ugu danbeyn lagu ballamay in arinka loo weeciyo ficil iyo hor u socod. Ugu danbeyntiina si qurux badan oo loo dhanyahay ayuu u dhacay guurkooda.

X/G. BASHIIR C/LAAHI OSMAN: Baladweyne